Safarka Madaxweyne Sharif
Sh. Axmed uu ku booqanayo Jaaliyadaha Soomaalida ee Degan
Dalka Maraykanka.
(Minneapolis Oct
05,
2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
DKMG ah ee
somalia
Sharif sheikh axmed ayaa ka soo laabtay Todobaad ka hor
shirkii Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda
Midoobay,Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya
Masuuliyiin ka tirsan Golaha wasiiradda oo uu ka mid yahay
Shariif xasan sheikh aadan Wasiirka Maaliyadda DKMG ah ee
somalia,Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh axmed
ayaa tegay Goboladda ay soomaalidu ku badantahay ee Minisota
iyo Virginia wuxuuna hadda u ambabaxay Gobolka OHIO oo isna
ka mida Meelaha ay joogaan soomalida ugu Badan ee Maraykanka.
Daawo
Qudbadii
QEYBTA 1-AAD
QEYBTA 2-AAD
QEYBTA 3-AAD
QEYBTA 4-AAD
Sheekh
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu
hoggaaminayo ayaa kulamo la yeeshay Soomaalidda ku nool
Gobolka
Minnesota
ee dalka Mareykanka, isagoo sharraxaad uga bixiyay xaaladda
uu dalka ku sugan yahay iyo dhibaatooyinka ka jira.
Madaxweynaha
wuxuu ka jawaabay su'aalo badan, isagoo sheegay in dadkan
looga baahan yahay inay taageero siiyaan xukuumadda si ay
ugu guulaysato inay dalka kusoo celiso amaan iyo kala
dambeyn"Dalka waxaa ka jira dagaallo ay wadaan kooxo
Islaamiyiin ah oo diidan dowladda, waxay qorsheynayaan inay
afgabiyaan, innaguna waxaan wadnaa qorshayaal aan ku
difaacayno dowladda iyo jirtaankeeda" ayuu yiri Sharif
sheikh axmed.
Madaxweyne
Shariif wuxuu gaashaanka ku dhuftay in dowladdu ay iibsatay
qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in badda
iyo barriga Soomaaliya aysan jirin cid iibsan karta uuna
yahay mid ay
wada leeyihiin
dhamaan Soomaalida, inta gudaha ku sugan iyo kuwa dibadda ku
maqan "Colaadaha ka jira Somalia waxaa ka wanaagsanaa kuwii
Qabiilka, waayo qabiilku been kama sheegayn diinta,
dagaalladooduna waxay ahaayeen kuwo xad leh oo la garan karo
meel ay ku ekaayeen" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyne
shiikh shariif ayaa sidoo kale si kulul uga hadlayay
Dhalinyaradda Soomaalida Maraykanka ah ee ku soo qulqulaya
Gudaha somalia isagoona gaashaanka ku dhuftay in
Dhalinyaradaasi badankeeda fikradaha laga soo siiyay
Masaajid ku yaala Gudaha Cariga Maraykanka wuxuuna yiri "Waalihdiinta
ay caruurtoodu ku dhinteen Somalia iyo kuwa ay uga maqan
yihiin waxaan leeyahay ALLE samir wanaagsan ha idin siiyo,
waana inaad gacan bir ah ku qabataan carruurtiinna si aad
uga badbaadaan inay dagaallada ka qaybgalaan,Runtii waxaan
isleenahay ku booriya Wadaada masaajida Maraykanka inay
Dhalinyaradda Baraan Wadaniyada iyo Dal jacaylka".
Sharif sheikh
axmed ayaa sidoo kale intii uu ku jiray Booqashadi Gobolka
Virginia oo ka horaysay Tan uu xalay Minesotta ku joogay u
jeediyay Shacabka Soomaalida inay Taageeraan Dawladda KMG ah
ee soomaaliya isla markaasna wuxuu ka sheekeyay Taariikhdi
ay isla soo mareen Ereteria oo fadhi u ahayd Markii uu
mucaaradka ku ahaa Dawladi uu Majaraha u hayay Madaxweyne C/laahi
Yuusuf wuxuuna yiri"Aniga waxaan joogay Ereteria waagi
Itoobiya dalka joogtay,aniga waxaan danaynjiray Midnimadda
Shacabka soomaaliyeed hadana aniga iyo Sxbkay Shariif xasan
aad baan u wada tashanjirnay shirkii Jabuuti runtii waxaan
islahayn wuu Miradhalayaa wuuna noqday,Sxbkay Xasan daahir
wuu na diiday anaga waan ka soo tagnay Asmara waxaana nimid
Masar waliba waa naloo diiday inaan Casmara ka baxno oo
Dawladda Masar baa na damiinatay,waxaanuna ku fekernay
hadaad noqotaan amaa la idin dilaa ama la idin xiraa".
Khudbadi
xalay ee Gobolka Minesota ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay C/risaaq
Cismaan Juurile oo hadda ka tirsan DKMG ah ee somalia isla
markaasna ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta isagoona
Hambalyo u diray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed,Juurile ayaa
magaaladda
Minneapolis
Maalmihi ugu Dambeeyay kulamo kula yeeshay qaybo ka mid ah
jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolkan oo ah Gobolka ay
Deganyihiin Soomaalida ugu Badan ee Maraykanka ku nool.
Daawo Sawiradda
Abdirashid Mohamed-Ceegaag
Online
webmaster@ceegaag.com |