Garaadka Guud ee Beelwaynta Dhulbahante oo Soo wada Booqday
Dhamaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida Boston
Waxaa maanta oo
talaado ah bishinatahay shanta December 12/05/2006
booqasho ku wada tagay dhamaan goobaha ganacsiga Soomaalida
Boston, garaadka guud ee beelwaynta Dhulbahante Garaad Jaamac
Garaad Cali Garaad Jaamac. Garaadku markuu goobahaa tagay waxaa
ku soo wada dhaweeyay mulkiilayaashii ganacsatada iyaga oo aad
uga mahad celiyay sida xushmada iyo qadarinta leh ee Garaadkoodu
u soo booqday, iyagoo oo yidhi Garaad dhamaantayo garaadbaad noo
tahee dhulbahante uun Garaad umatihid.
Garaad Jaamac ayaa
u wada duceeyay dhamaan goobaha ganacsiga isaga oo kuwada lahaa
"Illaahay haydiin Barakeeyo, Illaahay haydiin Siyaadiyo" waxaa
kale oo garaadku saluugay iyada oo aayna jirin Iskuulaad u gaara
Soomaalida oo ay caruurtooda wax ku bartaan kulana socdaan
akhlaaqdooda, iyo tacliimintooda, isga oo ku nuux nuux saday in
loo baahan yahay in soomaalidu midoobaan si ay wax u wada
qabsadaan, Garaadku wuxuu shacabku ku waaninayay inay xasuustaan
inaysan Soomaaliya joogin, Qabiil hebel na ayna kala noqon karin,
loobaahanyahay inay isku xirmaan si ay wax u noqdaan, Garaadku
wuxuu yidhi "shaqsigii
shaqsi diidan danta guud haka raaco".
Daawo Sawiradii