HUNGOWGA
QABQABLAYAASHA,HANKA MAXKAMADAHA,HIMILADA DAWLADA,IYO HAMMIGA
CAALAMKA .
Qormada maqaalkan
ayaa waxa aan kaga hadlayaa Hungada qabqablayaasha,hanka
maxkamadaha,himilada dawlada federaalka soomaaliya,iyo himilada
caalamku u muujiyey.
tan iyo markii ay
burburtay dawladii dhexe ee somaliaya ee uu hogaamin jiray alle ha u
naxariistee Gen.max'ed siyaad barre waxa gudaha dalka soomaaliya ka
bilaabmay dagaalo sokeeye oo dad fara badani ku le'edeen kuwo kale
ku barakaceen.
Dagaaladaasi
sokeeye waxa ay ugu badnaayeen koonfurta soomaaliya siiba caasimada
muqdisho,dagaaladaasi waxa waday oo hurinayey dagaal oogayaashii
riday xukuumadii rayidka ahayd ee soomaaliya.
Qabqablayaasha
dagaalka oogayey waxa ay ku xisaabtamayeen inaysan dawlad aanay ka
dhalan soomaaliya ayna noqdaan kuwo dadka dhiigooda iyo
dheecaankooda cuna.
Dunida caalamku
waxa ay isku dayeen oo isku taxalujiyeen inay soomaaliya dawlad u
dhisaan mana suurtoobin tiraba 15jeer ayaa hogaamiye kooxeedyada
soomaaliya shirar kala gedisan loogu qabtay qaaradaha aduunka balse
wax natiijo ah kama soo baxin.
Sanadkii 2000 ayaa
dawlada kenya ee ay soomaaliya dal wadaaga ama deriska yihiin ay ku
dhawaaqday inay shir u qabanayso hogaamiye kooxeedyada soomaaliya
shirkaasi oo ka furmayey magaalada eldoret waxa ka soo qayb galay
gebi ahaan qabqablayaasha iyo caalamka intii danaynaysay horumarka
wadanka soomaliya.
hadal iyo dhamaan
shirkaasi oo afar sano socday waxa madaxweyne ka noqday Cabdullahi
Yuusuf axmed
Dhisidii dawlada ka dib waxa dhacday in ay soomaaliya inteeda kale
la xasiliyo marka laga reebo caasimada muqdisho oo ay iyada ay
dagaal ka hurinayeen qabqablayaal aan hadda meel ay jaan cidhib
dhigeen la hayn.
dagaal oogayaashii waxa ku soo baxay midowga maxmadaha oo iyagu
sheegay markii hore inay dadka ka xoraynayaan dagaal oogayaasha
dhiiga dadka cabaya waxna la odhankaraa qabqablayaashii
hungoobe,balse markii maxkamaduhu ay qabqablayaasha kaga dhigeen
kabtay meeday waxa ay hankooda ku dhiibteen inay somaliya iyaga wax
laga waydiiyo taasi oo u muuqadta maxkamaduhu waa xil doon ee maaha
dadkaan u gurmanaynaa.
webmaster@ceegaag.com
|