Caleemo-saarkii Garaadka
Axmed F. Cali “Idaajaa”
Hordhac:
“Qaab-dhismeedka bulshada Soomaalidu,
markii qoyska laga yimaado, wuxuu ku salaysan yahay tolka oo isna u
sii qaybsama jilibbo iyo lafo. Kolkii uu qaab-dhismeedkaasi qun isu
taageyna, waxa uu tol waliba yeeshay nin u madax ah oo wax u
guddoomiya, guud ahaanna maamulka arrimihiisa looga dambeeyo.
Ma jirto cid, dhab ahaan, u sheegi
karta sidii ay ku abuurmeen madaxdii ugu horraysey ee tolalka
Soomaaliyeed. Oo weli su’aasha aan jawaabta loo hayni waxay tahay:
Ma inta, maalin maalmaha ka mid ah, la shiray ayaa nin la wada oggol
yahay farta lagu wada fiiqay, markaasna madaxnimadii loo shuumay?
Mase inta la diriray oo la kala adkaaday ayaa, ugu dambaystii, waxaa
taladii sandulle kula wareegey dagaalyahan ka tirsan lafaha tolka
middood? Waa arrin baaris-cilmiyeed ka sugeysa aqoonyahannada
kasmooyinka bulshada iyo buuniyada ku foogan barashada hababka
kala-dambaynta ee sinjiyada aadanaha.
Si kastaba ha ku abuurmee, Soomaalidu
waxay leedahay hannaan madaxtooyo oo ay u badan tahay inuu
jiritaankeeda la da’ yahay. Taasina waa wax aan iyada keliya ku
koobnayne, ay kala mid tahay dadyowga kale ee dunida ku dhaqan,
maxaa yeelay goor hore ayay bulshooyinka aadanuhu dareemeen inay
noloshoodu sii wacnaan karayso, haddii ay tu’ waliba yeelato madax
agaasinkeeda ay ku aamminto, iyadana kala hagta.
Siday u badan yihiin, tolalka waaweyn
ee Soomaalida waxa uu mid waliba iskiis u leeyahay nin u madax ah;
kaas oo ku abtirsada jilibka ama lafta tolkaas isaga ah ugu curadsan.
Waa hannaan, sida boqortooyooyinka lagu yaqaan, dhaxaltooyo ku
salaysan oo, geeri ka dib, inanka curadka ahi uu aabbihiis uga haro.
Kolkol aad dhif u ah ayay dhacdaa
inanka curadka ah in jagadii uu aabbihiis banneeyey, si ku-meel-gaar
ah ama weligeedba, loo weydaarsho; iyada oo sabab looga dhigaayo
da’diisa oo yar, fayoobidarro xagga maanka ah, cudur, oogo ahaan, u
halakeeyey, iwm. Inanka oo da’ yar haddii odayga dhalay oo madaxda
ahi uu geeriyoodo, waxaa badanaa duubka boqortooyo loogu dhiibaa
adeerkiis run ah ama, haddii aan adeer jirin, ciddii markaas ugu
sokaysa. Dabadeed, kolkii uu qaangaar noqdo, loona filo inuu xilka
ku fillaan karo ayaa madal loo dhan yahay lagu shuumaa, guddoonkuna
uu uga soo noqdaa, intii uu yaraa, ciddii u haysey.
Madax-dhaqameedyada Soomaalidu waxay
kala sitaan magacyo kala duwan oo, in door ah oo ka mid ah, macnaha
iyo halka ay ka soo jeedaan aan la qeexi karin, kolka loo eego
af-soomaaliga oo ah tolalka ay madaxdaasi u taliyaani afka ay ku
wada hadlaan. Waxaa ka mid ah Ugaas, Malaakh, Garaad, Boqor, Wabar,
Islaan iyo qaar kale. Tol waliba wuxuu leeyahay madax-dhaqameedkiisa
u gaarka ah; kaas oo huwan magac magacyadaas ka mid ah. Ma kala
sarreeyaan oo haddii ay goob keliya ku wada kulmaan fadhiga iyo
hadalkaba way u siman yihiin. Dhinaca kale, ma laha ku-xigeenno
hawlaha guddoonka la qaybsada, in kastoo ku’ walba agihiisa lagu
arko dhaxlsuge loo malaynaayo inuu isagu talada uga hari
doono maalintii uu geeriyoodo”.
London, 3dii
Mey, 2006
Arrimahaas ayaan ka fekaraayey intii
aan fadhiyey kuraasta socotada loogu talo-galay ee gegida
dayuuradaha ee London/Gatwick. Isla iyaga quhooda ayay maskaxdaydu
ku hawllanayd markii aan sii tafaayey jaranjarada dayuuraddii ii
duulinaysey Afrikada Bari. Runtiina, waxaa la igu oran karaa: halkii
aan ku sugnaa iyo arrimahaas maankayga ku wareegaayey way kala
fogaayeen, ha yeeshee ma sabab la’ayn. Waxaan u socdaa waqooyiga
Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Laascaanood. Martiqaad degdeg igu
soo gaarey, degdegna aan u yeelay ayaan haystaa. Garaad cusub (Dhulbahante)
ayaa loo ballansan yahay in dhowaan magaaladaas lagu caleemo-saaro,
looguna dabbaaldego. Markaas bay qabanqaabiyeyaashu, iyaga oo ku
mahadsan, waxay garteen in la igu daro ergooyinka madashaas
goobjoogga ka noqon doona. Wuxuu ahaa martiqaad aan u bogey, ina
farax-geliyey.
Dadkuse waa kala maan. Waa tii la yiri:
hal nin la toosani nin la tuur lehe, garoonka London/Gatwick intii
aanan ka ambo-bixin ayaan wacay nin aannu wadey nahay oo ka mid ah
Soomaalida Waqooyiga Yurub ku nool. Waxa aan u sheegay ulajeeddada
sodcaalkayga iyo meesha aan u socdo. Markaas buu inta qoslay igu
yiri: “Saaxiibow, maxaa shaqo la’aan kaa badatay? Ma intaas oo dhul
ah ayaad u jaraysaa oday la caleemo-saarayo dartiis?!”. Aamus baan
kaga jawaabey, maxaa yeelay waxaa aad u kala fogaa arrintu sidii ay
saaxiibkay ugu muuqatey iyo sidii aan anigu u arkaayey.
Xaggayga, waa madal uu joogitaankeedu
abdo ii yeelan doonto, maxaa yeelay: marka koowaad, waxaa suuraggal
ii noqon doonta in aan, kolkii iigu horraysey, ka qayb-galo
madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo xilka hoggaaminta qoladiisa loo
shuumaayo. Marka labaad, waxaan arki doonaa qayb ka mid ah hiddihii
hore ee Soomaalida oo hortayda laga dhaqan-gelinaayo. Marka
saddexaad, taariikhda suugaanta Soomaalida sidaan ka dhex-helay,
waxaa jirey maalintaas oo kale siyaabo ay Soomaalidu u weyneyn
jirtey. Taas qudheeda waxaa ii suuraggeli doonta inaan wax ka ogaado
bal wixii ay waayuhu hiddahaas ka beddaleen iyo wixii ay ku
kordhiyeen.
Haddaba, saaxiibow, intaasi miyay tahay
wax la fududaysan karo? Jawaabtu waa ‘maya’ siday ila tahay.
* * *
Garoonka intaan joogey, sheekooyinka
hareerahayga ka socdey sida iiga dhadhantay, dadka dayuuradda ila
raaci doona waxaa ka mid ah Soomaali Ingiriiska qaxootinnimo ku soo
gashay, haddase ‘British’ ah; waraaqo ahaan. Waxaa ka dhex-muuqda
odayo waayeelay iyo islaamo gaboobey oo uu socodkuba dirqi ku yahay.
In kastoo ay guyaal door ah Yurub ku noolaayeen, haddana weli
cimilada qaaradda ma qabatimin. Weli waxay ka eed-sheeganayaan
qabowga oo bisha Mey aan sidaasba u sii ridneyn. Waayeelkaasi waxay
u hilawsan yihiin inay mar kale soo arkaan dhulkii qorraxda lahaa ee
ay yiqiinneen, haddii ay toodii ku gashana ay ku dhintaan.
Waxaa iyaguna socotada ka mid ah haween
dhallin yar oo qaarna uu raggoodii la socdo, qaarka kalena ay
keligood yihiin. Intooda badani waxay gacnaha haystaan carruur ugu
dhalatay London iyo magaalooyinka kale ee Boqortooyada Midowdey
(UK); kuwaas oo ay u wadaan fasax gaaban oo qaraabo-salaan iyo
faanfaanba isugu jira!
* * *
Paris, 3dii Mey 2006
Hawada sare markii ay dayuuraddii ku
xasishay ayaan iska furay suunkii bedbaadada. Waxaan dherarayaa
inaan barto Jaamac Garaad Cali oo, maalmo ka dib, tolka Dhulbahante
inta loo caleemo-saaro Garaad Jaamac loogu yeeri doono. Awel horeba
waan u war-hayey, isaga oo Maraykan ka yimid, inaan ku kulmi doonno
duullimaadkan aan aniguba ku jiro, mase ahayn, magac guud mooyee,
nin aannu isgaranayney. Toyasho gaaban ka dib, waxaan ogaadey inuu
fadhiyo kuraasta dayuuradda kuwa ugu dambeeya; halkaas oo intaan ugu
tegey aan isku gacan-qaadnay. Waa nin da’ yar oo aan soddonkii wax
weyni u dheerayn. Kolkaan ka soo noqdayna, waxaan dareensanaa inuu
yahay nin culus oo aan fudaydkii dhallinyarnnimadu ka muuqan, ka dib
markaan sii bartayna waxaa ii caddaatay malahaygaasu inuu run ahaa.
* * *
Kursigii aan fadhiyey markaan ku
dangiigsadey ayaan dib ugu noqday taariikh-bulshadeedka Soomaalida,
gaar ahaanna madax-dhaqameedyadii hore ee tolalku kaalintii ay ku
lahaayeen iyo wixii ay hawshoodu ahayd.
Waxaa ii soo baxday inay ahaayeen rag
warkooda la maqlo, taladoodana la raaco. Siday u badnaayeen, waxay
ahaayeen rag qoor-iyo-xero leh. Rag aan damiirkooda cid kale amaahin
oo afkooda iyo uurkoodu aanay kala tagganayn. Rag ay bulshadoodu ku
maamuusi jirtey tilmaamihii wanwanaagsanaa ee lagu bartay; kuwaas oo
runta iyo dhiirranaantu ay ugu waaweynaayeen. Maantii shiranka la
yahay, iyaga ayaa afkooda la dhawri jirey oo talo la mahadiyona
keeni jirey, wixii geedka lagu gooyona tolka u guddoomin jirey.
Waxay ahayeen rag dadka ay u taliyaan daacad u ah oo meel-marinta
danahooda aan waxba dhaafsan. Rag aan sandareerto lagu sabin,
maalintii ay xiniinyo-taabad joogtona aan ‘shisheeyaha’ u debcin.
Waxaa madax-dhaqameedka Soomaaliyeed
laga fili jirey wixii xaq ah oo dadkiisa tolalka kale kaga maqan
inuu, si uu yeeloba, ka soo dhiciyo, wixii lagu sheeganayana uu ka
daafaco. Haddii ay lagama-maarmaan noqoto, isaga ayaa go’aanka
colaad-qaadashada ku dhawaaqi jirey, ciidanku inta aanu dhaqaaqinna
u nabaaddiino-xiri jirey oo inuu Eebbe soo guuleeyo ugu ducayn jirey!
Ugaaska, Garaadka, Suldaanka iyo
madax-dhaqameedyadii kale ee la midka ahayd ma ay lahayn ciidammo
iyaga u qoran oo ay guddoonkooda ku fuliyaan. Haddaba, su’aashu
waxay tahay: sidee bay taladoodu ku meel-mari jirtey? Marka koowaad,
inta aanay wax guddoomin waxay kala soo tashan jireen odayada kale
ee tolka. Sidaas darteed, waxay u badnayd inay madasha keenaan wax
la isku soo raacay, kagana dhawaaqaan. Marka labaad waxaa lagaga
dambeeyey haybad gaar ah oo markii la caleemo-saaraba ka soo if-bixi
jirtey; taas oo fududayn jirtey in warkooda dhegaha loo raariciyo.
Marka saddexaadna waxaa, wadar ahaan, loo rumaysnaa inay leeyihiin
karaamo ay ku waxyeellayn karaan kooxdii ama ninkii kolba ku
gacan-sayra amaba aflagaaddo u geysta. Waxaa, hidde ahaan, lagu
tiriyaa dhawr kooxood oo bulshada Soomaalida ka tilmaaman; kuwaas oo
habaarkooda iyo dhaawashadoodaba laga baqi jirey sida waalidka,
wadaadka, ilmiriglaha (nin col baqday lagala haray), Yibirka,
daan-ku-qalinlaha (ardayga Quraanka barta) iyo qaar kale.
* * *
Hiddaha Soomaalidii hore sidii aan ugu
maqnaa ayaan ku baraarugey dayuuraddii oo cago-dhiganaysa gegida ku
magacaaban Charles De Gaulle ee ku taal duleeddada Caasimadda
Ilayska; Baariis (Paris). Waa magaalo qurux badan oo magaceeda lala
xusuusto ilbaxnimo, falsafadaha casriga ah, suugaan, hababka
dhar-xirashada wacan, fanka kariska cuntada macaan, cadar-samaynta
iyo wax walba oo ay nafta aadanuhu u beer-raqdo.
Maxayse iigu taallaa haddii aanu
danjirihii joogin? Muxuu milicsigeedu i tarayaa, haddii iilka la
dhigay Maxamad Siciid Samatar; diblomaasigii aan sannadaha badan ugu
iman jirey ee qaybaheeda taariikhiga ah i kala baray? Sow inaan
dhex-mushaaxaa iima beelin haddii aanu ‘Gacaliye’ igu sugeyn rugta
tareennada ee Gare de Lyon? Isaga oo i xifaalaynaya haddii aanu i
daawisiineyn Tour Eiffel, Quarter Latin (Xaafadda Laatiinka),
waddada Champs-Elysees iyo makhaayadaha yaryar ee dhinacyadeeda
sariiran, Boulevard de la Bastille, kaniisadda Notre Dame, Arc de
Triomphe (Qaansada Guusha), Chateau de Versailles, daamaha webiga
Seine iyo goobaha kale ee wax-ka-soo-qaadka leh, dalxiiseyaashuna ay
magaalada ku jecel yihiin?!
* * *
Waxba yaanan nin-doorkii tegey
garwaaqsane, aan ku noqdo sodcaalkaygii oo aan iraahdo : Mar labaad
ayay dayuuraddii hawada nala gashay ; iyada oo afka saartay Afrikada
Bari iyo halkii ay awelba u rarnayd. Waxaa nagu soo kordhay uun
askar Faransiis ah oo, markuu fasaxii u dhammaaday, ku noqonaysa
Jabbuuti iyo xeryaha ay, mindhaa, ku leeyihiin.
Markii iigu horraysey ayaan
isweyddiiyey : Oo, tolow, dayuuraddan yaa iska leh ? Tigidkayga iyo
wixii ku dhignaa ayaan dib u fiiriyey. Waxa uu Mukhtaar ka soo
gooyey shirkadda Daalo (ma aqaan sababta ay Daallo ugu
qoraane?), ha yeeshee, sida la ii sheegay, iyadu dayuurado ma laha.
Waa shirkad ay samaysteen saamiileyaal Soomaaliyeed ; ka dib markay
meesha ka baxday shirkaddii Somali Arilines oo dawladdii
Soomaaliyeed ee burburtay ay lahayd. Daalo dalka gudihiisa iyo
dibeddiisaba way ka hawl-gashaa. Waxay Yurub ka uruurisaa Soomaalida
dalkooda dib ugu dhoofaysa, markaas bay shirkadaha dunida ka jira
dayuurado ka kireysataa ; halkaas oo ay faa’iido ka soo gasho.
Markaan eegay qoraallada xayeysiinta ah
ee gudaha dayuuradda ku xardhan ayaan ogaadey inay leedahay shirkad
aan dhab loo aqoon oo la yiraahdo Astraeus, dalka Ingiriiskana laga
leeyahay.
Cid kastaa ha soo kireysato, cid
kastaase ha lahaatee, waxaan ka mashiiqsannay cashadii weelasha
balaastigga ah ku jirtey ee, cabbaar ka dib, ay shaqaalaha
dayuuraddu noo qaybiyeen. Ilaahay maraggii, tiro iyo tayoba, waxay
ahayd hafaryo. Waxaa loo kala bayri waayey inay ahayd casho aan sina
ugu dhigmi karin dhererka saacadaha sodcaalka (8 saacadood !); casho
la wada qawadey oo, gaajo iyo oon toona, aan waxba nooga tarin!
Dhaqdhaqaaqii shaqaalaha dayuuradduu
kolkuu yaraaday ee ay ururiyeen maacuuntii ay cashada ku qaybiyeen
ayuu qof waliba isku deyey inuu halkiisa seexdo amaba ku nasto.
Anigase, muddo aan hal saac ka yarayn, ayay taasi suuraggal ii noqon
weydey.
Waxaan damcay badhankii loogu
talo-galay inta aan hoos u riixo in aan kursigayga gadaal u fidsado,
si aan hurdo isaga doondoono. Waxaase tallaabadaas iska kay
hortaagey nin socotada ka mid ahaa oo fadhiyey kursigii kayga ka
dambeeyey. Wuxuu, isaga oo dhirifsan, iga codsaday inaan kursigayga
qun ugu fadhiyo, si uu isagu ugu seexdo kii uu xaqa u lahaa iyo mid
bannaan oo xigey, sidii sariireedna uu isugu kala bixiyey! Waxaan ku
iri : «Saaxiibow, aniga iyo adiguba, innaga oo labadeenna kursi
isticmaalaynna ayaynu seexan karaynaa». Hadalkaygii isaga oo aan
garowsanayn ayuu yiri: «Haddii aad kursigaaga soo fidisid meesha
ayaa ciriiri igu noqonaysa, sidaas darteed sidii uu ahaa ku celi ».
Waxaan isku deyey inaan sheekada kaftan
u rogo, markaas baan ku iri : «Ninyahow, waad iga gardaran tahay,
waxaana muuqata in aadan wax badan dayuurado raacin! Kuraasta
dayuuraddu sariiro ma aha, waxaana loo farsameeyey sida ay yihiin
inuu qof waliba ugu nasto.». Waaba ka daray! Intuu fariistay ayuu
isku deyey, si xoog ah, inuu kursigaygii u soo toosiyo, taas oo u
suuraggeli weydey. Mar saddexaad ayuu i abhiyey, anna waan ka diidey.
Kolkii dambe ayaan ku iri : « Ninyahow, aniga iyo adigu, kolka,
ismari weynaye, maxaynu yeelnaa?». Wuxuu yiri : « Hablaha dayuuradda
ka shaqaynaya inoogu wac ». Waxaan iri: «Habluhu inay yimaadaan
mooyee, annagu ma heshiin karayno miyaa ? ». Markaas buu ku jawaabey:
«Maya, maxaa yeelay sida iiga kaa muuqata waxaad tahay nin madax
adag!». Waxaan iri:«Waa tahaye, garta sidii ay kolba habluhu ku
gooyaan ma ku go’daa?». Wuxuu yiri : «Haa».
Iyada oo ay iga go’an tahay in aan
taladiisa yeelo ayaan, haddana, eray kaftan ah ku tuuray. Waxaan ku
iri: «Ninyahow, sida aan dareensanahay, adiga oo aan Xamar soo marin
ayaad, burburkii ka dib, Yurub soo gashay! Lillaahi, runtay ma tahay ?!».
Si kale kuma garatide intuu umlay ayuu karay! Wuxuu dibedda soo
dhigay indho cascas oo aan u filay inay dhiig qabaan! Dabadeedna
intuu hagaag ii soo dhawray ayuu yiri: «War Xamar oo dhan qaadee,
kursiga ma iga durkinaysaa, mase maya!».
Inta aan wax xil lihi dhicin, sow inaan
arrinta soo af-jaro talo iilama ekaan? Badhan korkayga ku yaal oo
shaqaalaha dayuuradda loogu wacdo ayaan riixay. Wax yar ka dibna
waxaa i soo dul-joogsatey haweeney da’-dhexad ah. Waxaan u sheegay
aniga iyo ninka iga dambeeyaa waxa aannu isku hayno. Markaas bay si
degdeg ah waxay isagii ugu sheegtay inaan xaq u leeyahay kursigyga
inaan gadaal u fidsado, kuna nasto. Iyo inuu isaguna sidaas xaq u
leeyahay. Hadal kama dambeyn, gartiina aniga ayaa helay.
Sheekadaasi halkaas ayay ku dhammaatay,
waxaase habeenkii oo dhan maankayga ku wareegaysey su’aasha ah:
Khilaafkeedu heerkii uu doonaba ha joogee, si ay uga heshiiso,
Soomaalidu ma waxay ku qasban tahay inuu shisheeye soo dhex-galo?
Haddii ay jawaabtu ‘haa’ tahay, waa nasiibdarro iyo hoog iyo ba’!
Jabbuuti,
4tii-7dii Mey, 2006
Sidii noo qorshaysnayd, aroornimada
4tii Mey, 2006da ayaannu Jabbuuti tagnay. Waxaan filaayey dhismaha
gegida dayuuradaha inta aan joogo inaan ololi doono; kulaylka iyo
hawada qoyan aawadood. Mase dhicin oo, sidii aan ku ogaa, meeshu way
ka beddalan tahay. Hadda waa qabow, waxaana, sida la ii sheegay, ugu
wacan shirkad Carbeed oo Dabey laga leeyahay, indhowaalena iyadu
gacanta ku haysey maamulka dekedda magaalada iyo gegida dayuuradaha
labadaba.
Maalmihii dhawrka ahaa ee aannu
Jabbuuti wada joogney ayaa waxaa ii suuraggashay inaan Garaadka
dhallinta yar la sheekaysto. Wuxuu ka mid ahaa, qaranjabka ka dib,
Soomaalidii Waqooyiga Ameerika u qaxday. Intii uu dhulkaas ku
maqnaana, wuxuu ku foognaa dhismaha shakhsigiisa iyo danaha
qoyskiisa. Siduu ii sheegay, waxa uu xoogga saaray waxbarashada,
taas baana geyeysiisey inuu ka fogaado magaalooyinka iyo gobollada
ay Soomaalidu ku badan tahay. Meel gooyo ah intuu degey ayuu
u jeestey inuu wax raandhiis leh ku hawshoodo.
Wuxuu iigu muuqday nin xishood badan oo
qofka uu la sheekaysanayo indhaha ka dadba. Intii aan la joogey
marna ma aan arag ruux salaan ugu yimid oo uu fadhiga ku
gacan-qaadayo. Kol walba wuxuu ila ahaa nin diyaar u ah inuu
dhegeysto dadka ka da’da weyn, waxna uu ka barto. Xilkan culus ee uu
dhowaanta dusha u ridan doono waa nin durbaba aad u dareensan,
wejigiisana laga akhrisan karo. Berrito yeelkeede, maantaas waxaa
foolkiisa ku dhignayd inuu yahay nin caleemo-saarkan loogu yeeray
dhab uga walaacsan. Aniguna sidii aan is-iri, waxay arrintuba ka
joogtey: ‘Ma car baa dhamis leh, ma caanaa qubis leh!’.
Dhawrkaas cisho ee aannu meesha wada
degganayn ayaan isla soo qaadnay, inta la xusuusan yahay, heerarkii
afarta ahaa ee madax-dhaqameedyada Soomaalidu ay soo mareen:
1. Heerka koowaadi wuxuu ahaa ka hor
Gumeysigii Reer-Yurub iyo kan Xabashiduba intii aanay dalka soo
gelin. Wuxuu ahaa xilligii ay madax-dhaqameedyadu ugu awoodda
badnaayeen, guddoonkooduna uu si dhab ah geyiga uga hirgeli jirey.
Taasna waxaa ugu wacnaa iyada oo aysan jirin awood kale oo talada
tolka kula tartamaysey.
2. Heerka labaadi wuxuu bilawday markii
uu shisheeyuhu dalka wada qabsaday, markaas oo awooddii madaxda
dhaqanku ay aad hoos ugu dhacday. Xilkooda ugu weyn waxa uu
Gumeystuhu ka dhigay inay dadweynaha ka xigsadaan, si hawsha
maamulka dalku ay isaga ugu fududaato. Waxaa loo diri jirey tolka ay
u duuban yihiin inay ka soo uruuriyaan kolba magtii lagu sheego,
ganaaxii la saarana ay khasnadda dawladda ku soo hubsadaaan. In
badan oo ka mid ah ayaa waxaa lagu qasbi jirey qorshaha Gumeysiga
inay wax ka fuliyaan, dadka ay u taliyaanna ka dhaadhiciyaan
dantooda iyo midda maamulka shisheeyuhu inay mid yihiin! Dabadeed,
intii sidaas oggolaatay waxa ay ka dhacday indhihii dadkooda,
waxayna weydey maamuuskii ay bulshada dhexdeeda ku lahayd!
Ha yeeshee, giddi madax-dhaqameedyadu
sidaas ma wada ahayn. Qorshihii shisheeyaha hawraarsan lama
wada oran. Taariikhdu sida ay ina barayso, waxaa jirey rag
hoos-u-dhigidda awooddooda ka madax-adaygay, sidaasna qoodhoodii iyo
xeradoodii ku xagsadey. Xataa, waxaa la xusuusan yahay kuwo diidey
saraakiishii Gumeysiga ka-fool-ka-fool inay ula kulmaan sida Suldaan
Cabdillaahi Suldaan Diiriye (Garxajis, Ciidaggale), Ugaas Cabdille
Cali-xaabbuun (Marreexaan, Reer-Diini), Garaad Jaamac Garaad Cali (Dhulbahante,
Bah-Ararsame) iyo kuwo kale oo xusuustayda hadda ka maqan.
Si, haddaba, uu raggaas uga aarsado,
awooddoodana uu u wiiqo, waxa uu Gumeysigii ka garab-abuuray qaar
kale oo uu caaqillo ku magacaabay, mushaarna uu u qoray.
Siday u badnaayeen, waxay ahaayeen rag aan laaluushka ka siqoon,
gartana siiya labada wax isku haysata kolba kii lacagta ugu badan
jeebabka ugu shuba!;
3. Heerka saddexaad wxuu la bilawdey
xilligii ay Soomaalidu gobannimadeeda heshay ee ay dawladda noqotay,
kaas oo laba qaybood laga dhigi karo. Qaybta hore (1960-1969) waxaa
dalka ka soo taliyey xukuumado rayad ah oo ay hoggaanka u hayeen
raggii xukunka Gumeysigii Reer-Yurub kala wareegey. Qaybtan iyada ah
waxba ku dheeraan mayno, maxaa yeelay sidii ay madax-dhaqameedyada
ula dhaqm jireeni wax sidaas ah kama ay duwanayn sidii uu Gumeysigu
ula dhaqmi jirey.
Waxa aynu, kolka, iftiinka ku daaraynaa
xilligan qaybtiisa labaad (1969-1991) oo ah markii dhaawicii ugu
cuslaa uu madax-dhaqameedka Soomaalida la soo gudboonaadey. Waa
xilligii saraakiisha Ciidammadii Qaranku ay maamulkii dalka xoogga
ku qabsadeen, jamhuuriyaddiina u rogeen dawlad Kacaan ah oo,
beryihii hore, qorshaheeda gacan bir ah ku fulin jirtey. Haddiiba
markii ay taladii dalku gacmahooda ku xasishay ayay ku dhawaaqeen
inay dhisayaan dawlad casri ah oo cilmi iyo ilbxnimo ku salaysan,
sidaas darteedna aan loo baahnayn dhaqammada gaboobey ee aan
qorshahaas la saan-qaadi karayn. Dhaqammadaas ay saraakiishu
weerarka ba’an ku qaadeen waxaa ugu horreeyey qabyaaladda oo lagu
macneeyey iyada iyo dawladnimo in aanay meel wada geli karin, wadana
noolaan karin. Sidaas darteed, waxaa la qaaday ol’olihii la-dagaallanka
qabyaaladda; iyada oo lagu xoojiyey sharciyo ka soo hor-jeeda
ku-dhaqankeeda iyo dhiirri-gelinteeda.
Markii ay ugu darrayd waxay ahayd
1970kii markii la soo saaray xeer lagu baabbi’inaayo hawlihii
madax-dhaqameedyadu ay tolka dhexdiisa ka qaban jireen. Doodda
dawladdu waxay ku salaysnayd, marba haddii ay dawlad waddani ahi
dalka ka jirto, in aan loo baahnayn iyada iyo muwaaddinka
inay cid saddexaadi u dhexayso. Dabadeedna, waxaaba dembi ciqaab
lagu muto laga dhigay in carrabka la soo mariyo madaxdii hore ee
Soomaalidu magacyadii ay, maamuus ahaanta, u lahaayeen sida Ugaas,
Malaakh, Garaad, Islaan, iwm!.
Qiyaasta muddo aan 10 sano ka yarayn
(1970-1980) ayay madax-dhaqameedydii Soomaalidu ay gacan-ku-gabbad
ahaayeen, sidii loogu taliyeyna ay sandulle ku oggolaadeen. Waxa uu
mid waliba la awood noqday xubnaha tolkii uu beri u talin jirey ilaa
la soo gaarey sannadihii ka dambeeyey dagaalkii ay Soomaalidu ku
jabtay ee iyada iyo Itoobiya dhex-maray (1977-’78). Jabkaas ayaa
xoogaa aqoonsi ah waxa uu u sidey odayadii duubka madaxtinnimo
dhulka laga dhigay. Sababtu maxay ahayd? Waa sheeko kale oo aan
halkani qaadi karin.
4. Heerka afraadi waa xilligan
qaran-jabka oo bilawday 1991kii, welina aynu ku jirno. Tiirarkii
dawladnimo oo idil waa tii jirdaha loo siibey, markii jabhado
qabiil-qabiil ku dhisani ay dhinaca Itoobiya dalka kaga soo duuleen,
dabadeedna ay burburiyeen. Degaanka Benaadir waa tii uu ka qarxay
dagaal silloon oo mid ‘sokeeye’ lagu sheegay, hase yeeshee ay
sokeeyennimadu ku yarayd, ujeeddo la’aanta iyo anshax-xumaduna ay ku
badnaayeen! Booliskii iyo Ciidankii Ummaddu waa tii ay kala firdheen.
Waa tii la hooshay hantidii Qaranka iyo tii gaar ahaaneed labadaba.
Waa tii ay kala-dambayntii luntay. Hay’adihii bedbaadada muwaaddinku
waa tii ay, si degdeg ah, meeshii uga baxeen, waxaana mar qura
Soomaaliya lagu arkay bulsho, haba yaraatee, aan inna wax hoggaan ah
lahayn!
Hannaankii dawladnimo kolkii la waayey
ayaa hoggaanka keliya ee Soomaaliya ku soo haray waxa uu noqday
madax-dhaqameedyada tolalka. Meel la joogoba, iyagii ayaa la wada
eegay. Waxaa loogu yeeray inay la soo noqdaan awooddii, awel hore,
laga xayuubiyey; iyada oo laga filaayo inay joojiyaan colaadaha lagu
wada hoobtay, guud ahaanna ay u maareeyaan guuldarrada dalka la soo
gudboonaatay.
Taasna, in kastoo odayaashu ay isku
dayeen, haddana waxba kama naaso-caddaan. Waxaa iska hor-taagey
kooxo hubkii dawladda inta gacanta ku dhigay bulshada inteedii kale
ku muquuniyey. Sida la og yahay, waxaa gobol kasta ka soo if-baxay
dagaal-ooge magac qabiil huwan oo sheeganaya inuu daafacayo
qolada uu u dhashay. Dagaal-ooge aan oggolayn talada reerka inay cid
kale la wadaagto oo madax-dhaqameedyada haybta la sheeganaya, ha
yeeshee aan wax awood ah u aqoonsanayn.
Meel kastaba dalka ha ka joogee, waxa
uu dagaal-ooge waliba gacanta ku dhigay ilihii dhaqaalaha ee ka
jirey halka ay qoladiisu degto, markaas baa waxaa u suuraggashay
deeq ama dil, kolba tii u sahlanaata, inay qorshahooda ku
meel-marsadaan!
Madaxdii dhaqanku candhuuf bay dib u
liqeen. Dhallinyaro iyo waayeelba, waxaa laga doortay
qabqableyaashii dhiigga dhallinyarada Soomaalida ka tanaaday.
Kaalintii ay bulshada ku lahaayeen ayaa waxaa la geeyey halkii ugu
hoosaysey ee ay weligeed tagto. Waxaa la oggolaysiiyey arrimaha
maamulka dalka inay faraha kala baxaan, una daayaan
hooggaamiyeyaasha siyaasadda oo loola jeedo ragga hubaysan.
Markaas bay ka badin waayeen qorshe kasta oo dagaal-ooguhu u soo
jeediyo inay ku duceeyaan. Si kale kuma garatide, waxay qaayibeen
inay noqdaan tiinbare ay ku dhufsadaan kolba xaashidii ay soo
qortaan!
Jabbuuti, 8dii Mey, 2006
Abbaaraha 8:30kii subaxnimo mar ay
ahayd ayaan ka soo degtey qolkii aan ku lahaa Hoteel Caaliya oo ah
Garaadka iyo anigu halkii aannu degganayn. Waxaan u socdaa meesha
quraacda martida loogu talo-galay oo ku taal dabaqa dhismaha ugu
hooseeya. Haddiiba kulaylkii baa foodda iga leefay, waase filaayey
oo meeshu waa Jabbuuti. Intii aanan ku leexan halkii aan u socdey
ayaan milicsaday rag sheekaysanaya oo ku dangiiga kuraas la dhigay
meel u dhow halka hoteelka lga soo galo. Haddii aan xaggooda u soo
dhowaadeyba waxaan ka gartay Dr Cali Khaliif Galaydh oo markaan
gacanta u soo taagey isna magacayga iigu yeeray. Waan ogaa inuu
imaanayo oo Jabbuuti aannu ku kulmi doonno, iskana raaci doonno;
isaga oo Garaadka Laascaanood u gelbinaya. Isla maalintaas ayaan
ogaadey inuu yahay qabanqaabiyaha koowaad ee hawlaha caleemo-saarka.
In aan anigu Cali gartaa layaab ma
lahayn. Laga soo bilaabo sannadkii 2000 waxa uu ku jirey warbaahinta
Soomaalida iyo midda adduunweynaha labadaba; taas baana ugu wacnayd
xusuusta wejigiisu inay si fudud maankayga ugu soo noqoto. Waxaase
layaab lahayd inuu isagu i garto, maxaa yeelay waxaa isugu kaaya
dambaysey bartamihii 1900 iyo siddeetannadii; habeen aan Rooma ku
wada cashaynnay, ka dibna wax xiriir ah ma aannu yeelan; toos iyo
telefoon toona.
Muddo 3 sano ku-dhowaad ah ayuu Cali
wuxuu ahaa ra’iisulwasaaraha Soomaaliya. Haddii dhinac la iska dhigo
siyaasadihiisii gudaha dalka oo aanan wax kala socon, waxa uu
sameeyey laba arrimood oo aan anigu aad ugu bogey, malahaygana
taariikhda si wacan ugu geli doona:
Arrinta hore waxay ahayd inuu inoo soo
celiyey qab-wadareedkii ummadda oo qaran-jabkeennii ka dib,
si degdeg ah, la inooga baduugay, lagana samirsanaa inuu dib inoogu
soo noqdo. Waxaan u soo joogney ciidammada Itoobiya oo dalka
gudihiisa ka faltamaya, cid hey-hey oran kartaana aanay jirin.
Waxaan aragnay dagaal-oogeyaashii Soomaalida oo haddii ay Xabashidu
boqollaal disho iyagu dafiraya, inta aanay iyadu dafirin! Waxaa la
qaayibey labadii ‘hoggaamiye’ oo isqabtaaba inay Addis Ababa u kala
hormaraan, mid walibana uu saraakiishooda nabadsugidda midka kale ku
dacweeyo. Waxaa la inaga dhaadhiciyey labadii gobol, labadii qabiil
ama labadii kooxood oo colaadi dhex-marto kolba dhinaca ay Itoobiya
la jirtaa inuu gar leeyahay!
Isku soo wada duub oo, sidii aynu
Jamhuuriyad u ahayn ayaynu is-aragnay innaga oo Itoobiya la inooga
taliyo. Kaftan-dhable dadweynaha dhexdiisa ka hirgalay ayaa wuxuu
ahaa: ‘haddii Soomaali-Galbeed ay noqotay kililka 5d, Soomaaliya oo
idilna kililka 6d ayay ku dambaysey!’
Innaga oo caynkaas ay niyaddu inooga
dhimatay, wixii waxgarad ahaana ay ceeb la hagoogan yihiin ayuu Cali
ra’iisulwasaare noqday. Madaxeennii ayuu durbaba kor u qaaday,
kolkii uu af buuxa Itoobiya ku xusuusiyey iyada iyo Soomaaliya inay
yihiin laba dal oo deris ah, loona baahan yahay inay sidaas u
dhaqanto. Isla markii uu xilka qabtayba, si aanay dagaal-oogeyaashu
malayn karayn ayuu Addis Ababa ugu sheegay inay ciidammadeeda kala
baxdo gudaha dalka, gaar ahaanna 3da degmo oo Gobolka Gedo ka
tirsan, si toos ahna ay iyagu uga hawl-geli jireen. Taasina waxay
noqoty tallaabo uu ku guuleystey; markii Reer Buulo-xaawo ay subax
soo tooseen oo ay arkeen xeradii askarta Amxaarada oo inta ay xalay
ka guureen haawaneysa!
Waayadaas ka dib, in kastoo ay
faro-gelintii Xabashidu xoog u soo korodhay, haddana waxay ahayd,
guud ahaan, tallaabo Soomaali badani ay qabkeedii lumay ku soo
ceshatey. Mar labaad waxay noqotay, ilaa maanta, tallaabo
Reer-Gedoodku ay Cali ugu abaal-hayaan. Mar saddexaadna waxay ahayd
tallaabo muujisay, aadba xoog yaraatide, waxa ay isku-kalsoonidu
qaban karayso!
Arrinta labaad ee xilligii uu
ra’iisulwasaaraha ahaa aan Cali ugu bogey waxay ahayd habkii uu
jagada kaga tegey. Sida la xusuusan yahay, ismaandhaaf muddoba
socdey ayaa dhex-maray madaxweyne Cabdi-qaasin iyo isaga; kaas oo,
garashadayda, ay Baarlamaanku si xun uga gar-naqeen. Yeelkeede, Cali
oo hawlo qaran dibedaha ugu maqan ayaa waxaa isu bahaystay
madaxweynaha iyo af-hayeenkii Baarlamaanka; kuwaas oo, sida la
leeyahay, jeebabka u buuxiyey qaar badan oo hay’adda sharci-dejinta
xubno ka ahaa, Xamarna isaga tabaalaysnaa! Isaga oo sidii aan soo
sheegay Muqdisho ka maqan oo aan isdaafici karayn ayaa jagadii uu
hayey waxaa lagu weysiiyey cod Baarlamaanku qaaday oo natiijadiisa
la filaayey.
Sidii ay nagu soo gaadhey si la too ah
ayay Calina arrintu ku soo gaadhey, saas oo ay ahaydna wuxuu goostay
inuu xil-ka-qaadista yeelo. Waxaa, haddana, geesinnimo ahayd inuu
Xamar yimaado, dabadeedna wareejiyo galalkii tirada yaraa ee
muddadii gaabnayd ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa gacanta maamulkiisa
ku ururay. Waxaan isweyddiiyaa: ‘tolow, galalkaasi hadda meel ay ku
dambeeyeen ma la yaqaan?! U malayn mayo.
Si doontaba ha ahaatee, in kastoo si
khashiinnimo ah jagadii uu hayey looga qaaday, haddana isagu si
ilbaxnimo ku dhan tahay ayuu ku wareejiyey. Taas ayaana muujinaysa
inuu nin-dawladeed (statesman) ahaan lahaa, haddii ay kasmo
jirto oo ay Soomaalidu deysan lahayd.
Laascaanood,
9kii-21kii Mey, 2006
‘Ballan fiid jarmaado arooryo ayuu
leeyahay’ waa tii la yiriye, goor hore ayaannu ka hilhilannay
hoteelkii. Annaga oo 8 ama 9 qof ah ayaannu ku dhacnay dayuurad yar
oo garoonka caalamiga ah ee Jabbuuti diyaar noogu ahayd. 10kii
barqannimo ayay noola haaddey Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna
Laascaanood oo ah halkii aannu u soconney, dabbaaldegga
caleemo-saarkuna uu ka dhici doono.
12kii duhurnimo oo wax yar dhimman
hadday ahayd ayaannu ku degney Laascaanood; halkaas oo ilaa saaka
aroortii magaalada inteedii badnayd ay ku dhammayd. Waxaa
dayuuraddii hareeraha ka soo joogsadey fardo dhawr ah oo
soo-dhoweynta Garaadka loogu talo-galay, qaar ka mid ah
dhallinyarada degaankuna ay ku joogto. Madax-dhaqameedyadii iyo
maamulka Gobolka Sool ayaa iyaguna dayuuraddii hoosteeda isa soo
tubay, iyaga oo, si kalgacal leh, u gacan-qaadaya Garaadka, Cali
Khaliif iyo intayadii la socotey. Isla markaasna waxa ay ishayadu
qabanaysey dadweyne aan boqollaal ku qiyaasay oo sugi la’aa inay
Garaadka cusub arkaan, haddii ay u suurowdana ay salaamaan. Meel
walba waxaa tubnaa baabuur faro badan oo aanan u malaynayn, tiro
intaas le’egi, inay Laascaanood joogi karto. Dhawr ‘Landcruiser’ oo
loogu talo-galay inay wafdiga Garaadka qaadaan ayaa, isla markiiba,
dayuuraddii la ag-keenay. Markaas bay iyagii iyo fardihii
isdhex-galeen, isuna midab-ekaadeen. Waxay ahaayeen laba gaadiid oo
laba xilli ku kala abtirsada, ha yeeshee ay waayuhu isku soo simeen!
Intii ay salaanta iyo soo-dhoweyntu
socotey ayaan u tegey duuliyihii dayuuradda iyo kaaliyihiisii oo
meel gees ah taagan, waxa dhacayana fiirsanaya. Nin Reer-Jabbuuti ah
oo shaqaalaha Daalo ka mid ahaa ayaan mar hore dayuuradda gudaheeda
waxaan ku weyddiiyey nimanka na wadaa cidda ay yihiin. Markaas buu
igu yiri: Waa Ruushan. Waan soo ag-joogsadey, aniga oo ku tashan
inaan istijaabiyo oo aan ogaado bal inay wax iiga hareen afkii
Ruushanka ee bartamihii 1900 iyo toddobaatannadii aan Moosko ka soo
bartay. Markiiba waxaan ogaadey in aan nimanku Ruushan ahayne, ay u
dhasheen Armenia oo ah dal ka tirsanaa Jamhuuriyadihii
Federaalka ahaa ee loo yiqiin Midowga Soofiyeeti, 1991kiina
kala daatay. Labadooda kii duuliyaha ahaa oo, malaha, la ashqaraaray
sida layaabka leh ee ay soo-dhoweyntu garoonka uga socoto ayaa waxa
uu i weyddiiyey: “Raggii aannu wadney ma waxaa ku jira madaxweynihii
Soomaaliya?!” Markaas baan ugu jawaabey: “Maya ee waa
Garaadkii…gobolkan aynu hadda nimid Garaadkoodii weeye”. Waan hubaa
in aan jawaabtaydu waxba ku kordhin, ha yeeshee, madaxa ayuu ruxay,
sidii nin ay wax ku kordhisey!
In kastoo hogadii kaliisha la soo
dhaafay, laba-saddex jeerna ay roobabkii gugu da’een, haddana
maantaas hawadu kulayl bay ahayd oo, sida ay Soomaalidu tiraahdo,
cirka weli kicin baa ku jirey. Dadku saaka aroortii ayuu garoonka
yimid. Sidaas darteed, waa la daallanaa, lana harraaddanaa. Dhididka
ayaa la sayrayaa. Suudigii la taagnaa ayaa lagu gubtey.
Markaas baa waxaa lagu dhawaaqay in
wafdiga Garaadka xagga magaalada loo gelbiyo. Dabadeedna, daqiiqad
gudaheed ayaa waxaa ku burburay, ilaa saaka lixdii, nidaamkii la
ilaalinaayey. Waxaan iskula hadlay: ‘Malaha Soomaalidu dulqaad uma
laha wixii lagu ballamo in ay muddo dheer ilaaliso!’. Baabuurtii
goobta la keenay ayaa lagu yaacay. Waa la kala halabsaday. Waa lagu
garabootamay. Kolkaas bay talo faro ka haaddey. Nin waliba gaarigii
u dhowaa ayuu ‘dalaq’ yiri amaba uu dhinaca qabsaday. Wiilal aad u
dhallin yar oo aan cidina soo barin ayaa ku’ walba shukaanta u
fadhiya. Eebbe ka sokow, iyaga ayaa magan loo yahay. Waddadii baa
cagta la saaray. Booliis wax kala hagaa ma muuqdo. Loo meel-deyi
maayo inta kiiloomitir oo babuurka lagu wado, waddada dhinaca uu ka
maraayo, sida uu midka dambe u dhaafayo midka ka horreeya, laba
waliba inta ay isu jirsanayaan iyo dhammaan xeerarka waddo-marinta
gaadiidka ee dunida laga yaqaan. Allow sahal!
Si kastaba ha ahaatee, sidii aan
is-iri, karaamadii Garaadka ayaa loo aayey. Isma lahayn xawligii
waddada lagu maraayey iyo dhibaatadii ka dhalatay. Baabuur qura ayaa
shil galay, waxaana ku dhaawacmay nin maalmihiiba Jabbuuti loola
cararay, dabadeedna ku geeriyoodey.
* * *
Halkii nala dejin lahaa ayaa naloo
wadaa. Waa Laascaanood oo aad u ballaaratay. Waxaa iigu horreysey
1973kii; iyada oo aad u kooban, waxaana iigu dambaysey 2001dii;
iyada oo fidday, hase ahaatee inta ay hadda le’eg tahay si aad ah
uga darfo gaaban. Guryo cusub oo, qaran-jabka ka dib, si casri ah
loo dhisay ayaa dhinac walba ka muuqanaya. Kuwaas ayaa kordhiyey
bilicda iyo baaxadda magaalada, in kastoo intooda badan aan la
degganayn. Markiibase waxaa kaaga muuqanaya maqnaanshaha adeegyadii
ay xukuumad dhexe ku qaybi lahayd, gaar ahaanna waddo la’aanta.
Taasina waa goldaloolo la garan karo oo ay garawshiinyo inooga heli
karayso. Maxaa yeelay waxay kala mid tahay magaalooyinka Soomaalida
ee wixii burburka ka dambeeyey dib loogu soo noqday, dabadeedna inta
sidii la doono loo degey u wada fiday si qaab daran oo aad uga fog
habka magaalo-qorshaynta casriga ah (modern town planning).
Waxa ay magaaladu ka abuurantay dhawr
buurood dhexdood, xagga galbeedka meel ka xigta oo aan waxba ka
fogeynna waxaa ku taal buurta Xargaga loo yaqaan oo ah
sheeko-xariirada Soomaalida meel caan ku ah, ayna ku noolaan jirtey
dadqalato Dhegdheer! Markii ugu horraysey waxaa unuggeeda
lahaa, si joogto ahna u degey ciidammadii gobannimo-u-dirirka ahaa
ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Sidaas darteed, waxay ku tirsan
tahay dhawr-iyo-afartan meelood oo ay Daraawiishi asaastay,
dabadeedna magaaloobey. Meelahaas oo waayadaas ilaa maantadan la
deggan yahay waxaa ugu magacyo dheer Qardho, Beledweyne, Garoowe,
Wardheer, Ayl, Qorraxey, Gallaaddi iyo degaammo kale oo dalweynaha
Soomaaliyeed ku baahsan, gaar ahaanna inta u dhexaysa webiga
Shabeelle, Badweynta Hindiya, Maakhir-koos iyo Soomaali-Galbeed.
* * *
Maalintii aannu nimid maalintii
xigteyba shaqo culus ayaa bilaabatay. Dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa
magaalada oo idil laga dareemay. Qabanqaabadii caleemo-saarka ayaa
aad loo gudo-galay. Waxaa halhaleel loo magacaabay guddiyo dhawr ah
oo ka kooban odayada iyo dhallinyarada degaanka sida Guddiga Dejinta
martida, Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Qoraallada iyo kuwo la mase ah
oo loo filay inay lagama-maarmaan u yihiin meelmarinta hawlihii
meesha loo fadhiyey. Shirarku habeenkii iyo dharaartiiba kalaggo’ ma
lahayn.
Ma anigaa? Dhaqan ahaan, ma ahayn in
aniga la igu daro guddiyadaas iyaga ah, sababtuna waa mid uu
waayeelku wada garan karo. Soomaalida weli hiddaheedii kama wada
lumin. Tolka oo shiran ah haddii uu nin marti ahi soo dul-joogsado,
geedka lama fariisiyo. Hadalka la haysto inta la hakiyo ayaa la
gudbiyaa. Gabbaad iyo geed kale ayaa la geeyaa oo lagu sooryeeyaa
ilaa uu ka ambabbaxayo. Xataa haddii loo oggolaado inuu shirka
fariisto, arrimaha laga shirayo sooma dhex-galo, isaguna iskuma dayo
inuu talo ka bixiyo.
Sidaas darteed, waxaan go’aansaday,
inta laga gaarayo maalinta caleemo-saarka, inaan hawlo kale qabsado.
Barqadii markay noqoto, ka dib markaan quraacda Saafi Khaliif
calafsado, ayaan bartamaha magaalada u baxaa, iyadoo ay qorraxdu si
naxariis daran ay foolka iiga garaacayso. Waxaan fariistaa
makhaayadaha yaryar ee shaaha lagu gado, halkaas oo aan kula
sheekaysto, waayeel iyo dhallinyaraba, dadka magaalada deggan amaba
koytada ku ah.
Waa dad og taariikhda ugu weyn ee ay
Soomaalidu ku faani karaysaa inay gobolkooda ka soo if-baxday,
dhaqdhaqaaqii Daraawiisheedna ay iyagu cudud iyo gabbaadba u
ahaayeen. Waxay ku wada dhaataan inay wax isu galeen duubcaddii
gobannimada jeclayd ee guutooyinkii Ingiriiska goomanka u qoyn
jirey; mujaahidiintii Sayid Maxamad hoggaamin jirey ee Soomaalida
iyo magaceedaba adduunka baray. In kastoo cid xilligaas tabargal
ahaydi aysan maanta Hawd iyo Nugaalba ku noolayn, haddana
dhacdooyinkii Jahaadku xusuus-wadareedda bulshada waa ka buuxaan.
Sidoo kale, waa degaan uu qof waliba
suugaanta jecel yahay. Iyaga oo aan cidina u dhigin, dugsiyana aan u
gelin ayay in door ah waxay ka og yihiin waayaha maansada Soomaalida
iyo heerarkii ay soo martay. Ruuxa ay dhab u dhegeystaani ma aha
siyaasiga, mana aha aqoonyahanka. Halkii la isugu yimaadoba waxa ay
si wacan ugu wada dheg-taagayaan kolba ninkii yaqaan maansada raggii
hore, goleyaashana ka marin kara. Waxaad maqlaysaa iyaga oo isugu
warramaya, ‘hebel wuxuu hayaa gabayadii Sayidka, hebelna kuwii
Cali-dhuux, hebel kalena kuwii Ismaaciil Mire’. Taasina waa tilmaan
wanaagsan oo ragga gabayadaas hayaa ay dadweynaha kale dheer yihiin,
maamuus gaar ahna ay uga helaan.
* * *
Aniga oo degaanka iyo dadkiisaba sidaas
u aqaan ayaan, sidaan soo sheegay, maalinba makhaayad fariistaa.
Markaas baa la igu soo xoomaa isla goortii la ogaado inaan ahay
hebelkii ay muddada dheer magaciisa maqli jireen. Ilyarta ayaa
isqabata, dadka intiisa badanna inta kuraasta laga buuxiyo ayay
sarejoogga wax ku dhegeysanayeen. Mar walbaba odayada ayaan
doocdoociyaa, bal inaan ka helo tix gabay ah oo raggii hore iiga
maqan, dhacdo taariikheed oo aan i soo gaarin ama sheeko xiiso leh
oo berri-ka-maalin aan Soomaalida u tebiyo; iyada oo qoraal ah. Ilaa
xilliga harimada la gaarayo ayay gabayada iyo sheekooyinku ay
fagaarahaas ka socdaan.
Inta aan wax doocdoocinayo, anigana waa
la i doocdoocinaayey. Wax baa la i weyddiinaayey. Wax baa la ii
toosinaayey, waxna waa la igu hanbalyaynaayey. Waxay ahaayeen dad
aad ula socda hawlihii suugaaneed ee tan iyo ‘70kii aan ku soo
jirey, hadday qoraal tahay iyo hadday barnaamij idaacadeed tahayba.
Isku soo wada duub oo, dhalliil iyo ammaaniba ma yarayn.
Waxayse iigu darrayd nin makhaayadda
fadhiyey markii uu igu eedeeyey Cali-dhuux iyo maansadiisaba inaan
gacan-bidixeeyo, halka Sayidka, Qamaan iyo Ismaaciil Mirena aan ka
koolkooliyo! Waxaan u qaatay eed igu culus iyo maag aan geed loogu
soo gabban. Anna intaan ka dhiidhiyey ayaan cod la wada maqlayo ku
iri: “Ninyahow, run sheegi maysid! Cali-dhuux oo ka mid ah tiirarka
waaweyn ee maansada Soomaalida, sidee baan u gacan-bidixeeyaa?
Maxaase in aan hagrado i geyeysiin kara?”. Ninkii i maagay markuu
arkay inuu meel xun iga taabtay ayuu igu maslaxay: “Horta Ilaah baa
ina lehe, Cali-dhuux waxaa aasay Kacaankii; iyada oo loo arkay inuu
kacaan-diid ahaa, maxaa yeelay Ina-Cabdille Xasan ayuu ka soo
hor-jeestey. Sidaynu og nahayna, xukuumaddii Kacaanku kacaan-diidka
ma jeclayn, haddii xataa uu xilligii Daraawiishta noolaa sida
Cali-dhuux!”. Qosol baa lala daatay, aniguna mar hadday eeddii iga
wareegtey diyaar uma ahayn cid kale iyo nidaam tegey toona inaan
daafaco.
Odayadii aan Laascaanood kula kulmay
waxaa iigu waxtar roonaa Cali Cabdi Maxamad Weyd oo dadka degaanku
ay ‘Cali Qamar’ ku garan og yihiin. Waa nin aad u haya gabayadii ay
tirin jireen raggii hore ee maansada Soomaalida magaca weyn ku lahaa
sida Sayid Maxamad, Cali-dhuux, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire,
Axmed-Busur, Samatar Baxnaan, Xaaji Cismaan sharma’arke iyo
hal’abuurradii la ayniga ahaa ee ay isku xilliga noolaayeen.
Sidoo kale, wuxuu si wacan wax uga
garanayaa taariikh-bulshadeedka degaannada Mudug, Hawd, Nugaal,
dhulka Galbeedka ah ee ay Xabashidu gumeysato, Bari iyo Togdheer.
Maanso iyo sheekaba waa nin sheegi yaqaan, isaga oo maad iyo
minqaxba ku daraya. Sida ay Soomaalidu u badan tahay, waa nin aad
ugu kalsoon waxa uu sheegayaa inay 100% hagaagsan yihiin. Sidaaas
daraaddeed, ma uu jeclaysanayn inay cid kale qalin-daarto amaba ay
wax u toosiso marka gabayada raggii tegey iyo sheekooyinkooda uu
marinaayo! Dhawr cisho ayaannu isku keliyeysanney, markii aan London
ku laabtayna waxaan sitey cajalad 90 daqiiqo ah oo maansadii hore uu
Cali Qamar iiga buuxiyey, taas oo uu Cali-dhuux u badnaa.
* * *
Weli hawshii caleemo-saarka oo mugga
gebaggebo ah ayaa lagu jiraa. Ergooyinkii la marti-qaaday ayaa iska
soo dabo-dhacaya oo magaalada soo buuxiyey. In yar mooyee,
madax-dhaqameedyadii Soomaalida ayaa Gobolka Sool caawa ku wada
urursan. Waxay u qaybsanaayeen qaar dayuurado lagaga soo qaaday
gobollada fogfog sida Jubbada Hoose, Bay, Bakool iyo Benaaddir iyo
qaar ka soo galay gobollada Nugaal, Bari, Togdheer iyo
Waqooyi-galbeed oo iyagu baabuur ku yimid. Madax-dhaqameed waliba
wuxuu wataa ergo dhawr qof ka kooban oo hareeraha ka socota.
Hoteelladii ayaa buux-dhaafay. Aqalladii loo banneeyey ayaa ku
yaraaday.
Sidoo kale, waxaa iyaguna magaalada soo
gaarey ergooyin ka kala socda maamullada Garoowe iyo Hargeysa oo aan
jacayl badani dhex-ool! Sida la og yahay, muddo aan sidaas u sii
fogeyn ayaa labadaas maamul waxay u dagaallameen lahaanshaha Gobolka
Sool iyo xaruntiisa Laascaanood. Dagaalkaas isaga ahi ma noqon mid
lagu kala adkaaday, in kastoo ciidammadii Reer Hargeysa ay weli
fadhiyaan tuulada Adhi-caddeeye oo xagga galbeedka magaalada kaga
toosan, qiyaastiina u jirta wax aan 30 kiiloomitir dhammayn.
Dhinaca kale, madax-dhaqameedyada
Nugaal iyo Bari ka sokow, waxaa intii saddex aqoolood ah magaalada
ku sugnaa ergo ‘rasmi’ ah oo ka socotey maamulka Garoowe; kaas oo
isu haysta in madasha iyo degaankaba isaga marti loogu yahay.
Iyagana waxaa hoggaaminaayey maamulkaas isaga ah madaxda ugu
sarraysa, kuwaas oo watey baabuurta dagaalka ee loo yaqaan
‘teknikada’ iyo ilaalo aad u hubaysan.
Dr Cali Khaliif iyo waxgaradkii kale ee
qabanqaabada caleemo-saarka aanada u ahaa waxay ku taamayeen hawsha
oo idili inay hab-dhaqameed ku dhammaato. Waxay ku
dedaalayeen inay xasil iyo xasarad la’aan ku bilaabato, kuna
idlaato. Iyaga oo u dhuun-daloola khilaafka siyaasadeed ee degaanka
ka aloosan ayay mar walba waxay dadka xusuusinayeen, inta ay
hawshani socoto, inaan bawdo-qaawin iyo xiniinyo-taabad toona loo
baahnayn. Ma ay doonayn inay noqoto madal murammada maamullada ka
dhex-taagani ay ka soo if-baxaan; taas oo, haddii ay dhacdo,
magac-xumo ku noqon karta tolka iyo maqalladiisa.
Sababahaas dartood, shalay iyo maanta
oo bisha Mey ay 21 tahay, walaacu ma yarayn. Salaad walba dabadeeda,
ducada ayaa la dareerinayaa. Waxaa Eebbe laga baryayaa inay noqoto
munaasabad, iyada oo la wada nabdoon yahay, berri lagu soo kala
dareero. Runtii, wadnaha ayaa farta lagu wada hayaa, maxaa yeelay
waxaa laga wada dheregsan yahay nidaam li’ida Soomaaliya ka jirta
iyo waxa ay dhali karto. Maanta iyo dhulka Soomaalida markii loo
fiirsado, ammaanku ma aha wax lagu tashan karo. Waxaa dhici karta
qorshe hagaagsan oo hal sano iyo ka badan uu waayeelku soo wadey in,
maalintii laga miro-dhalin lahaa, wiil yar oo iska talo-xumooday uu
ka dhigo hal bacad lagu lisay! Allow sahal.
Laascaanood, 22kii Mey, 2006
Waa 22kii Mey. Intayadii iska
war-haysey, nabad baannu xalay ku seexannay, saakana dhaaddanaan
baannu la soo toosnay. Waa san ayuu Eebbe noo beriiyey. Waa
maalintii loo ballansanaa. Cid waliba goortii ay toosi jirtey ka hor
ayay gogoshii ka jafjafatay. Ninkii goobta dabbaaldegga hawl ku
lahaa wuu kallahay. Kii marti ahaana wuxuu la soo baxay hu’gii uu ku
talo-galay inuu ku shir-tago. Wuxuu sugayaa cid guddiyada
qabanqaabada ka tirsan oo xalayto loo ballamiyey, madashana u kaxayn
doonta. Siyaasadda gobolkuba ha u badnaatee, runtii way jiraan
waxyaabo dadka degaanku ay isku khilaafsan yihiin, tanise waa arrin
la wada oggol yahay oo inay wanaag ku dhammaato uu qof waliba
doonaayo. Waa munaasabad, si kal iyo laab ah, ay u soo wada
dhoweynayaan oo, siday Ciiddii Arrafo tahay, ay dadweynuhu isugu
hanbalyaynayaan!
Hadda waa 9:00kii iyo hodhodho’. Waxaan
u xirxiran nahay togga Geedo-qarsey oo ku yaal dhinaca bari
ee magaalada, ahna goobta saaka Garaadka lagu caleemo-saari doono.
Waxaan isku lug nahay koox Jabbuuti iska soo raacday oo Garaadka iyo
Cali Khaliif ay hormuud u ahaayeen, markii dambena isu aqoonsatay
inay tahay ergo ergooyinka kale iska xigta! Aniga iyo kooxdaydiiba
waxaa nalagu sharfay baabuurkii uu Garaadku saarnaa in nalagu qaado,
barxadda caleemo-saarkana nalagu geeyo.
Cabbaar yar haddii uu gaarigii socdeyba
waxaa naga dabo-yimid tobaneeyo faras oo dhallinyaro taaggood fuuli
taqaani ay ku joogto. Iyaga oo kadlaynaya ayay hareeraha naga
galeen. Waxay gelbinayaan Garaadka; taasina waa wax dhaqankii hore
ee Soomaalida ka soo jeeda, gaar ahaan markaynu joogno Nugaal oo
weligeedba ahayd geyi fardaha wanaagsan lagu kuunyi jirey.
Nasiibdarro, neefafka fardaha ah iyo
dhallinyarada ku joogtaaba ma dhaqaalaysna. Labaduba ma dhaaddana.
Intaan muraayaddii daaqadda iska dejiyey ayaan wiilashii midkood
sheeko la furay. Dulucdu waxay ahayd in aan u ogaado, fuullaanka ha
joogtee, hiddihii hore ee fardaha bal wax ay ka hayaan. Waxaan ku
iri: “Adeer, faraskaaga magacii?”. Wuxuu yiri: “Magac ma leh!”. Waan
yaabay, maxaa yeelay taariikhda laguma sheegin faras ama geenyo
Soomaaliyeed oo aan magac lahayn. Sidii geela, lo’da iyo arigaba ay
magacyo gaar ah ugu bixin jireeen ayay fardahana magacyo ugu bixin
jireen, weliba aan koolkoolini ka maqnayn. Waxaan weyddiiyey su’aal
labaad oo ahayd: “Ma taqaan sengaha aad fuushan tahay geenyadii iyo
faraskii iska dhalay?”. Isaga oo aad mooddo inay su’aashu la
gurracan tahay ayuu inta muusooday iigu jawaabey: “Garan maayo,
adeer! Oo maxaa i baray?”. Kama harine, kol saddexaad ayaan ku iri:
“ Marmar intaad wan u qasho, faraska ma ka subag-siisaa?”. Markanna
intuu dhab u qoslay ayuu yiri: “Adeer neefka anigu ma lihi!”.
Dabadeedna intuu faraskii cagta u rogey ayuu naga hormaray, si
sheekada iyo su’aaluhuba ay u soo af-jarmaan!
Maanta oo kale waxay ahaan jirtey
fardaha dushooda in laga geeraaro; iyada oo la ammaanayo Garaadka,
loona muujinaayo sida daacadda loogu yahay ee taladiisa loo okobban
yahay. Waxay ahaan jirtey fardaha inta la soo kiciyo in la hojiyo
goobta uu fadhiyo, dabadeedna, iyada oo busku cirka isku shareeray
in fardooleyda oo idili ay iskummar ku dhawaaqaan: ‘Garaad mood! Jir
oo joog!’.
Waxaase ii soo baxday maanta in aanay
shalay ahayn, fardaha iyo wiilasha ku joogaana aanay ehel isu ahayn!
* * *
Cabbaar haddaan ku maqnaa fardaha iyo
Soomaalidii hore ayaan mar keliya waxaan ku war-helay baabuurkii oo
joogsadey iyo Garaadkii oo inta hareeraha laga galay ay rag loo
qaybiyey u wadaan halkii loogu talo-galay. Buuq iyo isriixriix ayaa
xoog u bilawday. Labadii wada timidba way kala habawday. Waxaannu
dhexda u galnay mawjado dad ah oo kadinkii madasha laga geli lahaa
isku wada kakabinaya. Waxaa foodda isla galay waardiyihii ammaanka
madaxda loo saantay iyo raggii ku dedaalaayey inay xoog kaga
gudbaan, si ay u helaan kursi meel hoos leh yaal. Tan iyo
waabberigii nidaamkii la ilaalinaayey ayaa hal mar ah burburay.
Taasina, sidaan isleeyahay, waxay salka ku haysaa Soomaalida oo ku
tilmaaman ummad dulqaadkeedu kooban yahay, wax lagu ballamayna aan
muddo dheer ilaalin karin.
Yeelkeede, sidaan soo sheegay, goobtu
waa tii saaka lagu ballansanaa. Waa bartamaha togga Geedo-qarsey
oo geedaha darayga ahi ay si hagar la’aan ah uga baxeen. Cagta dadka
iyo shaagga baabuurta midkoodna habaas yar kicin maayo. Waa goob
deggan oo toddobaadkii na dhaafay inta roob helay uu ciiddii aad u
nabay. Teendhooyin la isku xirxiray ayaa si wacan la isugu dhisay,
kuwaas oo ay goor hore soo buuxiyeen Reer-Laascaanood oo soo
kallahay iyo martidii timid oo aan qudheedu tiro yarayn.
Dhallinyarada darayda fuushan, ragga iyo dumarka taagtaagan iyo
madaxda sare mooyee, inta soo hadhay waxay ku fadhidaa kuraasta,
badanaa, cadcad ee caagga laga sameeyo, markii Galbeedka dunida la
joogona qoysaska fasaxyada u baxaa ay xeebaha u qaataan, fudaydkooda
awgiis.
Wax badani kama soo wareegin hawshii la
isugu yimid kolkii la gudo-galay. Maanta oo kale halkii wax laga
bilaabi jirey ayaa laga bilaabay. Garaadkii ayaa lagu shubay
caanihii geela oo ah Soomaalida raacatada ahi wax ay jidiinka mariso
waxa ay ugu jeceshahay. Waa astaanta barwaaqada iyo hodontooyada,
aroos walba marka la hooyona waxay ugu ducayn jireen wiil iyo
caano. Waa tadcaar, dhan ay joogaanba, ay tolalka Soomaalidu ka
siman yihiin, rajaduna waxay tahay in xilliga madax-dhaqameedka
cusubi uu noqdo xilli uu tolkiis wada mahadiyo, taladiisana ay ku
wada liibaanaan.
Caanihii kolkii lagu shubay, sacabka
iyo orkuna ay toggii gilgileen ayaa waxaa Garaadkii loo kaxeeyey
aqal-Soomaali goobta horay looga dhisay, si uu dharka caanaha leh
isaga soo beddalo. Waxaa la ii sheegay aqalkaba in loo dhisay
ujeeddadaas oo keliya! Wax yar ka dibna halkii loogu talo-galay ayuu
ku soo noqday, isaga oo qaba dhar hidde oo cusub, kii saaka
uu ku soo shirayna aan ahayn. Haddana waxaa, isaga oo dharkii
hiddaha xiran, isna dhinaciisa fariistay Cali Khaliif oo, in kastoo
ay ka horba caddayd, ay maantaasna sii caddaatay inuu
boqor-tiirshe yahay.
Dabadeed, waxaa bilawday qaar ka mid ah
madax-dhaqameedyada kale ee tolka martida loo yahay khudbadihii ay
ku soo dhoweynayeen Garaadka cusub. Sidoo kale, ergooyinkii la
casuumay raggii hoggaaminaayey ayaa iyagana loogu yeeray inay goobta
erayo ka jeediyaan. Taana way yeeleen; iyaga oo marna Garaadka u
hanbalyaynaya, marna talooyin siinaaya. Haddiiba madashii ayaa waxay
xasishay markii ay khudbaduhu bilawdeen, qof walibana waxa uu u
dheg-taagayey hebel oo reer-hebel ka socdaayi waxa uu
oran doono.
* * *
Ugu dambaystii, waxaa mikrafoonka lagu
soo dhoweeyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo daqiiqado ka hor la
caleemo-saaray. Waa madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo la boqro kii u
dambeeyey, malahaygana waa kii ugu da’ yaraa. Waa 34-jir!
Wuxuu yeelay aabbihiis iyo awowgiis wax
aanay yeelin waagii la caleemo-saarayey: waraaq dheer oo wixii uu
oran lahaa ay ugu qoran yihiin ayuu jeebka kala soo baxay! Sidii
madaxweyne la dhaariyey oo siyaasadihiisa mustaqbalka qeexaya ayuu
daaha ka qaaday waxa uu ka damacsan yahay maamulka tolka boqraday,
sida ay la tahay in tolalka ay deriska yihiin loola dhaqmo, xoojinta
nabadda iyo, guud ahaan, arrimaha horumarka bulshadiisa ku saabsan.
Dhinaca kale, wuxuu si tiiraanyo ka
muuqato kaga hadlay siyaasadda murugsan ee Soomaaliyeed. Ballan ayuu
ku qaaday, intii karaankiis ah, inuu ku dedaali doono sidii ay
Jamhuuriyaddu uga soo kaban lahayd qaran-jabka ku dhacay iyo sidii
ay midnimadeedii ku soo ceshan lahayd. Sacab aan kala-joogsi lahayn
ayaa u dhacay markii uu sheegay in, timaaddada, uu magaalada
Laascaanood ku shirin doono dhammaan madax-dhaqameedyada Soomaalida.
Wuxuu ahaa go’aan loogu wada bogey iyo tallaabo ragga dhiggiis ahi
aanay weligood ku dhaqaaqin, kuna fekerin.
Garaadka cusubi ma uu illoobin inuu
madax u noqday, siyaasad ahaan, degaan iyo dad kala qaybsan. Iskama
uu dhego-tirin in loo shuumay gobol ay laba maamul isku haystaan oo
mid waliba sheeganaayo inuu isaga ka mid yahay. Taas isaga oo
dareensan, ogna in mawqifkiisa la male’awaalayo ayuu af buuxa
ku sheegay Gobolka Sool iyo Buuhoodle inay qayb ka yihiin maamulka
ay Garoowe xarunta u tahay ee ‘Puntland' loo yaqaan. Waxaa hubaal ah
inuu hadalkaasi farax-geliyey jeneraalka maamulkaas madaxda ka ah
iyo ergadii xoogganayd ee dabbaaldegga iyo caleemo-saarka kala soo
qayb-gashay. Sidoo kale, waxaa iyaduna hubaal ah inuu kaga
caraysiiyey rag iyaguna maantaas togga wax ka joogey oo isla Sool
iyo Hawd u dhashay, ha yeeshee u xagliya dhinaca Hargeysa ama
maamulka ka jira hay’adihiisa ka tirsan.
Gebaggabadii khudbaddiisa wuxuu
Garaadku si la wada jeclaystay uga soo dhalaalay hawlihii loo
caleemo-saaray middood. Wuu duceeyey. ‘Aammiinta’ ayaa isu baxday
markii uu u duceeyey tolka boqraday iyo markii uu Soomaalida
dhammaanba u rajeeyey inay degdeg u yeelato dawlad midaysa oo
cadawga ka rawda, danaheedana u kacda. Iyada oo isaga loo wada
ducaynayo ayaa barqo dambe toggii laga dareeray, qof walibana uu ku
noqday halkii uu magaalada ka degganaa.
* * *
Duhurkii mar ay tahay oo qado
munaasabadda loogu talo-galay la sugaayo ayaa nin i garab-fadhiyey
wuxuu igala sheekaystay habkii ay saaka wax u dhaceen. Sidii
baaxadda lahayd ee looga soo qayb-galay ayaannu la yaabnay. Waxaannu
isla helnay tan oo kale in aan weli loo soo joogin, taariikhda
Soomaalidana aan lagu werin intaas oo dad ahi madax-dhaqameed ay
caleemo-saarkiisa u soo sodcaashay. Sidoo kale, waxaan isku raacnay
inay ahayd xaflad si qurux badan loo soo abaabuley, Ugu
dambaystiina, Eebbe ayaannu uga mahad-naqnay shil la’aantii ay ku
dhammaatay.
Annaga oo markaas qadadii ka
faro-xalannay ayuu ninkii wuxuu mar kale igu soo celiyey togga
Geedo-qarsey wixii saaka ka dhacay. Mooggan waxaannu faallaynay
khudbadihii ay madaxda ergooyinku soo jeediyeen, annaga oo hebello u
bogeyna, hebello kalena aan darraabayno.
In yar haddaannu kala aamusnayn ayuu
igu soo tuuray su’aal ahayd: “See kula ahayd khudbaddii Garaadku?”.
Aniga oo aan meel fogba ka doonin ayaan ugu jawaabey: “Aad bay iila
wacnayd”. Markaas buu yiri: “Anigaba, guud ahaan, way ila fiicnayd,
waxaase la rabey arrimaha siyaasadda inaanu soo qaadin, kana
fogaado!”. Waxaan iri: “Oo sababtuna maxay tahay?”. Wuxuu yiri:
“Marba haddii uu Garaad yahay, dadka uu u arrimiyaana ay kala
qaybsan yihiin, waxaa habboon intuu siyaasadda faraha ka qaado inuu
ku ekaado arrimaha dhaqanka”. “Maxaad u diri lahayd?” ayaan
weyddiiyey. “Wixii guurtida iyo odayaasha tolku ay soo gooyaan inuu
u guddoomiyo, kuna duceeyo” ayuu si fudud ugu jawaabey!
Halkaas bay sheekadaasi nooga go’day,
waxaase daymo u baahan waayadan dambe sababta hawsha
madax-dhaqameedyada loogu koobay inay ku duceeyaan uun go’aanno
hortii hore aanay wax ka ogeyn, odayo kalena ay soo gooyeen. Ninkii
aannu qadada ku sheekaysannay iyo inta la da’da ahiba waa gartood.
Waxay ku indho-dillaacsadeen madax-dhaqameedyadii Soomaaliya oo si
tartiib-tartiib ah awoodihii ay lahaayeen looga xayuubinaayo. Waxay
soo arkeen xukuumadihii dalka soo maray oo madax-dhaqameedkii tolka
aan wax maamuus ah u haynin, iyaga iyo dadkii ay u talin jireenna la
simay. Waxay ku barbaareen magacyadii ahaa Garaad, Boqor,
Suldaan, Imaam iyo kuwii la midka ahaa iyada oo buugga
dawladda laga tirtiray, odayada intoodii laga xishoodayna
nabaddoonno loo bixiyey! Sidoo kale, ninkaas iyo inta la da’da
ahiba waxay u soo joogeen xilligan qaran-jabka dagaal-oogeyaasha soo
baxay oo madax-dhaqameedkii si foolxun awooddii ugala wareegey,
waxbana aan u hanbayn, welibana si xil leh u xurmo-tiray.
Intaas oo idili in kastoo ay run tahay,
haddana gar ka dhigi mayso madax-dhaqameedyada Soomaalidu inay
sidaas ku ahaadan! Kaalintii ay lahaan jireen ee laga duudsiyey ayaa
maanta dhab ugu bannaan. Weliba xilligan waxay u badan yihiin rag
dhallinyaro ah oo, sida Garaad Jaamac, dugsiyo sare ama jaamacado ka
soo aflaxay. Waa rag, iyaga oo da’ yar, odayadii dhalay xilkoodii
dhaxlay, aqoontooduna ay ka gun weyn tahay wax-ka-qabashada arrimaha
tolka oo keliya. Si fiican ayay ugu dhug leeyihiin waxa dunida ka
jira, gaar ahaanna qaran-jabka dawladdoodii ku dhacay iyo damaca
dhuleed ee Itoobiya ay Soomaaliya ka leedahay. Waxa ay wax u og
yihiin siyaasi-u-yaallada muddaba la inagu qasbaayey iyo
dagaal-oogaha Soomaaliyeed si aanay wax u ogeyn. Sidaas darteed,
waxay si wacan u garan karaan, wadajir in wax loo wada qabsado
mooyee, Soomaalida tol waliba inaanu keligiis danihiisa u maarayn
karin.
Haddaba, mar haddii siyaasigii daacadda
ahaa uu gabaabsi inagu noqday, mar haddii gabbalkii dagaal-ooguhu uu
haatan dam yahay, lagana aammin-baxay, mar haddii haadaan dheer ay
dalkii iyo dadkii ku sii hoobanayaan; maxaa madax-dhaqameedyada ka
hor-taagan iyaga oo wadajira inay ummadda bedbaadiyaan? Maxaa u
diidaya inay, si buuxda, siyaasadda u soo dhex-galaan, dabadeedna
intay qarannimadii soo celiyaan ay wax ka dhisaan dawlad tolalka oo
idili ay hooskeeda harsadaan, intii uu tol waliba keligiis dhinac
ugu bixi lahaa?! Bal, waa yaabe, yaa xilkaas uga toobboon?
Jawaabtaydu waa cidna. Waaba dhallinyaree, maxaa kartida iyo aqoonta
ay leeyihiin loogu gaaggixinayaa? Hawshooda maxaa loogu koobayaa
maaraynta arrimaha qolyaha ay u boqran yihiin iyo shirarkooda inay
ka duceeyaan oo keliya?
* * *
Midda kale, sidee loogu dhiirradaa in
Garaad Jaamac oo kale loo sheego inuu siyaasadda ka fogaado? Bal
dheeho taariikhda qoyskooda oo kooban: Garaad Cali oo ahaa
awoowgiisii labaadi sow siyaasi ma ahayn, siyaasad awgeedna uma
dhiman, ka dib dabayaaqadii qarnigii 19d markii ay arrimaha degaanka
Sayid Maxamad isku maan-dhaafeen, sidaasna lagu xujeeyey? Awowgiis
Garaad Jaamac sow siyaasad awgeed, horraankii qarnigii 20d, muddo
dheer Bari qaxooti kuma joogin? Gadaalkii markii uu Nugaal ku soo
noqdayna, sow siyasad ma ahayn wixii uu u diidey inuu la kulmo
madaxdii maamulka Ingiriiska ee degaankiisa xoogga ku qabsaday,
jabkii Daraawiisheed ka dib? Aabbihiis Garaad Cali, isaga oo Garaad
ah, sow siyaasina ma ahayn? Sow baarlamaankii hore ee Soomaaliya
xubin iyo xildhibaanba kama soo noqon? Sow xukuumadihii
lixdannadiina wasiir kama soo ahaan jirin? Mar kalena sow siyaasad
ma ahayn siddeetannadii qarnigii 20d wixii geyeysiiyey meelo Yurub
ka tirsan iyo dalalka Carabtaba inuu dhawr sano qaxooti ku ahaado?
Ugu dambaystii, Garaad Jaamac Garaad
Cali aan mar kale qoraalkan ugu hanbalyeeyo, kuna tirtirsiiyo inuu
ka dhabeeyo ballan-qaadkiisii ahaa inuu shirin doono
madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed; taas oo laga yaabo inay innaga
baajiso kala-fogaansho hor leh iyo burbur laxaw badan oo midkan aynu
ku sugan nahay ka qoob culus, xilliga uu dhammaan karona Eebbe
keliyihi uu suurayn karo!
Juun, 2006
Birmingham, England
Dhammaad
webmaster@ceegaag.com
|