Roobab mahiigaan ah oo Wata
baraf oo maalintii labaad ka da'aya Magaalada Hargeysa.
(Hargeysa,
March 30, 2010 Ceegaag Online)
Wararka
Maanta naga soo gaadhay magaalada Hargaysa ayaa ku soo
waramaya in magaaladaasi roobab xoogani oo saacado
farabadani da'ayey ay magaaladaasi ka curteen roobabkaasi
ayaa sababay in guud ahaan ganacsiga magaaladu uu istaago
kadib markii roobabkani oo Wata baraf ay magaalada saacado
farabadani ka da’ayeen.
Qaarkamid ah
Shacabka magaalada hargaysa oo saaka Ceegaag.com taleefoonka
magaalada hargaysa ugu waramayey ayaa sheegay in roobabkani
ahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa ee magaalada hargaysa ka
curta, waxna kaloo shacabka kunool magaalada hargaysa ka
Qaylinayaa baraf badan oo roobabku ay Wataa xiliga ay ka
da,ayaan guud ahaan gobolada somaliland oo ah deegaano
buuralay ah.
Barafkani
ayaa waxa sidoo kale saamayn ku yeeshay carruurta kunool
magaalada hargaysa oo looga baqayo inuu ku dhufto xanaanka
barokaydo oo ah hargayba xumaada, waxana waalidiintu dadaal
xoogani ugu jiraan inay Carruurtooda ka xareeyaan roobabkani
Wata barafka iyo Qabowga ee hargaysa maalintii labaad ka
da'aya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |