SNM
waa koox ee maaha Beel ama Qabiil(dareen celin qoraal hore )
(Soomaaliya,
March
24, 2010 Ceegaag Online)
Mahad
iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka,
amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin
nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.
Intaas
ka dib:
Inta
aanan qoraalka u gelin waxaan jecelahay inaan idin xusuusiyo
in aan qoraalkii hore ee cinwaankiisu ahaa:( S/Guud Maxamed
Cali Samatar waa lama taabtaan iyo astaanta qaranimo), aan
ku xusay dembiyada dagaal iyo xadgudubyo baahsan oo ay ka
gaysteen gobolada woqooyi, ururka argagixisada iyo budhcada
ah ee SNM, waxaan ku xusay qoraalkaa asluubaha ay adeegsan
jireen, ee bini aadamnimada ka baxsan, waxaan sheegay in ay
dhacdooyinkaasu yihiin kuwa dhab ah oo leh
Markhaatiyaal cad, oo aan cidna inkiri karin ama diidi karin,
hadaba waxaan idiin sheegayaa in aad dhowaan ka daalacan
doontaan warbaahinta caalamka iyo tan Soomaalidaba,warbixino
aan kaga hadlayno dhacdooyinkaa iyo cadaymahooda, waxan
kaloo soo dhowaynaynaa iyada ay gobolada woqooyi yihiin dhul
balaadhan, oo aanaan meelaha qaarkood xogo sugan ka hayn,
ayaan soo dhowaynaynaa cidii haysa xogo sugan, oo aan ku
tiri ku teen ahayn, oo ku saabsan xadgudubyada iyo dembiyada
dagaal ee ay kooxdan budhcada gacan ku dhiiglayaasha ahi u
gaysteen shacabka goboladaa dega.
SNM waa koox ee maaha Beel ama Qabiil
Qoraalkaa hore ee aan hada kor ku soo xusay, ayaa dadka qaar
u fasirteen si aanan ula jeedin, in kasta oo qoraalka
ujeedadiisu aad u cadayd, oo aan markii horeba ka digtoonaa,
oo dareemaayay in qaar u fasiran doonaan, in aan qoraalkaa
beel ama qabiil gaar ah ku weeraraayo, waayo dee Soomaali
baan nahay oo inaan hadalku meel aanu u jeedin aan u
jeedinaa waynoo caado, markaa waxaan rabaa in aan kuwaa
hadalka meel aan loola jeedin ku jahaynaaya, bal in aan far
waawayn ugu qoro cida aan qoraalkaygaa ula
Jeeday.
Qoraalkaa waxaan kaga hadlaayay in dacwadii lagu soo oogay
S/Guud Maxamed Cali Samatar, ay tahay shirqool laga soo
abaabuleen heerar sare oo ah ururka argagixisada gacan ku
dhiiglayaasha ah ee SNM, taas ayaan waxaan raaciyay
dembiyadii dagaal iyo xadgudubyadii baahsanaa, ee ururkan
argagixisada ahi ka gaysteen gobolada woqooyi. Hadaba waxa
laga maarmaan ah, mar haday qaar hadalkaygii u fasirteen si
guracan oo aanan ula jeedin, waxa lagama maarmaan ah, inaan
u cadayo far
Waawayna
aan ugu qoro, in aanan hadalkayga ula jeedin beel ama qabiil
Soomaaliyeed, oo Shiikh iyo Shiriifba leh, beeshan aniga
laygaga been abuuranayaa waa beel ummada Soomaaliyeed
miisaan wayn iyo qaderin ku leh dhexdooda, waa beel qayba
waawayn ka soo qaadatay halgankii dheeraa ee ay ummadu soo
martay,waana kuwii horseedka ka ahaa midayntii Jamhuuriyada
Soomaaliya, ilaa maantana ay ka mid yihiin raga ugu cadcad
ee ku hawlan sidii loo soo celin lahaa qaranimadii
Soomaaliyeed ee ay burburiyeen cadawga ummada iyo kooxo
aragti gaaban, oo uu cadawgu u adeegsaday burburinta
qaranimadoodii,waa beel ay ka dhasheen halgamayaal iyo
wadaniyiin taariikhda Soomaalida baal dahaba kaga jira sida:
Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir, Cabdullaahi Suldaan Timacade,
Xaaji Aadam Afqalooc, Cabdullaahi Qarshe iyo qayrkood oo aan
halkan lagu soo koobi karin, hadaan taas qeexnay, waxaa
iyana haboon in aan iyana qeexno ururkan gacan ku
dhiiglayaasha ah ee SNM, ururkan
Argagixisada
gacan ku dhiiglayaasha ahina, waa koox leh haykal maamul oo
dhamaystiran sida madax, maamul, saraakiil sarsare iyo hoose
oo ciidan iwm, hase yeeshee meesha ay sartu ka qudhuntay oo
ay ka faa’iidaysanayaan kuwa hadalkayga sida guracan u
fasiranayaa, oo ah wax aad looga xumaado, in aan la inkiri
karin, in kooxdanu ay ka soo wada jeedaan hal beel oo ah
beeshii aan hada soo xusnay, taageerayaal badana ay ku dhex
lahaayeen, hase yeeshee taas macnaheedu maaha in ay beeshu
Tahay
SNM, bal waxaa ku jiray beeshaas dad badan oo aad uga soo
horjeestay fikirkii gurcnaa, ee ay kooxdanu wadatay ee uun u
adeegaayay cadawga ummada, waqti dagaal iyo colaad
qadhaadhi inaga dhexeeyeen, sidaas darteed looma aanayn karo
beel dhan waxa ay gaysteen koox dembiilayaal ahi, beesha ka
mid baanu nahay iyaguna waa naga mid, dhamaanteena waxaan ka
mid nahay qowska Soomaaliyeed ee balaadhan, sidaasna anigu
waxaan qoraalkaa kaga hadlaayay koox la yidhaahdo SNM oo ah
Dembiilayaal iyo mujrimiin qanuunka iyo sharcigaba debeda ka
ah, kuwaas oo u gaystay shacab Soomaaliyeed xadgudubyo iyo
falal argagixisanimo oo baahsan, anigu waxan ahay muwaadin
Soomaaliyeed, oo daafacaaya inta awoodayda ah xaqa shacab
Soomaaliyeed oo laga galay dembiyo dagaal, mana aan ku
inkirin qoraalkaa in laga galay dembiyo iyo xadgudubyo
beeshaa aynu soo xusnay sida Soomaali badan oo qayrkood ahba
looga galay, taas oo aan ku xusi doono qoraalkan mar labaad.
Waxaan kale oo
qoraalkaa ku difaacaayay karaamada iyo sharafta masuul wayn
oo ummada ku dhex leh ixtraam, qaderin iyo miisaan culus,
aniga oo aan ku difaacayn reernimo iwm, bal maanta haduu
ahaan lahaa kan la xagxaganayaa col. Ismaaciil Cali Abokor
oo ahaa madaxwayna ku xigeenkii saddexaad ee isla dowladii
kacaanka, wadaninimadiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay
dhisida dalkana, aan marnaba lagu murmi karin, kana soo
jeeda beesha aynu hada soo xusnay, sidaas oo kale baan intii
awoodayda ah u difaaci lahaa,
Waayo raganu waa
astaamaha yar ee maanta ka sii hadhasan qaranimadii
Soomaaliyeed ee ay inaga dumiyeen kooxahaas gacan ku
dhiiglayaasha ahi, taasna macnaheedu maaha in aan ragan iyo
dowladiiba dhamaan lahayn wax dembi ah haba yaraatee, bal
way yeelan karaan dembi qof ahaaneed, dowlad ahaana waaba
lahaayeen dembiyo, hase yeeshee waxaan muran ku jirin, in
wixii ay qabteen toban jibaar ka badan tahay wixii ay
bi’iyeen, lamana barbar dhigi karo oo miisaan lama wada
saari karo,
Kooxaha
argagixisada ahaa ee iyagu xadgudubyada iyo dembiyada
dagaal ee baahsan ee ula kaca iyo badheedhka ahaa u gaystay
shacabka Soomaaliyeed, kuwa duminta uun yaqaan, laakiin haba
yaraatee aan waxba dhisi karin, SNM ka dib gumaadkii iyo
dembiyadii dagaal ee ay wadanka ka gaysteen, waxa gacantooda
si lama filaan ah ugu dhacay gobolada woqooyi qaar, hase
yeeshee waxay garan waayeen meeshii ay wax u dhaqaajin
lahaayeen, iyo siday wax u maamuli lahaayeen, isla
markiibana iyagii shalay
Xaq
darada ku heshiiyay baa iska soo wada horjeestay oo xabada
isu qaatay, hadaana Allaah ku soo caynaanin, oo u soo dirin
Allaah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, maanta
gobolada woqooyi waxa ka taagnaan lahaa dhibta iyo
jaahwareerka ka jira gobolada koonfurta, laakiin Maxamed
Ibraahim Cigaal isaga oo kaashanaya siyaasiyiinta,
aqoonyahanka, waxgaradka, tijaarta iyo kalsoonida shacabka
gobolada woqooyi guud ahaan, wuxuu ku guulaystay in uu
halkaa ka dhaliyo nabad gelyo yaanayba
Ahaan mid caga
fiican ku taaganaan ee, taas oo suura gelisay xoogaa horumar
ah oo shacabku samayeen, si taasu u suura gasho, talaabadii
ugu horaysay ee uu qaaday waxay ahayd, inuu kala eryo
kooxdan argagixisada ah, oo ka fogeeyo maamulkii uu markaas
dhisay, waayo wuxuu ku qanacsanaa, oo u muuqatay in hadaan
kooxdan gacan ku dhiiglayaasha ah meesha laga saarin, aan
wax horumar ah laga gaadhayn wax kasta oo laysku dayo dhinac
kastaba(dumiyaa ma dhiso).
Hada
waxan u jeednaa in maamulkii ka dambayay Maxamed Ibraahim
Cigaal ay ku guulaysteen kooxdan argagixisada ahi, inay soo
dhex galaan oo awood dhexdooda ku yeeshaan, xisbiyadii
shaadhkooda huwanaa ee waqtigaa taagta daraana, ay noqdaan
kuwa maanta awood yeeshay oo gilgilay maamulkii uu ka tegay,
doonayana inayba talada kala wareegaan, taas oo keentay in
hada nabad gelyadii ka jirtay gobolada woqooyi ee aan awelba
cagaha fiican ku taagnayn, ay qarka u saaran tahay in ay
burburto.
Xaqq yaa u leh in uu qaado dacwadaha
dembiyadii dalka ka dhacay?
Dembiyada dagaal, xadgudubyada iyo falalka argagixiso ee
baahsan, ee saameeyay wadankeena oo dhan lama soo koobi karo,
dembiyadan kuwa ugu xunxun ee badheedhka loogula kacay dadka
shacabka ah waxaa gaystay kooxihii hubaysnaa ee argagixisada
ahaa, waxaa kaloo soo gelaaya kuwii gacanta ka siiyay ee
sababay in kumanyaal kun oo shacab ah la xasuuqo, markii ay
kala direen ciidamadii qaranka iyo booliiskii, waxaa kaloo
soo gelayaa kuwii dabka hoosta ka hurinaayay, waxa soo
gelaysa dowladii,
Dembiyada sidaas u baahsan ee ummadu isu wada haysato, xaqq
yaa u leh in uu qaado dacwadaheeda? Horta inta aynaan
su’aashaas ka jawaabin aan nidhaahno ummadu guud ahaan, ma
garan waayin in dacwado dembiya dagaal ah lagu soo oogo
kuwii falalka foosha xun, gumaadka iyo dembiyada kaleba ka
gaystay dalka, laakiin se xaalada adag, jaahwareerka iyo
shirqoolka debeda, ee cadawgu soo maleegaayo iyo dembiyadii
oo aad u balaadhan, oo ummada oo dhami kala wada gashay
awgeed, baa waxaa laga
Doorbiday dibuheshiisiin iyo in
ummada inta hadhay nabad loo raadiyo, kuwii dembiyada
gaystayna Allaah lagu reebo ama loo daayo marka la helo
dowlad xalaal ah, oo hanata wadanka guud ahaan, oo iyadu
dadka u kala garqaada, oo wixii dembi leh ama lagu tuhmo
iyadu dacwadooda qaada, hase yeeshee kooxdan argagixisada ah
SNM ee debiilayaasha ah, oo iyagu aad is mahadiyay tan iyo
intii ay dowladii dhexe burburtay, caadadooduna ay noqotay
iyaga, in hadii ummadu bari u kacdo ay iyaguna
Galbeed u kacaan, oo ay ka hor yimaadaan wax kasta, oo ay
ummadu isku raacdo ama maslaxadeedu ku jirto, ayaa soo
abaabushay dacwada shirqool qorshaysan ah, oo ka dhan ah
masuul wayn oo ummada miisaan culus iyo qaderin ku dhex leh,
taas oo ay kaga soo oogeen wadan shisheeye ah, arintanu
waxay dhamaanba ka cadhaysiisay ummada Soomaaliyeed, oo ka
xumaatay in hada ummada loo horseedo fidna cusub iyo dhibtii
ka taagnayd wadankeena oo debedaha loo raro, waayo nin
waliba wuxuu
Daba ordayaa cidii uu ku tuhmaayo in ay ka dambayeen dhibtii
soo gaadhay, taas oo aan nin caana ku lulanayn, bal sii uun
kordhinaysa ceebihii faraha badnaa ee Soomaalida ugu caan
baxay aduunka, hadaba kooxdan fidnada horseeday ee ay soo
wakiisheen kooxdaa gacan ku dhiiglayaasha ah SNM, mid ka mid
ah oo sita file ay uga buuxaan waraaqo loo soo malmaluuqay,
ayaa wuxuu ku andacoonayaa, in ay ciqaabeen oo jidh dil ku
samayeen askartii dowladu, wuxuuna u haystaa Gen. Samatar,
oo ahaa ragii
Qaranka ugu sareeyay, hadaba imisaa Soomaali la jidh
dilay oo la ciqaabay meel kula joogta, oo iska aamusan
maslaxad guud awgeed? Muxuu se ka ogaan karaa fal dembiyeed
ay askar hoose samaysay ninkii qaranka ugu sareeyay? Ninkanu
se arintaa ma uga dacwooday dowladii? Ama ma u tegay
madaxdii sarsare, oo ma uga dacwooday si kastaba ha ku helee,
sida dhacday in badan oo dad dulmani u tageen madaxdii dalka
arintoodiina wax laga qabtay? Mid kale oo isna file kaa
waraaqaha loo soo
Malmaluuqay ku jiraan sita, baa isna ku andacoonaaya inay
askartii dowladu kaxaystay aabihii iyo walaalkii sidaasna
ilaa maanta lagu la’yahay, Gen. Samatar buuna arintan u
haystaa, haye, oo imisaa Soomaali aabayaashood iyo
walaalahood la’ ama lalaayay oo iska aamusan duruufaha inagu
xeeran awgeed, maxaa adiga kaa duway? Mid kale adigu maba
garanaysid waxa aabahaa iyo walaalkaa ku dhacay, meeshuna
meel dagaal ayay ahayd, markaa miyaan suura galnimada lagu
darsan karin,
In hoobiyihii SNM tu soo ridaysay uu ku dhacay iyaga iyo
askartii wadayba tusaale ahaan? Ummada guud ahaan dhiba
badan ayaa soo gaadhay, oo aan la soo koobi karin, waana la
wada aamusan yahay duruufaha inagu xeeran awgeed, waxana in
la is dacwayo laga door biday dibu heshiisiin, marka maxaa
kooxdan iyaga ummada gooni uga saaray?!!! Waxaynu
dhamaanteen wada ognahay in xabsi kasta oo aad aragtid
aduunyada ay ka buuxaan dad aan dembi lahayn oo aan waxba
galabsan, bal si uun tuhun
Ku soo galay, oo
qaarkood la dilo ama la ciqaabo, hase yeeshee wadaniga
wanaagsani wuxuu ku dedaalaa in uu ka dacwoodo dulmigii lagu
samayay, haduu ku guulaysan waayona Allaah ayuu tala saartaa,
sidaas darteed hal qof oo xaq daro lagu dilay ama lagu
ciqaabay ama toban qof oo sidaas oo kale aha ama boqol qof
ama kun iyo ka badanba, marmarsiinyo uma noqonayso in wadan
dhan lagu burburiyo oo ay ummadu isku hoobto, tiradaas
faraha badan ee xaq darada lagu wax yeelayay, waxaa ka wayn
Danta guud, eeg dhibta shacabka gaadhaa aduunka oo dhan bay
ka dhacdaa, tusaale hadaan u soo qaadano labada wadan oo
Carbeed Masar iyo Suuriya waqtigaa dagaalka sokeeye
wadankeena laga abaabulaayay, waxa ka dhici jiray xadgudubyo
iyo dembiyo shacabka lagula kaco aan qoraal lagu soo koobi
karin, hadana sidaas oo ay tahay lama arag qof reer masar ah
ama suuriya oo u galay Isra’iil, oo wadankooda ku soo
hogaamiya cadaw meel uu u soo maro la’aa, waayo damiirkooda
wadaninimo baa
Taas u diidaayay, waa dad mustaqbalka dheer ee dalkooda ka
fikiraaya, kuna kalsoon in ay maalin uun suulayso xukuumadan
dhibta ku haysaa, mustaqbal fiicana ay yeelan doonaan, inagu
se dalkeenii baynu cadaw soo jireen ah ku soo hagnay oo u
loognay, maxaa ka dhashay taas? Xageen se maanta dal iyo
dadba ku sugnahay? Waxaynu ku hoos jiraa oo in maamula guud
ahaan Soomaaliya oo dhan, cadawgii aad shalay dalkaaga ku
soo hagtay, wuxuu gacanta ku hayaa DKMG, maamulada landlanda
Inta badan kooxaha wadanka ka jira,
intaa isaga ayaa u kala dabqaada amaradiisa bayna dhamaan
socodsiiyaan oo ma diidi karaan, bal raali gelintiisa iyo
isxejintiisa waa loo kala dheerayaa, isna mar kasta wuxuu
abuuraa koox cusub, oo uu kuwii hore dhabarka kaga jebinaayo,
ma doonaayo in ay midna wax noqoto, dantiisu waxay ku jirtaa
in aan wanaag iyo nabadi ka dhalan Soomaaliya iyo dowlad
toona, ilaa uu ka gaadhayo siyaasadiisa waqtiga dheer ah,
khayraadkii dalkaaga ayaa la guranayaa, caruurtaadii baa
kuwa bani aadamka
Ka baayac mushtarayaa guranayaan, dowladaha deriska ahna ay
u samaynayaan hawl fududayn oo dalalkooda laga dhoofinayaa,
oo aanay jirin cid wax ka qaban kartaa, bal wax yaabaha
aadka looga xumaado waxaa ka mid ah, shalay dad
Soomaaliyeed oo dhiig iyo dhalasho inala wadaaga oo ay soo
barakiciyeen dagaalo iyo abaaro oo qaxooti ah, baa waxa lagu
andacoonaayay dhulka ayaa lagu beerayaa, maanta cadawgu
wuxuu ku soo daad gurayay kumanyaal dadkiisa ah, Soomaaliya
inteeda badan, wax ka hadlaaya ama leh waa nalagu beerayaana
ma arkaysid!!!
Aan u soo noqdo mawduuca kuna soo gebagebayo jawaabta
su’aashii aan kor ku soo xusnay, ee xaqq yaa u leh in uu
qaado dacwadaha dembiyada la kala tirsanaayo? Laba qolo
ayaan qabaa in ay ahayd in loo daayo hadba midkoodii laysku
afgarto, kan hore waa dowlad xalaal ah marka ay dhalato, kan
labaadna in laga dalabado UN ta in ay samayso haya’d madax
baan oo ay la shaqayaan gudi garsoorayaal iyo dembi
baadhayaal ah, oo isu dhelitiran, oo Soomaali ahi, waxa
saddexaysa in lays cafiyo oo arintaa laga heshiiyo wixii
dembiya gaystena Allaah wayn loo daayo arintooda, hada se
waxa muuqata in talo fara ka haaday.
Wabillaahi atowfiiq
Ciisa Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |