Markii qarnigii
19naad gumaysiga reer yurub u tashaday in uu
qaaradda Afrika qaybsado wadanka Soomaaliya
waxa saancadaalihii kaga soo hagaagey Ingriis,
Talyaani iyo Fransiis. Waxa iyana sida
abgurida hoos galgalanysey oo dhul iyo bad ay
toban qarni oo ka horeeyey awood u weydey
hungri ka qabtay taliskii Xabashida.
Taliskaasi wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba
u fuulay siduu dhulkaas ku hantiyi lahaa.
Wuxuu guud ahaan xoogaggii reer galbeedka ee
waqtigaas ku beerlaxowsanayey masiixi nimada
iyo diintaa laygu ciilay ee ha la ii hiiliyo.
Gaar ahaan wuxu naasnuujin qarsoon ka dalbaday
dawladii Ruushka oo ay masiixinimada ka sokow
wadaagaan “orthodox” nimada.
Furfurkii
ummadda Soomaaliyeed bilowgiisii,
saancadaalihii waxay badeheena soo dhigteen
maraakiib dagaal oo ay ku baqdin gelinayeen
dadyowgii Soomaaliyeed oo ay markaas isa soo
gaadheen. Iyadoo markaa awoodna la tusayo,
qadhaab loo daadiyo iyo siyaasad maldahan oo
marka hore macaan, khiyaamo iyo beense ku
salaysanna isticmaalaya.
Dhanka
galbeedka waxaa dadkii Soomaaliyeed oo
isagu jirey xoola dhaqato ama reer guuraa
u badnaa markaa dagaal umula doox ah kaga
soo qaaday taliskii xabashida oo
walaalihiisii diinta hub iyo dhaqaale aad
u xad-dhaafa ka helay.
Dhinaca
kalena wuxuu saancadaalihii isku deyey
in uu marka hore dadkii Soomaaliyeed uu
reer reer uu kala qoqobo (qaybiyoo xukun).
Markii uu taa ku guuleysteyna wuxuu
bilaabay in uu reer walba si gooni ah
ula macaamilo iyagiina cadow isaga dhigo.
Taasi waxay dhalisay qarnigii 19naad
labaatankii sano ee ugu dambeeyey in uu
la galo heshiisyo kala duwan beelihii uu
isagu markaa Soomaalida u kala qaybiyey.
Si ay heshiisyadaasi ugu hirgalaan oo
mawqifka Soomaalidu u debco, reer kasta
oo Soomaali ah wuxu tusay ugu yaraan
saddex cadow oo aan hore u jirin oo
farsamadiisa ah: (1) qabiilladii
Soomaaliyeed oo ay jaarka ahaayeen oo uu
iska hor keenay, (2) wadamadii reer
Yurub oo ay ku wada socdeen in dhulkan
la qaybsado iyo (3) Xabashidii oo ay ku
hubeeyeen.
Waayeelkii Soomaaliyeed ee markaasi
jirey waxa istustay in ay khasab ku
tahay, mar haddii dhankii badda laga
xidhay oo dhaqaalihii baayac mushtarku
ka soo gelijirey la waayey. Isla
markaana wadadii hubka oodrogo weyn
lagu fadhiisiyey in hadday rabaan in
tuurinka la saaray laga debciyo ay
khasab ku tahay in ay saancadaalihii
horfadhiistaan oo ay ugu yaraan isku
dayaan in uusan wuxuu doono ku
sandulayn.
Laakiin, inkastoo waayeelkii
Soomaaliyeed ay ciddiyaha ku
dagaalameen, siyaasad nifaaq ku dhisan
oo aysan u bislayna ay isku dayeen in
ay wax ku qaybsadaan. Hadana, marka
daacadnimo loo hadlo, heshiisyadii
waayeelkii Soomaalidu la galeen
saancadaalaha reer Yurub qarnigii
19naad dhamaadkiisii, aad iyo aad bay
uga aragti dheeryihiin ugana adag
yihiin kuwii ay la galeen gumaysiga
dadyowga kala duwan ee Afrika iyo
Asia. Saas ay tahay, heshiisyadaasi
waxay weylaalis aad u balaadhan u
gogleen in dalka Soomaaliyeed ay
gacanta ku dhigaan, khayraadkiisan ku
takriflaan, dadkiisana ay gumaystaan
shisheeye ka yimi dhul fog, dhaqan iyo
diin iyo dhalanna aan la wadaagin.
Markaynu dib ugu fiirsano, waxaynu
odhan karnaa, inkastoo dadka
Soomaaliyeed guud ahaan lagu yaqaan
xoriyad jecayl, waayeelkoodii waa ka
hoostay iyagoo u jeeda bayna
xadhigii lagu deldelilaaha wax ka
sooheen ka dibna luqunta gashadeen.
Waxaana taa ka samatabaxay hal reer,
oo isagu dhoolatuskaas iyo
hanjebaadii saancadaaluhu cabsigelin
weydey. Halkaa reer baa u noqday
asaas iyo awood halgankii
daraawiisheed oo rubuc qarniga
socdey dad, dal iyo maalba. Waxaana
hubaal ah haddii uu gacan ka heli
lahaa Soomaalida kale ama ay
daawadayaal noqon la haayeen in aan
layna gumaysteen.
Aw
Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku
dhashay degaankii tiginada looga
taagey daraawiish ee xornimada
Soomaaliyeed looga dagaalamayey,
halgankuna ka hanaqaaday. Inkastoo
yaraantiisii iyo
barbaarnimadiisiiba ay ku aadanayd
waqti gaalo iyo cawaankeed ay
dadka ku hayeen gumaysi isugu jira
cabudhis afka ah, indhaha oo laga
daaho, xasuusta oo laga masaxo iyo
maskaxda oo laga gumaysto.
Ujeedada ugu weynina ahayd in
raadkii halgankii daraawiishta
looga tirtiro dunida korkeeda, wax
yar ka dibna la gaadho in lagu
murmo daraawiish iyo halgankeedii
run iyo riyo mid uu ahaa.
Nasiib wanaag waxay taasi u
cuntami weydey Aw Jaamac Cumar,
oo isagu ka mid ahaa barbaartii
markaasi tirtirka la kulantay.
Aw Jaamac si aanay ujeedadaasi u
hirgelin, isaga oo dhalinyaro ah
sanadkii 1955 buu wuxuu
go’aansaday in uu arrintaas ka
dagaalamo uuna maskaxdii bugtey
ee isticmaarka iyo intii hoos
joogtey uu kula dagaalamo mid
fayow oo ka jid leh. Wuxuu
markaa dhinbiil dib u hulaaqisa
saaray dabkii intii u dhexaysey
1921-1955 saancadaalaha iyo
Soomaalidii gumaysi kalkaalka
ahaydna ay biyaha iyo ciidda ku
bakhtiinayeen, laakiin
halgamayaashii intii ka hadhay
iyo Soomaalidii xoriyadda iyo
gobanimada jeclayd xusuustooda
laga tiri kariwaayey.
Waxaynu qoraalkan kooban ku
soo qaadanaynaa, halka Aw
Jaamac Cumar Ciise ka galay
halgankii gobanima doonka
Soomaaliyeed iyo hiilkuu u
geystey gaar ahaan raadgurka
taariikhdii iyo suugaantii
xornimodoonka iyo guudahaan
tan Soomaaliyeed.
Si aynu taa u gaadhno waxaynu
kashkaash uga dhigaynaa oo ka
horaysiinaynaa, Nabarkii kama
dambaysta ahaa oo daraawiishi
ka kiciweydey iyo xeeladihii
uu gumaysigu ugu talagalay
tirtirkii dhaxalkooda iyo
guudahaan taariikhda, dhaqanka
iyo diinta dadka Soomaaliyeed.