Qabiilka Somalidu u
taqaan Yibraha Nasabkooda
(Soomaaliya.
October 13,
2008 Ceegaag Online)
Sida aan la wada socono Waxaa Somalida ku dhexnool
Qabiilooyin yar-yar oo badan, Runtii Qabiilooyinkaas
oo in badan taariikhda somalida lagu Xaqirey
Xaqoodiina lagu duudsiiyey Ma aysan dhicin In
Culimadii iyo dawladihii kala duwanaa ee dalka soo
maraa ay xaqooda ka hadlaan.
Tusaale ahaan hadaan fiirino Qabilada Somalidu
dulimidey waxaa ka mid ah Qabiilka loo yaqaan Midgaan,
Marka aad odayada somalida waydiiso Sababta Dadkan Loo
Xaqirayo maxay tahay? Waxay ku leeyihiin Bari baa la
Safrey Safarkii iyadoo lagu jiro ayaa Bakhti la cuney
ragii kale way iska soo matajiyeen Midgaan ninka la
baxay Bakhtigii Iskama soo matajin Sidaas ayaa sabab u
ahayd ina la Xaqiro oo Xaqiisii la duudsiiyo, waxayna
kaliftey inaan Gabadhna loo guurin Lagana Guursan oo
La karantiimo maadama uusan bakhtigii iska soo matajin.
Hadalkaas markaan u fiirsadey waxaa iisoo baxdey in
Ninka Midgaan loo bixiyey uu ahaa Ninka ugu cilmiga
badan ragii safarka galey isaga oo raacay Naska
Quraanka ee ilaahay qofka ugu xalaaleeyey hadii uu
Gaajoodo Naftiisana u yaabo inuu bakhtiga cuni karo,
ilaahay Ma uusan odhan Markaad Gaajootaan ee nafta u
yaabtaan Bakhtiga Cuna kadibna iska soo matajiya,
Taasi waa tusaalaha ugu Muhiimsan ee ku saabsan
Ninkaas Midgaan Fahamka ilaahay siiyey ee ragaas uu
dheeraa hadii warka somalidu run yahay.
waxa aad lasocotaan Dadka Farsama yaqaaniinta ah ee
Xirfadda lagu shaqaysto yaqaan waa Dadka Somalidu
yasto ama ha noqdaan Midgaan ama Boon ama Yibir Kaad
rabto dheh, waxaa kuu cad inay ahaayeen bulsho yar oo
Laga tiro batey Xaqoodiina la duudsiiyey Dadkii
wakhtigaas noolaana ka xirfad iyo farsamo badnaa.
Halkaas hadii aan kaga gudubno Qoladaas waxaan halkan
idiinku soo badhigayaa Qolada Somalidu u taqaan
Yibraha iyo Nasab ahaan Cidda ay ka soo jeedaan,
Dadka qaar Dhawr riwaayadood bay isla dhex maraan
Yibir waa reer banii Israaiil laakiin Sida Yibrihu
ka soo guuriyeen awoowyadood waa sidan.
Qabiilkooda waxaa la yidhaahdaa Xaniifa Bini Sucab
Binu Cali Bini Bakar Waa'il Binu Rabiica, Qabiilka
Bini rabiica waxay la walaalo tahay sadex qabilo oo la
kala yidhaahdo Ayaad Iyo Anmaar iyo Madar Afartan
Qabiilo ee la kala yidhaahdo ayaad iyo anmaar iyo
rabiica iyo madar waxay ka soo farcameen Nasaar bini
macad Macadanah wuxuu ka soo faracamay cadnaan waxaa
ka soo farcamay Carab Al Cadnaaniyah halkaas ayey ka
yimaadeen Cadnaan waa awoowgii kow iyo tabnaad ee
Rasuulkeen Sallalaahi Calayhi Wasalam Madarna waxaa ka
soo Farcamay Qabiilada la yidhaahdo Quraysh oo
rasuulku kamid yahay.
Haddaba waxaa is waydiin mudan Hadaad tahay Somali
yibir halkee kaga qabiil fiicnaatey?
Miyeeysan ahayn in dhaqankan Xun ee soo jereenka ah la
baabi'iyo Dadkaas Muslimiinta ah ee Xaquuqdoodii iyo
sharaftoodii meel lagaga dhacay laga raali galiyo oo
bulshada lagu soo daro?
Meeye Culimadii Somalidu Maxay uga hadli waayeen
Qabiiladan la takooray aawey diinta odhanaysa
Qabiilkaas Nasabkaas sharafta iyo qiimaha leh Haka
guursanina?
Dadkani waa Dad runtii sharaf iyo qiimo badan leh
somaliduna waxay xaqireen dadkaa walaalahood ah, Sida
aan la socono Somalidu Gabdhihii bay kala kufsadeen,
Dhiig aan joogsi lahayn bay daadiyeen Hantidii khaaska
ahayd iyo tii guud bay dhaceen, Barri iyo baddba
Dadkii ilaahay baa lagu dulmiyey, Wali ma maqasheen
Yabir ama midgaan wax dhacay ama gabadh kufsadey ?
Waxaan ka Codsan lahaa Dadka Muslimiinta saxda ah inay
arintan ka dhiidhiyaan Dadkan Nasabka wanaagsan ee
nasabkoodii la qariyeyna Xaqooda u soo dhiciyaan Si
dhibka iyo qaxarka looga baxo Qolo walbana xaqeeda u
hesho.
Insha allaah hadii ilaah nolosha igu simo waxaad
akhrin doontaa Qoraalo badan oo ku saabsan Dadkaan
taariikhdooda iyo Dhacdooyinkii kala duwanaa ee ay soo
mareen.
Subxanallaahuma rabanaa wabixamdika
Ashhadu in laa ilaah ilaa anta Astaqfiruka wa atuubu
ilayka.
webmaster@ceegaag.com |