Mad.
Faroole iyo Axmed walad
Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland oo Maalmihi
Ugu Dambeeyay ku sugnaa Magaaladda
Nairobi
ee Caasimadda
kenya
si uu kulamo ugula Qaato Xubnaha Beesha Caalamka iyo
Safiiradda Dalalka Horumaray sida Maraykan iyo sidoo kale
inuu ka Qayb galo Shir Caalami ah oo Dhawaantan ka Furmi
Doona Dalka kenya oo looga Hadlayo Burcadd Badeeda
Soomaliya.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Maamulkiisu uu u
baahan yahay $20m Sanadkiiba si loogu maalgeliyo ayuu yiri
inka badan 2,000 oo askari oo ka hawlgala xeebaha ay ku
sugan yihiin Burcadbadeeda ,Dr. Faroole wuxuu sheegay in
goobaha ay burcadbadeedu ku sugan tahay ay yihiin dhul
adag oo aan lahayn waddooyin loo maro.
Waxa uu sheegay haddii Maamulkiisu uu helo gargaarkaasi
lacageed in Maamulkiisu uu awood u yeelan karo in uu la
dagaalamo Burcadbadeeda ,Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan
Maxamed Maxamuud (Faroole) waxa uu ku sugan yahay
magaalada Nairobi oo uu kaga qeybgelayo kulan halkaasi ka
furmi doona kaasoo looga hadli doono burcadbadeeda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay Safiirka Dowlada
Italy u qaabilsan wadanka Somalia Mr. Stefano Dejak [April
16, 2009] iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Hotel Panari oo
ay ku soo degeen Wafdiga Puntland maalintii Arbaco.
Safiirka Italy ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimo tiro
badan oo ay ka mid yihiin xiriir wanaaga iyo xoojinta
amaanka iyadoo weliba uu Safiirka Dowlada Italy si gaar ah
uga codsaday Madaxweynaha Puntland inuu kaalin ka qaato
soo deynta markab lagu qafaashay xeebta degaanka Laas
Qoray.
Kulankaasi ka dib ayaa Madaxweynaha wuxuu qado sharaf la
yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan arrimaha Somalia Mr.
Ahmedou Ould-Abdallah iyadoo kulankaasi ku
dhamaaday jawi qurux badan.
Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa safarkiisii hore uu ku
tagay Dalka Djibouti kulan rasmi ah la yeeshay Mr.
Ould-Abdallah iyagoo ka wada hadlay arrimo badan sida
Nidaamka Federaalka oo ay ku dhisan tahay siyaasada
Maamulka Puntland waxaana kulankii Nairobi ahaa qado iyo
salaan sharaf.
Isku
Soo wada duubo Safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole
ayaa noqday mid u dhaxal gali kara Dadweynaha reer
puntland iyadoo tan iyo marki la doortay Cabdiraxmaan
faroole uu safaro ku kala bixiyay Dalalka
Itoobiya,Jabouti iyo Nairobi oo uu Hadda Safar ku joogo.
Cabdirashiid Maxamed Daahir