Cabdiwali Cabdulqaadir Muuse oo maxkamad lagu saarayo
magaalada New York
(New York,
April 21, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa maanta maxkamad lagu soo taagay
mid kamida wiilashii qafaashay mudo saacado ah markab
lagalahaa wadanka mareekanka, wiilashaa oo kadibna gacanta
ku dhigay Kabtankii markabkaa haystanay ilaa mudo afar maal
mood ah.
Wiilkan oo dadiisa lagu qiyaasayo ilaa
16 jir ama 17 jir ahna ninka kaliya ee ka nool raga budhcad
badeeda ahaa ayaa maanta la hor keenay maxkamad ku taala
magaalada New York oo baadha danbiyada Argagixisanimo ee ka
dhaca qaarada Afrika.
Hooyada dhashay wiil kan Cadar C/raxmaan
Xasan oo ku nool haatan magaalada Gaalkacayo ayaa fariin u
dirtay madaxweynaha dalkaasi Mareykan Barack Obama iyadoo ka
codsatay inuu wiilkeeda cafiyo ama u ogolaado inay goobjoog
ka ahaata meesha maxkamada lagu saarayo.
"Wiilkeyga waxaa duufsaday kooxo
gangisteriin ah oo lacag haysta, waxaana arinkaa ku kalifay
faqiirnimo iyo lacag la`aan haysay darteed", sidaa awgeed
waxaan codsanayaa in loo danbi dhaafo wiilkayga.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa
ey tiri hooyada dhashay C/wali "Aad ayaan ugu farxay markaan
maqlay in uu wiilkeyga ku jiro gacanta Mareykanka, sababtoo
ah waxaan maqlay in Mareykanku aad u dhowro xuquuqda
bini`aadamka".
Waxaa durdaba soo baxaya Warbixino
sheegaya in Mareekanku sharcidaro ku haysto wiilkan yar oo
aanay wax sharci ah u hayn oo ay tahay haysashadan mid
qafaalsho ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |