Dablay Gobolka Bakool ku
haysta dadkii dadkooda quudinayay iyagoo waliba dalbanaya
Lacag Madaxfurasho ah!Dhega!!
(Bokool,
April 25, 2009 Ceegaag Online)
Dablay iimaanlaawayaal ah ayaa
qafaashay shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeenayay gobolka
Bakool dablaydan oo ka dalbanaya lacag madaxfurasho ah dadka
dadkooda quudinaya!!
Ka Gadaal Maamulka Al_Shabaab ee Goboladda Bay iyo Bakool
ayaa sheegay inay Xalinayaan Qafaalashadda loo gaystay
Shaqaalaha Hayadda balse Shaqaalaha hay’ada MSF
Spain ee lagu haysto gobolka Bakool ayaa hadal ay
saxaafada siiyeen waxay ku sheegeen inay bad qabaan balse ay
doonayaan inay helaan xoriyadooda.
Labadan nin oo uu u kala dhashey wadamada
Belgium iyo Holand ayaa kala ah dhakhtar iyo
kalkaaliyihiisa, waxaana la qafaashey maalinimadii Axadii
agagaaraha degmada Rabdhuure ee Gobolka Bokool ee Koonfurta
Galbeed ee Soomaaliya.
"Aaad ayaan u jecelnahay wadamadeena, qoysaskeena, iyo
saaxiibadeena, waxaana rajeynaynaa inaan si dhaqso ah ula
kulmi doono, waxaana ka dalbanaynaa inay helaan xal deg deg
ah oo ku aadan xaaladeena adag" sidaasi waxaa wakaalada
wararka ee Reuters u sheegay ninka u dhashey wadanka Holand.
Ninka kale ee isaga ay saaxiibada yihiin ee u dhashey
wadanka Belgian ayaa isna sheegay in ay xaaladoodu liidato,
"waxaan ku jirnaa xaalad adag, laakiin waan wanaagsanahay
hada, waxa kaliya ee aan oran karaa waxa weeye in si
wanaagsan ay noola dhaqmeen kuwa na haysta, iiga gudbiya
dadkeyga inaan wanaagsanahay xiliga" ayuu yiri ninkaasi ka
mid ah la haystayaasha hay’ada MSF.
Hay’ada MSF Spain waxay codsatey inaan la baahin ragaasi
afduubka loog haysto magacyadooda.
Nin ka mid ah kooxaha dableyda ah ee haysta labadan nin
ee ka mid ah shaqaalaha hay’ada MSF Belgium ayaa sheegay
inay dalbanayaan lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 4 milyan
oo doolar, isla markaana aanay jiri doonin cid ay xiligan ka
qabaan cabsi.
Cabdirashid Maxamed Daahir
Dablay Gobolka Bakool ku haysta
Shaqaale Ajnabi ah iyagoo Dalbaday Lacag
Madaxfurasho ah
|
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |