Dagaallo Ka
Qarxay Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dalka Soomaliya.
(Baladwayne,
April 20, 2009 Ceegaag Online)
Dagaalwadayaasha Diinkugabadka
Dawladdiidka Soomaaliya
Magaaladda Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa
waxaa ka Qarxay Maalimaddi Saaka ahayd Dagaal Kharaar oo u
dhexeeyey Islaamiyiinta ku Sugan Gobolkaasi iyadoo Kooxaha
maamulaya magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan uu ka dhex
bilowday dagaal qaraar oo bilowday saakadii hore , waxaana
ilaa hada socota daryanka Madaafiicda culculus, sida ay
sheegayaan Wararka madaxa banaan ee ka soo baxaya magaalada
Beledweyn.
Dagaaladan ayaa udhaxeeya dhinacyada isla maamulaya
magaaladaasi, waxaana Magaalada maamulaya Ururo kala duwan
oo iska soo horjeeda, isla markaasna kala taabacsan
mucaaradka iyo muxaafidka dawladda Faderaalka KMG ah ee
Soomaaliya, sida ay sheegayaan Wararka Madaxa Banaan ee Naga
soo Garaya Magaaladda Baladweyne.
Illaa iyo 6-ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo
32-kalena oo qaarkood rayid ah waa ay ku dhaawacmeen
dagaalka maanta barqadii ka biloowaday xaafada H/wadaag ee
magaalada Baladweyne dagaalkaasi oo weli si teel teel ah uga
socda halkaasi.
Waxaana weli labada cusbitaal ee magaalada ku yaala
magaalada Baladweyne la gaarsiinayaa dhaawacyada dadkii ku
wax yeeloobay dagaaladaasi,waloow dadka dhaawacmay ay u
badan yihiin dad rayid ah.
Xabado teel teel ah ayaa waxaa laga maqlayaa xaafadah H/wadaag
ee galbeedka magaalada Baladweyne waloow la tilmaamay in
qeyb ka mid ah xaafadaha uu dagaalka saakay ka dhacay ay
gacanta ku hayaan garab ka mida ah xoogaga muqawamada ee
dagaalka uu u dhexeeyo.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalada
ay ku dhex marayaan Baladweyne iyo maamulka maxaakiimta
islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Hiiraan.
Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalka uu geystey
khasaare soo gaaray guryo ku yiil deegaanka, waxaana la
sheegay inay gubteen ilaa sadex guri oo ay ku habsadeen
madaafiicdii la isku dhaafsanayey dagaalkaasi.
Cabdirashiid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |