Iyadoo Inta badan Koonfurta Dalka
soomaliya ay Gacanta ku hayaan Ururka Islamiga ah ee
Al_Shabaab ayaa hadan ururka al_Shabaab ee ka arrimiya
Goboladda Bay iyo Bakool waxa ay soo saareen Sharciyo iyo
Amaro cusub oo ay usoo bandhigeen Dadka Deegaanadda
Hoosyimadda Goboladda Bay iyo Bakool.
Sheikh Cabdicasiis Cali oo ah Madaxa fidinta Dacwadda oo
magaaladda Baydhabo Shir jaraa'id ku Qabanayay ayaa
Sheegay in Ururka All_Shabaab ay Maanta Soo Bandhigayaan
Amarro iyo Sharciyo la doonayo in laga Dhaqangaliyo
Magaaladda Baydho Sheikh Cabdicasiis ayaa yiri"1.In aan
Wakhtiga Salaadda Gebi ahaanba la la Furin Goobaha
Ganacsiga isla markaana aan la arki karin Goob Ganacsi oo
furan Cidii lagu arkona Talaabo Cad laga qaadayo iyadoo
5-Cisho la xiri doono.
2.In Haweenka aanay Dhexsocon karin Baydhaba iyagoo aan
wadan Xijaab culus oo Isku Joog ah Haweenaydii lagu arko
waxyaallo aan asturnayn Sida Dharka Birbirqayana la xiri
Doono Mudo 12-Saacadood ah.
Maaha markii ugu horaysay ee islaamiyiinta ka arrimiya
Inta Badan koonfurta Soomaliya ay Sharciyo Caynkaani oo
kaleeto ah ku soo rogaan Dadka Deegaanka horay ayaa waxaa
jirtay in Magaaladda Kismaayo looga Mamnuucay in Raga iyo
Dumarka ay Gaadiidka PL ka isla Raacaan.
Lama garanayo sida ay go’aamadaasi uga dhaqan gali karaan
magaalada Baydhabo maadama go’aamo kuwani la mid ah ay
horay uga dhaqan gali waayeeen.
Cabdirashiid Maxamed Daahir