Puntland oo Sheegtay Inaan Go'aanka Baarlamaanka Soomaliya
ee ku dhaqanka Sharecadda Islaanka Aanu Khusayn.
(Garoowe,
April 22, 2009 Ceegaag Online)
Shir aan caadi ahayn oo maanta uu
yeeshay golaha xukuumada Puntland ayaa lagu gorfeeyey qodobo
ay ka mid yihiin xeer hoosaadka golaha, hirgelinta nidaam
talowadaag ah, arrimaha burcad badeeda, iyo mawqifka
xukuumada Puntland ee go'aanka baarlmaanka dawlada
federaalka ah ee Somaliya.
Falanqayn dabadeed ayaa xukuumada Puntland ay go'aamisay in
go'aamka ay dhawaan gaareen mudanayaasha Golaha Baarlamaanka
Somaliya ee ku dhaqanka shareecada Islaamku aanu khusay
Puntland, aanuna ahayn mid ay talo ku lahayd.
Hore ayaa dawlada Puntland ay marar badan uga dayrisay
siyaasada guud ee dawlada Somaliya,Iyadoo dawladd goboleedka
Puntland shaki ka muujisay hirgelinta nidaamka federaalka ah
oo madaxda Puntland ay sheegtay in uu yahay
kan keliya oo cuntami kara Puntland.
Is-maandhaafka siysaadeed ee labada dhinac ayaa salka ku
haya kee ku mudan in lagu maamulo Somaliya: nidaam diini ah
oo aanu jirin hal wadan oo uu ka hirgalay, iyo kan
cilmaaniga ah (secular) ee caalamka oo dhan laga isticmaalo.
Inkasta oo dastuurada dawlada Somaliya iyo kan Puntland-ba
ay saldhig u tahay diinta Islaamku, ayaa hadana waxaa jira
meelo badan oo uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka. Is-waafajinta
labada nidaam, dabakhaada shareecada Islaamka ee nidaamka
dawliga ah, iyo hirgelinta nidaamka diiniga ah ayaan ahayn
qorshe sahlan oo u baahan khuburo ku takhasustay, xirfadley
kartideed leh, dhaqaale ku filan, hay'ado dawli ah oo
hirgelintiisa qaabilsan, hoggaan kartiyeed daacad ka ah, iyo
taageero caalami ah.
Nasiib darro waa ay adag tahay in intaa laga helo Somaliya.
Waxaa iyana adag in caalamku uu u dheg raariciyo g'aanka
baarlamaanka Somaliya. Waxaan iyana sahlanayn in kooxaha
kale ee diimeed ee ka soo horjeeda dawladu ay taageeraan
siyaasada dawlada.
Su'aalaha ugu mudanise ayaa ah:
- Sidee looga hirgalin karaa Somaliya shareecada Islaamka?
- Xagee laga hirgalinyaa?
- Yaase ay tahay in ay hirgaliso?
Puntland waa dawlada goboleedka keliya ee hore u taageeray
dawlada Somaliya, waana maamulka labeeya Somaliland ee ka
jira Somaliya. Somalilnad ayaan ictiraafsayn dawlada
Somaliya, inkasta oo ay muujisay debacsanaan siyaasadeed oo
ku wajahan hoggaanka cusub ee Somaliya.
Shirka Maanta waxaa guddoomiyey M/weyne ku xigeenka Puntland
Md. C/samad Cali Shire, waxaana ka soo qayb galay badi
wasiirada xukuumada Puntland.
Cabdirashid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |