Dawladda Mexico oo Bilawday
Hawlo lagu Xakamaynayo Viruska-Hargabka Doofaarka oo ka
Dilaacay Wadankaasi
(Mexico,
April 26, 2009 Ceegaag Online)
Viruska Hargabka Doofaarka ayaa si xun uga Dilaacay Dalkaasi
Mexico iyadoo Cudurkan markii la arkay la xiray Goobo badan
oo ay dadka isugu Yimaadaan Dalkaasi Mexico iyadoo
Magaaladda Caasimadda ah ee Mexico City goobaha Jaamacaddaha
Hoteladda iyo Goobaha kale ee dadka isugu Yimaadaan la xiray.
Viruska Hargabka Doofaarka ayaa waxaa ay Dawladda Mexico
Sheegtay inu uga so talaabay Dalkaasi Maraykanka iyadoo
Doofaar Mudoo ku xanuunsanayay Koonfurta Dalkaasi Maraykan
ka uu sababay Cudurkan halista ah waxaana ay sheegtay
dawladda Mexico inay Hakinayso Isu socodka Labadda wadan.
Sidoo kale Hayadda WHO ayaa markii ugu
horeysay ka hadashey cudurka virus-ka duruyga ee haatan ka
dilaacay wadanka Mexico isla markaana usii gudbay wadanka
Mareykanka.
Margaret Chan oo ah haweenay u hadashey
hay’ada WHO ayaa waxay sheegtey in Virus-kan uu ku dhaco
noolaha gaar ahaan bini’aadamka iyo shimbiraha nooca bad
jooga ah, isla markaana uu sababi karo dhibaato xoogan hadii
aan si deg deg ah wax looga qaban.
Mss Chan waxay farta ku fiiqdey in
cudurkan ilaa iyo hada wadanka Mexico ugu geeriyoodeen 81
qof, halka 11 qof oo kalena ay ula ildaran yihiin, kuwaasi
oo 7 ka mid ah ay ku nool yihiin California, sadex kalena
Gobolka Taxes iyo hal qof oo ku nool Kansas.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in
cudurkaasi lagu arkay magaalada New York Iskool ay dhigtaan
in ka badan 200 oo ardey, kuwaasi oo 8 ka mid ah la sheegay
in uu hada saameeyey cudurkaas
Waxaa isna qiray in ay jirto khatarta
cudurkan sarkaal sare oo ka mid ah kooxda caafimaadka
Maraykanka ee CDC oo ku sheegay in uu yahay cudurkan mid aad
ugu fidaya dalkiisa oo anan waxba laga qaban Karin.
Dadka ilaa iyo hada cudurkaasi ugu
geeriyoodey wadanka Mexico waxaa la sheegay inay u badan
yihiin caruur, waxaase jira dad waa weyn oo iyaguna u
geeriyoodey cudurkaasi sida ay sheegeen masuuliyiinta
caafimaadka ee dalkaasi.
Marka la eego Cudurkan sida wayn ugu
Daashaday Dadka ee Mexico ayaa noqonaya Cudur dabar goyo ah
oo dhibaato iyo Kayli badan ku haya Dalkaasi.
Cabdirashid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |