Xisbiga
Kulmiye ee maamulka Somaliland oo maanta Dhigay Dibadbaxyo
Balaadhan.
(Hargaysa,
April 20, 2009 Ceegaag Online)
Dibadbaxyo balaaran oo uu so agaasimay xisbiga mucaaradka
Somaliland ee Kulmiye loogana soo hor jeeday dowalada Daahir
Riyaale ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta
maamulkaasi.
Waxaa maanta Dibadbaxo waaweyn ay Hareeyeen magaalooyinka
Maamulka Somaliland kuwaasi oo uu soo qabanqabiyay Xisbiga
mucaaradka Somaliland ee Kulmiye oo dhawaan ku dhawaaqay in
ay dhigayaan isku soo baxyo nabadeed.
Dadka isku soo baxay ayaa waxaa maanta magaalada Hargeysa
kula hadlay gudoomiyaa xibiga Kulmiye Max’ed Max’uud Silanyo
iyo Weliba ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici,waxaana ay
dhamaantooda sheegeen in dowlada Somaliland aysan caburin
Karin oo ay isugu soo baxayaan xafiisyadooda iyo weliba
goobaha kale ee ay dalka ka degan yihiin.
Masuuliyiinta Xisbiga ayaa waxaa ay maanta sheegeen in ay
joojinayaan isku soo baxyadani maadaama sida ay sheegeen ay
wada hadalo u socdaan iyaga iyo xukuumada Somaliland.
Hadalkani uu maanta xisbiga Kulmiye ku sheegay in ay
joojinayaan banana baxyada ayaa waxaa uu ka danbeyay kadib
markii la sheegay in saacadaha soo aadan ay kulan yeelan
doonaan masuuliyiinta 3-da xisbi ee Somaliland ka jira iyo
golaha wakiilada kaasi oo lagu doonayo in lagu xaliyo
qilaafka ka dhex taagan.
Isku
soo wadda duubo waxaa maalmihi ugu dambeeyay ka taagna
magaaladda hargaysa Muran u dhexeyay Xisbiyada mucaaradka
iyo Dawladda Somaliland.
Cabdirashid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |