Casharo
Cilmiyeed Laga Jeediyay Jaamacadda Nugaal University Ee
Magaaladda Laascaanood.
(Laascaanood,
April 20, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa booqasho ku yimi Jaamacada
Nugaaal University ee magaalada Laascaanood Markus Hohne oo
ah nin Jarmal oo socdaalo horay ugu yimi magaalada
laascaanood ee Gobolka Sool.
Markus oo hadda wax ka barta Jaamacad ku taala Dalka
Germany ayaa waxa uu si gaar ah u doortay
Social anthropology (cilmiga Bulshada iyo dhaqamada)
gaar ahaan isagoo si gaar ah usii doortay dhaqamada
Soomaalida ayaa waxa uu invites ka helay jaamacada Nugaal
University.
Intii uu joogay magaalada Laascaanood waxa uu la kulmay
masuuliyiinta Jaamacada Nugaal University, macalimiinta
Jaamacada, Ardayda iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada
iyagoo dhamaanba dadkaasi ay ka wada hadleen sidii horumar
looga samayn lahaa dhanka waxbarashada isagoo sidoo kalena
Jaamacada ka jeediyay labo Lecturers oo ku kala ah Dhaqanka
Soomaalida iyo waxyaabihii uu ka qoray iyo ka labaad oo ah
iyo sida loo diyaariyo cilmi baadhista iyo sida loo soo
bandhigo (research).
Faa’iidooyinkii Markus ee Jaamacada Nugaal University:-
inuu Jaamacada Nugaal University Partner la noqdo.
inuu shir jaamacadeed ka dhacaya Germany uu ka jeediyo
war bixin ku saabsan Jaamacda.
sidoo kale waxuu Jaamacda Nugaal University gudoonsiiyay
Buugaag,maqaaalo 100 buug kor u dhaafaya oo ka hadlaya
Soomaalida iyo dhaqankeeda.
Kuliyadaha Jaaamacad Nugaal University:-
Faculty of social Science
Faculty of natural Science
Faculty of humanity
Foundation year
Kuwaas oo u sii kala baxa Faculties aan halkan lagu soo
koobi karin
Hadaba Jaamacada Nugaal University ayaa waxaa ka qalin
jabinaya July rufcadii u horaysay ee ardayda wax ka barata
Jaamacada Nugaal University oo 23 arday iyadoo Gudoomiye
kuxigeenka Jaamacada Nugaal C/naasir Maxamed Barre (abu
shaybe) uu sidoo kale xusay in Jaamacadu ay xidhiidh is
dhexgal la samaysay Jaamacdaha qaar sida GTEC hadana ay
xidhiidh u socdo Jaamacada Camuud iyo
East Africa.
Cabdirashiid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |