Maxamed Xasan Xaad oo ka Mida Odayaasha Dhaqanka Ee
Beelaha Hawiye isla markana ah Gudoomiyaha Golaha
Midnimadda iyo Siyaasadda Beelaha hawiye oo ugu waramayay
Saxaafadda Magaaladda Muqdisho Ee Caasimadda Dagaaladu
Hareeyeen Ee soomaliya ayaa ka hadlay Dilka loo gaystay
Xildhibaan C/laahi Cise Abtidoon oo horay uga tirsanaan
jiray Odayasha Dhaqanka Beelah Hawiye.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Belaha Hawiye
Max’ed Xasan Xaad ayaa si kulul u cambaareeyay
islamarkaana wax laga xumaado ku tilmaamay falkii shalay
galinkii dambe lagu dilay Alle ha u naxariistee Xildhibaan
C/laahi Ciise Abtidoon oo kooxo hubaysan ay ku dileen
hoygiisa oo ku yaala agagaarka Warshadda Baastada ee
Magaalada Muqdisho.
Xaad waxaa uu tilmaamay in ay in badan wada shaqeynayeen
islmarkaana u ahaa nin wanaagsan oo Ahlu diin ah falkii
lagu dilayna uu qeyb ka yahay falalka lagu dilayo dadka
bulshada waxtarka u ah.
Sidoo kale Max’ed Xasan Xaad gudoomiyaha golaha dhaqanka
iyo midnimada beelaha hawiye waxaa uu tilmamay in uu la
shaqeynayay marxuumkani intuusan xildhibaanka noqon ka hor
odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye,isagoona xusay in uu uga
soo biiray dhanka Maxkamadaha islaamiga kadibna uu dib uga
laabtay.
Isku soo wada duuboo Dhawaantan ayay ahayd markii Qaar ka
tirsan odayaasha Dhaqanka Beelaha hawiye ay sheegeen in
loo hanjabay isla markaana lagu soo Handaday Wacyiga
Nabadda ee ay Bulshadda u wadaan iyagoo sidoo kale sheegay
in Alle Dile Dhinto oo Qaar ka tirsan Dadka Qaswadayalka
ah aanay Doonayn Nabad ka Dhalata Magaaladda Casimadda ah
ee Muqdisho.
Cabdirashid Maxamed Daahir.