Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame
Cabdi Shirwac(Seefta banaanka oo waraysi siinayay Qaar ka
tirsan wakaladdaha Wararka gaar ahaan Reuters ayaa ka
hadlay Falkii uu dhiigu ku daatay Ee dawladda maraykanka
ku soo furatay Captain Richard Philips"Hawlgalka
Faransiiska & Maraykankuba tixgelin ayey leeyihiin,
waxaana kula talinaynaa dhamaan wadamada kale inaysan
bixin wax madax furosho ah ayuu yiri wasiirka Warfaafintu"
Warsame Cabdi shirwac Wasiirka warfaafinta Dawladd
Goboleedka Puntland waxaa uu tibaaxay in ay u
bogaadinayaan ka maamul ahaan in la laayo Burcadd badeeda
isagoo intaasi ku daray in dawladd Goboleedka Puntland ay
tixgalin siinayso la dagaalanka Kooxaha Burcadd Badeeda
soomaalidda oo buu yiri sumcadd xumo usoo jiiday Soomaliya.
Warsame waxa uu intaasi u daray in Aan wax madaxfurasho ah
la siin burcadd badeeda waxaana uu sheegay inay sii
xoogaysanayaan haddi buu yiri la siiyo madax furasho.
Sidoo kale wararka soo Gaaraya saxaafadda ayaa tilamaamay
in mid ka mida Kooxaha Burcadd badeeda soomalidda gaar
ahaan hogaankooda waa sida uu hadalka udhigaye uu tibaaxay
in Dawladdaha France iyo Maraykanku yihiin Cadawgooda
koowaad hadda wixii ka dambeeyana ay bartilmaamedsanayaan
Maraakibta labadaasi dal waxaana uu sheegay inay aad uga
xunyihiin in laaayo Saaxiibadood oo buu yiri Halgan ku
jiray waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxay ahayd laba maalin kahor markii kumaandooska sida
raha u booda ee Faransiisku ay soo furteen doon kuwa lagu
tamashleeyo ah hawlagaas ayaa waxaa ku dhintey mid kamid
ah lahaystayaashii, iyo laba kamid ah Burcaddii qafaalka u
haysatey, Maanta ayaa ciidamada Mariiniska Maraykanku xoog
ku soo furteen Capt. Richard Phlipps oo muddo afar
maalmood ah u qafaalnaa koox burcad badeed ah oo garaysa
4, sadex kamid ah ayey ku dileen hawlagalkaas halka ay kii
kale nolol ku qabteen lahaystihiina isaga oo bedqaba soo
qaadeen.
Si kastaba ha ahaatee Burcadd badeeda soomaalida oo u
badan xeebaha waqooyi bari soomaaliya ayaa Sumcad xumo
usoo jiiday Puntland iyagoo Caqabad ku noqday Ganacsigii
Caalamiga ahaa ee ka soconayay Xeebta badweynta Hindiya.
Cabdirashiid Maxamed Daahir