Sheikh Xasan
Daahir Aways Oo Dib ugu Noqday Dalka Ereteria.
(Asmara, Ereteriya,
April 19, 2009 Ceegaag Online)
Magaalada Casmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa dib ugu
laabtey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah
Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya, kaasi oo
dhawaanahan ku sugnaa wadanka Suudaan magaaladiisa caasimada
u ah ee Khartuum.
Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir intii uu ku sugnaa wadanka
Suudaan wuxuu kulamo la qaatey xubno wasiiro ah oo ka tirsan
dawlada KMG ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirka Cadaalada Sheekh C/raxmaan
Janaqow, iyagoo ka wadahadley arimo kala duwan oo la xiriira
dadaalada dalka Soomaalida nabad loogu soo dabaalayo.
Dib u laabashada Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku tagey
magaalada Casmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa ka soo baxaya
warar iskhilaafsan waxaana jira warar sheegaya in uu ku
yimid wadahadal dhexmarey dawladaha Suudaan iyo Eritrea,
inkastoo ay jiraan warar aan si buuxda loo hubin oo sheegaya
in Eritrea ay cadaadis ku saartey dawlada Suudaan inay dib
ugu soo celiso dalkeeda Sheekh Xasan Daahir.
Eritrea oo ka mid ah wadamada ku lugta leh xiisadaha
colaadeed ee ka aloosan dalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyaa
inay si weyn u taageerto xoogaga Islaamiyinta ee ka biyo
diidsan siyaasada Mareykanka iyo Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya, waxaana Eritrea ay si weyn ugu taageertey
Islaamiyiinta dagaalkoodii ay la galeen ciidamadii Itoobiya
xiligii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.
Eritrea oo go’doon dhanka siyaasada ah ku jirta ayaa
waxaa la aaminsan yahay inay ku gorgortamayso Sheekh Xasan
Daahir, maadaama xiligan uu ahmiyad u leeyahay dadaalada
nabada Soomaaliya iyadoo ay jirto in maraykan uu si wayn u
raadinayo sheikh hassan Daahir Aways oo uu ku jiro Liiska
Argagixisada Maraykan iyagoo Maraykanku ku Andacoodo inuu ka
so horjeedo Danaha Maraykanka ee Gobolka Geeska Africa.
Cabdirashiid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |