Xaaladda Shirka Brussels oo ay ka Qaybgalayan Ururadda
Caalamiga ah
(Brussels,
April 23, 2009 Ceegaag Online)
Maanta ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada
Caasimadda ah ee brussels shir muhiim ah oo deeqo loogu
ururinayo Somalia waxaana shirkaasi martigalinaya Midawga
yurub waxaana ka qaybgalaya ururadda Jaamacadda Carabta iyo
Midawga africa shirka waxaa soo qabanqaabisay Qaramadda
midoobay waxaana deeq lacageed oo lagu dhiso Ciidamadda
qalabka sida iyo hanaanka nabadda somalia loogu ururinaya
somalia madaxweyne Shariif shiikh axmed waxaa uu goobjoog ka
yahay shirka waxaana uu khudbad koban uu ka jeediyay shirka
ku sheegay in somalia loo baahanyahay nabadwarta oo laga
dhaliyo.
Shirka Magaalada Bruccels ayaa waxaa ku sii qulqulaya
masuuliyin ka tirsan beesha caalamka ah iyo dawlada daneeya
arimaha wadanka Soomaaliya kuwaas oo doonaya inay ka qayb
galaan shirwayne lagu lafa gurayo arimaha wadanka Soomaaliya
islamarkaana dhaqaale loogu ururinayo wax ka qabashada
xaalada wadanka Soomaaliya
Ban Ki Mun oo shir gudoominaya shirkaasi ayaa sheegay in
kulankaasi lagu soo qaadi doono waxyaabo farabadan oo ku
aadan xaalada wadanka soomaaliya iyo ladagaalanka waxa loo
yaqaan burcad badeeda Soomaalida .
Shirka ayaa waxaa dhaqaalaha lagu ururin doono oo gaaraya
260 milyan oo doolarka Mareykanka lagu taageeri doono
hay’adaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo
ciidamada AMISOM ee hawlgalka nabad ilaalinta ka wada
Soomaaliya.
Dhaqaalaha shikaasi laga ururiyo ayaa la sheegay in
dawlada KMG ah ee Soomaaliya laga saacidi doono sidii ay u
sameysan laheyd cudud ciidan oo gaaraysa 6 kun oo askari oo
ka qayb qaata xasiloonida iyo 10 kun oo ciidamo Booliis ah
oo dhinac socda ciidamadaasi.
Sidoo kale dhaqaalahaasi qayb ka mid ah ayaa waxaa la
doonayaa in lagu xoojiyo tayada ciidamada AMISOM ee ku sugan
Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 4300 iyadoo la
doonayo in ciidamadaasi laga taageeri doono dhanka
logistikada iyo iyo adeegyadooda kale ee ay u baahan yihiin
si ay ugu sameeyeen tababar iyo kor kala socod ciidamada
amaanka ee la qorsheeyey in Soomaaliya loo sameeyo.
Shirkan caalamiga ah ee dhaqaalaha loogu ururinayo
Soomaaliya ayaa waxaa ku baaqay xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay, waxaana martigaliyey Midowga Yurub, waxaana lagu
wadaa inay ka soo qayb galaan wakiilo ka socda Midowga
Afrika, Jaamacad Carabta iyo dalalka daneeya arimaha
Soomaaliya.
Shirkan xaasaasiga ah ee maanta ka furmay Magaaladda
Brussels Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay"Xaaladda
somalia
amniga iyo Dhaqaalaha ayaa lafdhabar u ah waxaana la
doonayaa in somalia nabad laga dabaalo dawladdayda hadii ay
dhaqaale hesho waxaan wax ka qabanaynaa kaabayasha amaanka
iyo Dhaqalaha".
Shirkan ayaa waxaa aan loo ogolayn Wariyayaasha iyadoo
Shaashado gaar ah loo sameeyay Wariyayaasha balse Galabta
ayaa la qabanaya Shir jaraa'id oo lagu gorfaynayo xaaladaha
Shirka Brussels.
Cabdirashid Maxamed Daahir.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |