Xaaluf
Ba'an oo Ka jira Inta badan Goboladda Puntland.
(Puntland.
April 10, 2009 Ceegaag Online)
Dawladd
Goboleedka Puntland waxaa inta badan ka jira Xaaluf iyo
Jarid lagu hayo dhirta Deegaanadda Miyiga ah ee u dhaw
Magaalooyinka Waawayn ee Dawladd goboleedka Puntland
Dhuxusha ayaa waxaa inta badan ugu badan Goboladda laga
jarro Gobolladda Karkaar iyo Sanaag waxaana jarra dhirta
Kooxo Dhalinyaro ah oo ka ugaarsadda Deegaanadda miyiga ah
dhirta Geedka Loo Yaqaan Galoolka waxaana dhuxushaas lagu
soo daabulaa Gawaaridda Xamuulka ah.
Degmadda Dhahar ayaa dhawaantan waxaa jirtay in laga
sameeyay ciidamo la dagaalama Xaalufka ama jaridda Dhirta oo
Deeganka ah iyadoo ay jirtay Heshiis ka dhacay dabayaaqaddii
2007-Magaaladda Qardho oo laysugu Keenay Odayaasha Dhaqanka
ee Goboladda Sanaag iyo Karkaar ee dawladd Goboleedka
Puntland waxaana laga tashanayay Aayaha Dhul Deegaaneedka
labadaasi Gobol ee laga jarro Dhuxusha.
Wasiirka Deegaanka iyo Ilaalinta Duurjoogta Dawladd
Goboleedka Puntland Cabdiqani Yuusuf cadde oo shir jaraa'id
dhawaantan ku qabtay Hotel Alla- Aamin ee magaaladda Qardho
ayaa sheegay inay Xukuumadda Cusub ee dawladd Goboledka
Puntland Bilaabayso barnaamij ku Aaadan la Dagaalanka
Xaalufka iyo Dadka Dhuxul Jarayaasha ah isagoo Tilmaamay in
Wasaaradiisu ay ahmiyad buuxda saarayso Ilaalinta Deegaanka
iyo Helidda Qayb Dalxiis oo puntland ka mida si Dhaqaale iyo
Dakhli uga soo xeroodo Dawladda waxaa uu intaasi ku daray in
barnaamijkan uu yahay mid Taabo galaya.
Isku soo wadda Duuboo Xaalufka ba'an ee lagu hayo Deegaanka
ayaa ah mid dhibaato ku haya Dhul Khayraadka Dabiiciga ah ee
Dawladd Goboleedka Puntland iyadoo Dhuxusha la jaro la geeyo
Goboladd Dhexe ila deegaanadda kale ee ka tirsan Dawladd
Goboledka puntland balse waxaa laga Dhur sugayaa Talaabadda
ay Xukuumadd Cusub ee dawladd Goboledka Puntland ka qaado ka
hortaga Xaalufka lagu Hayo Deegaanka.
Cabdirashiid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |