Muxuu soo kordhinkaraa
Kulanka Hillary Clinton iyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed?.
(Nairobi,
August 07, 2009 Ceegaag Online)
Somalia waxaa ka talisa dawlad ay awoodeedu aad u yartahay
marka la eego xaga dhaqaalaha iyo dhanka Militaryga Dad
badan ayaa saadaal kala duwan ka bixinayay kulanka labadda
Masuul ee hillary Cinton iyo Madaxweynaha Somalia sharif
sheikh axmed balse saadaasha kala duwan ee laga bixinayay
kulanka labadda masuul ayaa noqotay mid la arko ka hor
kulanka Miss:Clinton iyo Madaxweyne sharif ayaa waxaa
saxaafaddu aad uga hadashay kulanka labadda masuul balse
shalay ayay noqotay markii kulankoodi ugu horeeyay uu ka
dhacay magaaladda
Nairobi ee
caasimadda wadanka
Kenya.
Kulanka ay wada qaateen labadda masuul waxaa uu kala
qaybsanaa labba qaybood mid albaabadu u xirnaayen iyo mid
saxaafadda loo soo bandhigay waxaana hadalkii ugu horeeyay
ee Clinton ka jeedisay madasha ahaa "Waxaan idiin sheegayaa
in Madaxweyne Obama iyo aniga aan Doonayno inaan Balaarino
Kaalmada aan siinayno Xukuumada Federalka ee KMG ah".
Hillary clinton xoghaye arrimo dibadeedka Maraykanka oo
hadalkeeda si wadata ayaa tiri "Maraykanka iyo Beesha
Caalamka waxaa Waajib ku ah inay si fir-fir cooni badan
isaga kaashadaan Taageerida Xukuumada Federalka KMG ah"
waxayna kaloo xustay "Waxaa Xaqiiqo ah in haddii Al-Shabaab
ay ka Helaan Soomaaliya meel Aamin ah oo ay ku gabadaan ay
suuro gal ka dhigi karto inay Al-Qacido iyo Jihooyin kale ay
soo jiidanayaan kuwaas oo halis ku ah Maraykanka"." waxaan
Aaminsanahay in Argagixisadda ay Halis ku yihiin Dadka Meel
kasta oo ay joogaan".
Xoghaye arrimo dibadeedka Maraykanka Hillary clinton oo si
aada ugu dheeratay arrimaha Somalia aya sidoo kale ka
hadashay siyaasadda Dawladda Maraykanka ee Ururka Alshabaab
oo isagu ka taliya meelo badan oo koonfurta iyo Bartamaha
somalia ka mida waxayna tiri"Waxaan haynaa Macluumaad
Sheegaya in Al-Shabaab aysan adeegsan oo kaliya Dagaalyahno
Ajnabi ah iyo Maalka Ajaanibta balse waxay Adeegsadaan
Afkaar Ajnabi ah oo ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed".
Hadalkani ay tiri Hillary clinton waxaa uu u muuqda mid
dawladda Maraykanku kaga walaacsantahay Falalka ay ku
kacayaan Kooxda xagjirta ee Al-Shabaab waxaana Alshabaab
dawladda Maraykanku horay ugu dartay Liiska ARGAGIXISADDA.
Clinton oo hadalkeeda sii wadatay ayaa waxay ku dheeratay
arrimaha saamayn kara Somalia iyadoo Tusaale u soo qaadatay
Dawladda aan deriska Nahay ee Ereteria waxayna u dirtay Baaq
digniin u muuqday "Waxaa la gaaray Wakhtigii ay Eritrea
joojin lahayd Kaalmeynta Xarakadda Al-Shabaab, waa inay
Bilowdo sidii ay u noqon lahayd Daris aad u Kaalmeeya
Degenaanshaha axaan Si cad u sheegaynaa In Hab dhaqanka
Eritrea uusan ahayn Mid la Aqbali karo, waxaan Niyaysanahay
inaan Go’aan ka qaadanayo haddii aysan joojin arintaasi".
Clinton waxay aad ugu rafatay arrimaha Somalia waxayna sidoo
kale soo hadalqaaday Ciidamadda Nabadilaalinta ee midawga
Africa ee ku sugan Magaaladda Muqdisho waxayna shaaca ka
qaaday in Ciidamadasi ay Dawladda Maraykanku Taageero kasta
la garabtaagantahay marka la eego xaga Dhaqaalaha,Tababarka
iyo Qalabka iyadoo xustay inay siiyen Maraykanku AMISOM
lacag gaaraysa 150,Milyan oo dollar.
Marka laga tago gorfaynta Hadalka Miss:Clinton waxaa
Madaxweyne sharif sheikh axmed saxaafadda u sheegay in
Dawladda maraykanka ay waddo gargaar loo fidinayo Umadda
somaaliyeed waxaana madaxweynuhu Isbarbardhigay Labadda
Taageero ee Dawladiisa ay siinayso Maraykanka waxaana uu
sheegay in Taageero Military ay la diyaartahay Dawladda
Maraykanku si wax looga qabto buu yiri kooxaha Taageera
alqaacida ee Al-Shabaab oo isku dayaya inay xukunka ka
tuuraan Dawlada uu isagu hogaamiyo waxaana sidoo kale uu
dabadhigay Hadalkiisa in Maraykanku uu siinayo Somalia
Taageero bani'aadanimo oo aad u balaaran si looga gaashaanto
Duruufo Badan.
Marka laga tago hadaladda Clinton iyo Sharif waxaa sidoo
kale dad badani ka hadleen ara'dooda kaga aadan kulanka
Clinton iyo Sharif sheikh axmed marka la eego siyaasiyin
badan ayaa fikiro badan is barbardhigaya Tusaale haddi aan u
soo qaadano Pro:Cali khaliif galayr waxaa uu ahaa
Raysalwasaarihi hore ee Dawladdi Carta lagu soo dhisay
waxaana VOA wax ka waydiisay sida ay wax u tari karto
Taageeradda maraykanku balanqaadi karto waxaana uu
yiri"Waxaan aaminsanahay in Dawladani tahay dawlad somaliyed
oo aad loo taageero marka aan eegno Maraykanka iyo Ururadda
caalamiga ah waa inay Dawladu shaqada wadaa oo laba jibaarta
waana in dawladu waxqabad muuqda la timaada Taageradda
maraykankuna waa mid noqon karta waxqabad muuqda".
Dhinaca kale Pro:Axmed Ismaaciil
Samatar
oo ku xeeldheer arrimaha Somalia ayaa VOA da u sheegay "Maraykanku
inuu balanqaado Taageero waa mid meesha ku jirta Balse waa
in maraykanku tixgeliyaa Arrimo dhawr ah oo Mogadisho ka
taagan,sidan wararka ku helayno Dawladi dhexdeedi baa
ishaysata,Ciidamadi Dawladda ayaa dadka dhacaya oo bililiqo
iyo tuugo ka gaysanaya Muqdisho mana muuqato kaalin ay
dawladu ka ciyaarayso inay wax u qabato shacabka Somaliyed".
Gabagabadi Dawlada maraykanka ayaa lagu yaqaana inay ka
huleesho meeshi ay waxqabadkeeda u bogi waydo isla markaasna
quus laga istaago iyadoo Maraykanka la sheego inaanu dulqaad
iyo samir midna lahayn balse waxaan ka dhursugaynaa Halka ay
ka soo baxdo Taageeradda Maraykanku sheegay iyo Doorka
Dawladda sheikh sharif ka ciyaarto Siyaasadda Somalia ee
aadka u murugsan.
Abdirashid Maxamed
Dahir
Rashid@ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |