Soomali lagu laayay
Xabsiyadda dalka Liibiya.
(Tripoli,
August 11, 2009 Ceegaag Online)
Dalka liibiya
waxaa uu ku yaala waqooyiga africa waxaana jooga
Somali
tiro ahaan gaaraysa 3000 oo somali kuwaasi oo tahriib ahaan
u jooga wadankaasi Liibiya waxaana somalida ku nool
wadankaasi badi ku jiraan Xabsiyo Qarsoodi ah oo ku yaala
wadankaaasi liibiya hadaba waxaa isa soo taraya warar
sheegay in dad soomali ah oo tahriib ahaan ujooga wadankaasi
liibiya lagu laayay Xabsiyo ku yaala wadankaasi waxaana la
sheegaya in maalinimadi shalay ahayd la dilay 20 Somalia ah
oo isku dayay inay ka baxsadaan xabsi ku yaala Magaaladda
Banqaasi ee wadanka Liibiya.
Dadkani
soomaalida ah ayaa la laayay ka dib markii ay isku dayeen
inay ka fakadaan xabsiyo ay ku jireen Mudooyin sanado ah
waxaana markii ay baxsanayeen ka daaten Daaqadaha Xabsiga
iyagoo doonayay inay ka baxaan Nolosha ciriirka ah balse
Askar hubaysan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday waxaana bartii
ku nafwaayay dad tiradoodu gaarayso 20 oo dhalinyaro u badan
kuwaasi oo ka ambabaxay Goboladda Somalia iyadoo sidoo kale
uu dhaawac soo gaaray dad kale oo tiro ahaan dhan 50 Somali
ah.
Khadar
caraale oo ka mida dhalinyaradda soomalida ee wax ka barata
liibiya oo aan kula xiriirnay khadka Tellka ayaa ii
xaqiijiyay in Dadkani la laayay ay dhamaantod ahayen somali
Tahriib doon oo doonayay inay u haajiraan dhankaa iyo
wadamadda Yurub iyagoo doonayay inay Galaan Talyaaniga
halkaasi oo buu yiri dad badan oo soomaaliyed ku guuleysteen
inay tagaan balse buu yiri waxa muuqata in dadkii aanay ka
rajo dhigin inay u ambabaxaan dhankaa iyo Talyaaniga waxaana
uu ii sheegay inay jiraan warar ay faafiyen Sirdoonka
Liibiya oo sheegaya in la xiray isu socodka Badda a ee
Liibiya iyo Talyaaniga.
Isku
soo wadda duubo xabsiyo badan oo ku yaala Liibiya ayaa waxaa
ku jia dad badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo tiro ahaan lagu
qiyaasayo 3000 oo somali ah kuwaasi oo dalka uga cararay
Dagaaladda aan dhamaadka lahayn iyo Shaqo la'aanta waxaana
marka aad waraysatid dhalinyaradda qaarkood kuu shegayan
inay xabsi ku jiraan muddo saddex sano ah iyado aanay jirin
safaarad kuu dacwoonaysa mana aha markii ugu horaysay ee
somali ku nool Liibiya tacadiyo iyo dhibaatoyin loo gaysto.
Abdirashid Maxamed
Dahir
Rashid@ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |