Shir Lagu gorfeenayo xaalada
Soomaaliya oo ka bilowday caasimada wadanka Maraykan ee
Washington.
(Washington.
August 02, 2009 Ceegaag Online)
Warar nagasoo gaadhaya shir albaabadu u
xiran yihiin oo loo qabtay in ay ka talo bixiyaan
Sarakiishii Ciidamada Qalabka siday ee Soomaaliya ayaa
sheegaya in shirku haatan galay ama marayo meel xasaasi ah
iyada oo la magacaabay gudi afar ah oo soo diyaarinasa
ajandaha shirku ku soconayo dhawrka maal mood ee inagu soo
aadan.
Wararka aanu ka helano ilo wareedyo u
dhuun daloola shirka ayaa sheegaya in shirka laysku
dhaarsaday inaan wax sir ah dibada uga bixin balse durdaba
ay soo baxayaan in Saraakiisha shirku isku raaceen in la
taageero dawlada madaxwayne Sheekh Shariif.
Shirkan ayaa waxaa qaban qaabiyay
Haayada Qaramada midiibay u qaabilsan arimaha Soomaaliya
kadib culays uga yimid wadamada Qarbiga.
Shirkan ayaa waxaa laga casuumay oo
qudha saraakiishii aan ku sibirirahan mixnada lasoo daristay
dalka Hooyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Inkasta oo ay
ku guuldareesteen inay badbaadiyaan qaranka Soomaaliya
wakhtigii uu u baahnaa badbaadada ayaana lagaranayn sida ay
haatan oo xeedho iyo fadhaal kala dheceen waxa taladoodu ka
daaweenkarto afooyinka colaadeed eek u habsaday dalka Hooyo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |