Dadka Reer Afghanistan oo u
dareeray Codbixinta Doorashooyinka Dalkaasi.
(Kabul,
August 20, 2009 Ceegaag Online)
Todobaadyadi
ugu dambeeyay dalkaasi
Afghanistan
waxaa laga dareemayay Xamaasada Doorashadda oo ah mid dadku
codadkooda dhiibanaya ayna tagayaan goobaha codbixinta
waxaana codkooda dhiibanaya dad gaaraya 300,000 oo qof oo
shacabka reer afghanistan ah iyadoo aad loo adkeeyay Amaanka
goobaha Codbixintu ka dhacayso.
Guddiga doorashadda Afghanistan ayaa ku hawlan tirinta
Codadka iyadoo afhayeen u hadlay Guddiga Doorashada
Afghanistan shegay inay Degantahay Goobaha codbixinta ka
dhacayso iyadoo maanta laga bilaabo wadankaasi Afghanistan
yeelanayo Madaxweyne cusub oo hogaamiya shanta sano ee so
socda.
Doorashadda dalka Afghanistan waxaa ku tartamaya
Madaxweynihi hore ee Afghanistan Hamid Karzai,Abdulahi
abdulahi oo ahaan jiray Wasiirki arrimaha Dibadda wakhtigii
Jabhadi islaamiga ahayd ee
Taliban dalkaasi ka
talinaysay,Ashraf Ghani oo ahaa wasiirki maaliyadda ee
wadankaasi ahna 59 sano jir ku takhsusay dhaqaalaha isagoo
ka tirsanaa World Bank,Ramazan Bashardost oo isna ahaan
jiray Wasiirki qorshaynta ee dalkaasi afghanistan waana 43
sano jir ka soo jeeda Qabiilka
Hazara oo dega
dalka Afghanistan,Mullah salam Rocketi taliyihi hore ee
ciidamadda Afghanisan iyo Gabadha lagu magacaabo Frozen Fana
oo waana dhakhtarad qaliiinka ah.
Doorashadda oo ay ku tartamayaan dhamaan musharixiintaasi
ayaan wali la shaacin Natiijadda Codbixiyayaasha waxaana
dadka doorashada uga qaybgalayaan Qeyb qayb maadama
xaaladaha amaan ee Dalkaasi la isku halayn karin iyadoo la
eegayo halka natiijadu ku dambeeyso.
Isku
so wadda duubo dalka Afghanistan ayaa ku jira Dagaalo
sokeeye oo aan dhamaanayn waxaana ka socda Dagaalo aad u
kharaar oo u dhexeeya Xoogaga
Nato iyo America oo
iyagu dalkaasi faragelin milatary ku sameeyay sanadkii 2001
iyo Jabhadda Islaamiga ah ee TALIBAN iyadoo ay ka dheceen
labadi maalmood ee ugu danbeeyay Magaaladda Caasimadda ah ee
Kabul
Qaraxyo Banbaano kuwaasi oo a ku dhinteen Dad gaaraya 40 qof.
Hamid Karzai(Madaxweynaha
Afghanistan).
Hamid karzai
waa madaxweynaha Taladda Afghanistan haya waxaana uu xukunka
hayaa ilaa iyo intii ciidamadda Maraykanku awooda ka tuureen
xoogagi Taliban sanadkii 2001 waxaana uu ka soo jeda Dadka
isirkoodu yaha
Pashtun kuwaasi oo
40% ka ah shacabka ku nool Afghanistan Ololihis Madaxweynimo
ee dhulalka miyiga ayaa uu ku helay taageero marka la eego
Dadka uu ka soo jeedo oo mug weyn ku leh Dalkaasi
Afghanistan isagoo madaxweyne ku xigeen u doortay Mohamed
Qasim Fahim oo ahaa taliyihi hore ee xulufadda Waqooyi.
Karzai waxaa uu taageeray Dagaalki maraykanku ku qaaday
Afghanistan sanadkii 2001 kaasi oo awooda lagaga tuuray
xukunkoodi salka balaarna waxaana December 2001 loo
magacaabay Hogaamiyaha Gudaha.
Bishii june 2002 Loya Jirg oo ahaa Gola dhaqameedyadda
dalkaasi ayaa u doortay Madaxweynaha Dalka balse dad badan
oo awood ku leh dalkaasi Afghanistan ayaa u arkay xaamid
inuu dabadhilif u yahay Reer galbeedka kuwaasi oo ay Taliban
ku jirto.
Karzai waa wiilkii caaqilkii Popalzai pashtuns waxaana
aabihi iyo awoowihis ka mid ahaayen Dawladi
Mohamed
zahir shah oo ahaa boqor awood leh ilaa iyo
1973.ka dib faragelintii midawga soofiyeeti ku sameeyay
Afghanistan Karzai iyo qoyskiisa way isaga tageen
Afghanistan iyagoo tagay India waxaana Hamid Karzai galay
jaamacadda Himachal Pradesh university oo ku taala India
waxaana uu qaatay (MD) sanadkii 1982 isagoo ku takhasusay
(political Science).
Intii lagu guda jiray Dagaalkii looga soo horjeday Sovietka
wuxuu la shaqaynayay
Mujahideen oo ahaa
koox islaami ah oo doonayay inay Afghanistan ka saran
Nidaamka Shuuciga ah iyadoo markii ay dhacday dawladi
shuuciga ahayd ee uu hogaaminayay Mohamed Najibullah april
1992 ay kooxdi Mujahideen asaasen dawlad Isbahaysi ah
waxaana Karzai loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Arrimaha
Dibadda.
Isku soo wadda duubo Madaxweyne Hamid Hamid Karzai waxaa uu
wakhtigu ka dhacay May 2009 balse sababo amaan awgood ayaa
doorashadda dib loogu dhigay 20 August iyadoo dadka dhalila
Madaxweyne xaamid karzai ku eedeyan in Dawladiisa
Musuqmaasuq hareeyay.
Waxaa diyaariyay:-
Abdirshid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |