Dagaal ka dhacay Gobolka
JigJiga ee Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.
(Jig-Jiga,
August 29, 2009 Ceegaag Online)
Dagaal aad
u kharaar ayaa ka dhacay Maalinimadi shalay ahayd Gobolka
Jigjiga ee Deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya waxaana
Dagaalkani ka dhacay Goob lagu magacaabo Bula-Dari oo ka
tirsan Jigjiga sida ay wararku sheegayaan Dagaalkani ka
dhacay Gobolka Jigjiga ee Ismaamulka Somalida ee Itoobiya
ayaa yimi markii Ciidamada ONLF weerararo isdaba joog ah ku
qaadeen Tuuladda Bula-dari halkaasi oo uu ka dhashay
Khasaare aad u baaxadweyn.
Saraakiil
ka tirsan Jabhadda xoraynta Ogadenya ayaa sheegay in ay
Dagaalka khasaare ugu gaysteen Ciidamadda Itoobiya iyo qaar
ka mida Somalida taageerta ee Deegaanka waxaana ay hoosta ka
xariiqeen inay weerarkani ku doonayen inay ku xoreyaan Dadka
degan Deegaano ka tirsan Gobolka Jigjiga halkaasi oo ay
sheegen in waxyaaleeyin kala duwan ay ciidamadda Itoobiya
ugu gaysteen dad shacab ah oo deegaanka ka soo jeeda.
Sidoo kale
Dagaalo kuwani la xiriirsan ayaa ka dhacay Tuuladda
Kudunbuur ee Gobolka jarar halkaasi oo la sheegay in lagu
arkay Maydka Askar itoobiyan ah iyo somali taageerta oo
dadka deegaanka ah iyadoo dagaal kaasi raacsisan maalintii
doraad ahayd ka dhacay deegaanadda,ceelmaxidha oo ka tirsan
Degmadda dannood ee Gobolka Doollo,Duudciid oo ka tirsan
Gobolka qoraxay iyo Tuuladda Cabaadley oo dhaamantood ka
tirsan Dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.
Isku soo
wadda duubo Dagaaldani ka dhacay Deegaanka Ismaamulka
Somalida ee Itoobiya ayaa qayb ka ah Dagaalo isdaba joog ah
oo bilihi ugu dambeeyay ka dhacayay Deeganadaasi ku xeeran
Itoobiya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |