Dagaalo ka socda Bartamaha
iyo Koonfurta Soomaaliya (Warbixin).
(K.Soomaaliya,
August 20, 2009 Ceegaag Online)
Maalmihi
ugu dambeeyay xiisado iyo Dhiilooyin colaaded ayaa ka
taagnaa Qeybo ka mida Goboladda dhexe ee somalia iyo
Koonfurta Dagaaladi ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Gobolka
Gedo ee K/Galbeed Somalia waxaana dagaaladasi u dhexeeyen
xoogaga islaamiyiinta Mucaaradka iyo Maleeshiyaad Taabacsan
Dawladda KMG ah ee Somalia Dagaalkani ayaa Dawladda Somalia
waxay ku qabsatay Labba degmo oo hoos yimaada Gobolka
Gedo,Beledxaawo iyo luuq balse Dagaalka oo u muuqday Iska
dabanoqnoqod ayaa waxaa hadana Dib ula wareegay xoogaga
Alshabaab iyo Hizbul islaam kuwaasi oo ku midaysan Dagaalka
looga soo horjeedo Dawladda Sharif sheikh axmed.
Dagaalka
Gobolka Gedo ayaa waxaa hogaaminayay Maleeshiyadda Urur
diimeedka Ahlu sunah waljameeca oo taabacsanaa Dhanka
Dawladda KMG ah ee Somalia iyagoo markii hore Dagaal aan
dhiig ku daadan kula wareegay Degmadda Beledxaawo ayaa waxaa
ay hadana weeraren Degmadda luuq oo ku taala xuduuda waxaana
ay ka saaren Alshabaab balse Kooxaha Mucaaradka oo abaabulan
ayaa shalay Gabaldhici dagaal kharaar kula wareegay
Deegaanadi horay looga saaray gaar ahaan Beledxaawo , wariye
Madaxbanaan oo jooga Degmadda Baardheere Maslax maxamed ayaa
u sheegay Shabakadda Ceegaag in khasaaraha ka dhashay
Dagaalki shalay gaarayo 10 dhimasho ah iyo Dhaawac gaaraya
20 kuwaasi oo buu yiri ay ku jireen Dad rayid ah oo
deegaanka ah.
Maslax
waxaa uu sheegay in Magaaladda Beledxaawo xaaladeda
Nabadgelyo Iminka Degantahay iyadoo koox diimeedka Alshabaab
dadka deegaanka ugu baaqeen inay hawlohooda caadiga ah
wataan sidoo kale Degmadda luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo oo
ay horay ula wareegen Ciidamada Dawladu ayay saaka waaberigi
baneeyen waxaana Magaaladi soo galay Ciidamo ka tirsan
Xisbulislaam.
Marka
laga soo tago Dagaaladi ka dhacay Gobolka gedo waxaa maanta
dagaalo kale oo aad u kharaar ka bilaabmen Gobolada Dhexe ee
somalia waxaana Dagaal waaberigi saaka ka qarxay Degmadda
Buuloburde ee Goboka hiiran kaasi oo soconayay ilaa iyo 1:00
waxaana dagaaladasi u dhexeyen Xoogaga mucaaradka iyo
Ciidamadda Dawladda Somalia.
Dagaalka
Buuloberde ayaa waxaa la sheegaya inay ku itaal roonaaden
Ciidamadda xoogaga mucaaradka(Alshabaab iyo Xizbul Islaam)
iyadoo ilo xog ogaal ah oo aan la xiriirnay noo sheegayaan
in Ciidamadi Dawladda ee Dagaalka ku soo qaaday Buuloberde
dib ubu laabteen Tuuladda Halgan oo ku taala Duleedka
Koonfureed ee Magaaladda Beledweyne waxaana Dagaalki
buuloberde keenay khasaare aad u baaxadweyn iyadoo
Ciidamadda Dawlada la sheegay inay madaafiic ku gaaracen
Gudaha Magaaladda oo ay masaajid ku dhacday Madaafiicda
Habawga ah.
Sidoo
kale Dagaal la xiriirsan kaasi ayaa ka qarxay Afaafka hore
ee magaaladda Beledweyne Saaka barqanimadi waxaana
Dagaalkani la sheegaya in Gudaha magaaladda la isla soo
galay iyadoo xoogaga Alshabaaab haystan Qayb ka mida
magaaladda gaar ahaan xaafadda Hawlwadaag ee Magaaladda
beledweyne Dagaalka beledweyne faahfaahin dhab ah oo ka soo
baxaysa ma jirto balse warar kale aya sheegaya in Ciidamadda
Itoobiya soo gaaren meel u dhaw Airoportga Magaaladda
Beledweyne.
webmaster@ceegaag.com |