Dagaaladda iyo Soonka
Ramadaanka (Warbixin)
(Somalia,
August 21, 2009 Ceegaag Online)
Somalia
waa dal muslim ah oo ku yaalla Gobolka Geeska Africa waxaana
ku nool dad Islaam ah balse marka la eego Xaga diinta
somalia waxay ka koobantahay Madhabo kala duwan oo wada suni
ah
sida,Shaaficiyah,Salafiyah,Akhwaanul-Muslimiin,Axmediya,Saalixiya
iyo Rufaaciyah kuwaasi oo dhamaantod wada suni ah Umadda
somaliduna hadba Qolo ugu kala qaybsanto walaw diinta
Islaamka mid tahay Soonka iyo diinta Islaamka ayaa ah kuwo
Barakaysan waxaana Marka aad eegto Somalida somalida ay
noqotaa Marar badan mid khilaafaad diimeed ka dhasho iyadoo
Madhabaha suniga ah ee Somalidu kala ra'yi noqdaan taasina
waxay kaliftaa in dadku kala soomo,kalana Tukado Wakhtiga
ciida.
Puntland
iyo
Somaliland waa labba Mandiqadod oo nabadaysan
waxaana aan wali saameyn ku yeelan Dagaaladda ka socda
Koonfurta Somalia oo iyagu isuba bedelay Dagaal diimeedyo
waxaana Dagaaladda Koonfurta Somalia lagu
aqoonjiray(Qabyaalad iyo Qabaa'il qabqablayaal ku faana)
balse sanadihi dambe ayaa waxaa soo ifbaxayay kooxo
diimeedyadda Magacyadda kala duwan leh kuwaasi oo dagaaladda
dhinacooda kaga safah sida,(Maxaakim Islaami ah,Ahlusunah
waljameeca,Alshabaab,Hisbulislaam) waxaana Dhamaanba
ururadaasi diinta u dagalaamaya hurinayaan Dagaal ay dad
muslim ah ku dhinayaan iyadoo aan mawduucaygu ahayn taasi
ayaa hadana warbixintani aan ugu magacdarnay Soomka
ramadaanka iyo Somalia muujinaysaa Farqiga diinta somalia
maanta ka jira oo dagaal u xuubsiibtay.
Muranka
Culimadda ayaa u badan xaga soonka waxaana culimo badani ku
murantaa Dhalashadda Bisha ramadaan iyadoo Qaarkood
daliishanayaan in Nabiga NNKH uu yiri"Aragti ku soon
aragtina ku afur" taasi oo culimo badani shabad ka dhigteen
ayaa hadana culimo kale waxay raacaan sida looga soomo
dunida Islaamka sida Sucuudiga.
Warbixin Diimeed Ramadaanka ku saabsan:-
Ereyga
Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal
ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (sw)
uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs): " Waxaad tiraahdaa
waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka
soomo oo cidina lama hadlayo maanta". Suuradda Maryama
aayadda 26. Haddii aan ka eegno macnaha xaqiiqada ay
xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii
soonka afuriya/buriya ee ficil iyo oraahba ah.
Qaybaha
Soonka:
Soonku
wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib)
ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii
qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:
Soonka bisha
Ramadaan
Soonka
kafaaro-gudka
Soonka
sharadka (nadarka).
Xikmadda Soonka:
Lama soo
koobi ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana
ka mid ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay
dareemaan gaajada iyo darxumada, si ay u xasuustaan
khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu naxariisto fuqurada.
Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah dadka simo
oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan
saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman
yihiin. Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl
iyo is kaashi, sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof
kastoo ka mid ah muslimiinta, isagoo markaana buuxinaya
shuruudda Soonka.
Xukunka
Soonka:
Soonku waa
waajib sida laga fahmi karo kitaabka qur’aank ah iyo Sunnada
Nebiga (scw). Ilaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri: "Dadkii Alle
rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay inaad soontaan sidii
dadkii idinka horeeyay loogu waajib yeelayba, waxaadna mudan
tihiin inaad dhowrsataan" (Suradda Al-baqara 183). Wuxuu
kaloo Alle yiri: "Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyay
qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah iyo caddeyn oo hanuun
iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ah ee ruuxii jooga bisha
soon ha soomo, ruuxiise buka ama musaafir ah waxaa dushiisa
saaran maalmo kale soonkood, Ilaah wuxuu idinla doonayaa
fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad
dhammeystirtaan tirada, waynaysaana Ilaah wuxuu idinka
hanuuniyay, waxaadna mudantihiin inaad Ilaah ku shukrisaan"
(Suradda Al-baqara 185).
Dhinaca
Sunnada Nebiga (scw), waxaa jira axaadiis fara badan oo
dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka mid
ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri, waxaa Rasuulka (scw)
weydiiyay nin, isagoo ku yiri: "Rasuulkii Alloow waxaad ii
sheegtaa soonka uu Alle igu waajib yeelay?." Rasuulka (scw)
ayaa wuxuu ku yiri: "waa bisha Ramadaanka". Wuxuu misna yiri:
"ma soon aan bisha Ramadaanka ahayn oo la igu leeyahay ayaa
jira?". Wuxuu yiri: "Maya, aan ka ahayn kaad sunno ahaan u
soonto". Haddaba, halkan waxaan ka fahamnay in soonku yahay
waajib aan dood ka taagnayn waajibnimadiisa, dhinaca kalena
waxay culumada Islaamka isku waafaqsanyihiin in qofkii si
ula-kac-ahaan u diida waajibnimada soonka uu gaaloobayo.
Soonku waxaa la waajibiyay maalin isniin ah, ayna tahay
labada bisha Shacbaan sannadkii 2aad ee hijriga.
Shuruudda Soonka:
Soonku,
wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu
burayo soonku, waxaana ka mid ah:-
"Islaamnimo"
Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay.
"Miyir qab"
Qofka waalan waajib kuma aha soonka.
"Qaangaar"
Ilmo caruur ah lagama doonayo soon ( hase ahaatee way fiican
tahay haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar
yihiin).
"Awoodid"
Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u
lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba.
Dadkaasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex
qaybood oo kala ah sida:
Kuwo loo
banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay
quudiyaan miskiin.
Qaar sidoo
kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka
qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna.
Iyo ugu
danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna
ay soonka gudaan.
Qaybta
hore waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan,
kuwaasi waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay
inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa inay quudiyaan
miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah. "Kuwii
Soonku dhibiyay waxay bixin quudin miskiin" Suuradda Al-baqara
184. Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka
xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo
ku jira hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa
haddii ay ula baqdo nafteeda iyo tan cunuga inay
quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto.
Qaybta
labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana
markii ay awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan,
waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo,
qofka safarka ku jiro ee aan deganayn. Illaah kor ahaayee
wuxuu yiri " Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar
ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood"
Suuradda Al-baqara. Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku
tahay inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa:-
Haweeney inta ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada,
waa Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in
ay soonto marka ay daahirto.
Tiirarka Soonka:
Soonku
wuxuu leeyahay labo tiirar oo asaas u ah Soonka, kuwaasoo
loo baahan yahay inuu qofka soomani la yimaado, waxayna kala
yihiin:- 1) Af-xirasho laga af-xirto cabidda iyo cuntada
laga bilaabo goorta ay qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo.
"Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan
madoow" (Suuradda Al-baqara aayadda 184).Tiirka labaad waa
niyadda, camal kastana waxaa shardi u ah niyad (ikhlaas) oo
lama aqbalayo camalka hadduusan niyad wadan. Aayada ku jira
Suuradda Al-bayyina iyo Suuradda Al-xaj ayaa qeexaya
arrinkan. Sidoo kale, wuxuu Rasuulka (scw) xaddiis ku yiri "
Camal kasta waxaa saldhig u ah niyad, qof kastaana wuxuu
leeyahay wixii uu niyooday".
Qofka
soomani waxaa laga doonaya inuu niyeysto soonka, ka hor inta
ayan qoraxda soo bixin maalin kasta. Waxaa kaloo la
yiraahdaa, waxaa qofka ku filan niyadda uu niyeysanayo
maalinta ugu horeysa ee uu niyoonayo soomidda bisha soon oo
dhan. Xafsa hooyada Mu’miniinta waxay Rasuulka (scw) ka
werisay inuu Rasuulka (scw) yiri "Qofkaan kulmin niyadda (niyadda
iyo go’aanka ah in la soomo) ka hor fajarka uma sugaanin oo
ma laha soon".
Waxyaallaha buriya soonka:
Waxaa loo
qaybiyaa waxyaabaha soonka buriya ilaa labo qaybood: Qaybta
koowaad oo ah in si ula kac ah loo cuno cunto ama loo cabo
cabitaan; sidoo kale is matajin ula kac ah, caadada ama
dhiiga dhalmada, ruuxa sooman oo niyeysta inuu afuro. Waxaa
kaloo ka mid ah waxyaabaha buriya soonka qofka oo gacantiisa
isaga keena biyaha shahwada (siigada).
Qaybta
labaad ee buriya soonka, isla markaana waajibiya in la
qalleeyo soonka, sidoo kalena waajibiya in lala yimaado
kafaaro gud ayaa waxaa ka mid ah galmada labada is qabta ee
maalinta Ramadaanka. Kafaaro gudka halkan aan ku xusnay
waxaa si tartiib leh u sheegtay aayad qur’aan ah sida qofka
u galmooday xaaskiisa maalin soon ah, waa inuu xoreeyaa
addoon (addoonsi wax la yiraahdo maanta ma jiraan, allahu
aclam)), haddii uu awoodi waayo waa inuu soomo labo billood
oo isku xiga, hadduu awoodi karin waa inuu quudiyaa lixdan
masaakiin. Qofkii xaaskiisa u gaalmooda labo jeer maalin
ramadaan ah qofkaasi waxaa laga doonayaa hal jeer
kafaaro-gudkeed, gabadhiina laguma leh kafaaro-gud (waa sida
uu qabo Imaam Al-Shaafici). Qofka uma bannaana inuu u
galmoodo xaaskiisa maalmaha Ramadaanka, hase ahaatee way u
bannaan tahay galmada habeenka.
Sunnooyinka Soonka:
Soonku
wuxuu leeyahay sunnooyin fara badan oo ay habboon tahay in
lala yimaado. Waxaa ka mid ah sunnada Soonka in la de-dejiyo
afurka, isla markaana la dib dhigo Suxuurta. Rasuulka (scw)
wuxuu yiri "Dadka kheyr kama suulaan inta ay dedejinayaan
afurka, ayna dib u dhigayaan Suxuurta". Waxaa kaloo ka mid
ah sunnooyinka Soonka in marka la afurayo lagu billaabo
xabbado timir ah, Rasuulkuna (scw) sidaa ayuu sameyn jiray.
Waxaa
kaloo ka mid ah Sunnooyinka Soonka, in la duceysto kolka la
afurayo, waana wakhtiyada ay u badan tahay in la aqbalo
ducada. In la sameeyo cibaado badan sida Salaadaha sunnada,
bixinta sadaqada iwm. Bisha Soon wuxuu Illaahay dhexdeeda
yeelay denbi dhaaf uu u denbi dhaafo addoomadiisa u
hogaansama isaga, xoreynta Naarta iyo Naxariis uu naxariisto.
Waxaa ku jira habeennada Ramadaanka, habeen ka kheyr badan
1000 billood, waana habeenka Leylatul-qadri.
Sunnooyinka Soonka waxaa ka mid ah in habeenka Ramadaanka la
badiyo ducooyinka iyo akhriska qur’aanka. Waxaa kaloo ka mid
ah in masaajidyada lagu ictikaafo (negaado) maalmaha
Ramadaanka, gaar ahaan tobanka ugu danbeeya bisha Ramadaan.
Culumadu waxay sheegaan in habeenka laytalu-qadriga ku jiro
tobanka ugu danbeeya Ramadaanka.
W/D/:Abdirashid
Mohamed Dahir iyo Sheikh Ibrahim Salah
Xafiiska Ceegaag Online-Somalia
webmaster@ceegaag.com |