Wasiiro Ka tirsan DFKMG ah ee
Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyadda ee
Magaaladda Muqdisho (Sawiro).
(Muqdisho,
August 20, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo
dhawaantan la isku shaandheyay Xubno ka tirsan Golaha
wasiiradda DFKMG ah ee Somalia lana magacaabay Xubno cusub
oo aan horay uga tirsanayn Golaha wasiiradda DFKMG ah ee
Somalia ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Madatooyada
VILLA SOMALIA qaar ka tirsan Golaha wasiiradda oo isugu jira
Wasiiro wasaaraded iyo Wasiiru dawlayaal.
Dhaartani la dhaarinayay xubnaha Golaha wasiiradda ee Somali
ayaa waxaa munaasabad loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada
waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia Sharif Sheikh
axmed iyadoo ay soo xaadiren wasiirada cusub ee Dawlada lagu
soo daray oo kala ah,Wasiirka Amniga Qaranka, C/llaahi
Maxamed Cali oo isagu bedelay wasiirkii hore ee geeriyooday,
wasiirka Gaashaandhigga Cabdalla Boos Axmed, oo isagu
bedelay wasiirkii Gaashaandhigga Prof. Gaandi, wasiirka
Beeraha Cabdi-casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo isagu
bedelay Wasiirkii hore ee beeraha Shaatiguduud, wasiirka
cusub ee wasaaradda Lacagta Eng. Cabdi-raxmaan Omar Osman (Yarisow).
Sidoo
kale munaasabadda Dhaarta ayaa waxaa ka soo qaybgalay
wasiiru dawlayaasha lagu soo daray Xukuumadda Ra'iisulwasare
Cumar Cabdirashid oo kala ah,Xasan Macalin oo ah wasiiru
dowlaha Madaxtoyada, Khaalid Cali Cumar oo ah wasiiru
dowlaha Xafiiska R/wasaaraha, C/rashiid Xidig oo ah wasiiru
dowlaha Wasaaradda gudaha, C/llaahi Yuusuf Cigaal, wasiiru
dowlaha Dastuurka iyo federaalka, C/llaahi Sh. Cali Qaloocow
wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga
caalamiga iyo wasiiru dowlaha Gaashandhigga Shekh Yuusuf M.
Siyaad Indhacadde.
webmaster@ceegaag.com |