Dawladda Canada oo shaacisay
inay Ciidmadda ka jooga wadanka Afghanistan kala baxayso.
(Ottawa,
August 08, 2009 Ceegaag Online)
Dawladda
wadanka Canada oo ka mida dawladaha ay ciidamadu ka joogaan
Wadanka Dagaaladu aafeeyen ee Afghanistan ayaa shaacisay in
ciidamadeda ay kala baxayso wadankaasi Afghanistan sanadka
2011 Hadalkani ayaa waxaa sheegay Wasiirka arrimaha Dibadda
ee Dawlada Canada Lawrence Kanon iyadoo uu hadalkani u
muuqday hadal uu kaga jawaabayay hadal dhawaantan ka soo
yeeray Xoghayaha cusub ee
Nato kaasi oo uu ku
sheegay inay NATO ka xuntahay in ciidamadda canadda ka
baxaan Afghanistan.
Wasiirka
hadalkiisa ayaa ahaa mid uu dib u soo cusbonaysiiyay ka dib
markii uu horay u sheegay inay Ciidamadooda kala baxayaan
Afghanistan NATO ayaa Codsanaysa inaan laga bixin
Afqanistaan oo aan loo Cidleynin Xoogaga Xarakadda Daalibaan
iyo Al-Qacido oo ay hadda kula jiraan Dagaalkii ugu Adkaa in
mudo ah.
Wakaalada
Wararka ee Suuriya "SANA" ayaa ka soo xigatay Wasiirka
amuuraha Dibadda ee Canada wuxuuna yiri "Xukuumadayadu waxay
Ixtiraamaysaa Go’aankii ay u Codeeyeen Golaha Baaralamaanka
Canada sanadkii 2008 oo sheegayay in Ciidamada Canada laga
soo bixiyo Afqanistaan 2011″.
Xoghayaha
Cusub ee Gaashaanbuurta NATO Anders Fogh Rasemson oo Shalay
ka hadlay Talefishinka Canada isaga oo ku gudo jiray Socdaal
uu ku tagay Tuulo u dhaw Qandahaar oo ay joogaan Ciidamo
Canadiyaan ah ayaa yiri "Dhabtii ma doonayo inaan Fara
gashado Siyaasada Gudaha ee Dowlada laakiin Aragtida
Gaashaanbuurta NATO waxa weeye inay Aad uga xuntahay sida
Xaalku yahay, Arinkuna waxa weeye Go’aan kama danbeys ah oo
ay Canada Qaadatay".
Isku
soo wadda duubo dawladda wadanka Canada ayaa waxaa ay qayb
ka ahayd faragelin caalami ah oo wadamadda reer Galbeedku ku
sameyen Afghanistan sanadkii 2001 Canada waxaa Afqanistaan
ka jooga 2800 (laba Kun iyo Shan Boqol) oo Askari oo ka mid
ah NATO, waxaana laga dilay laga soo bilaabo sanadkii 2002
Askar gaaraysa 127.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |