Dhaqdhaqaaqa Suuqyadda xiliga
lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.
(Bosaaso,
August 27, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo
lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa si aada
xawli ugu socda dhaqdhaqaaqa Ganacsiga suuqyadda waaweyn ee
Somalia mar aan tegay suuqa weyn ee Magaaladda Bosaso ayaan
ku arkay dad aad u farabadan oo adeeganaya alaabadda lagu
soomo iyo kuwa lagu suxuurto marka la eego bisha ramadaan
habka Adeegsida qoysaska Somalidu waa ka duwanyahay Bilaha
kale.
Dadka usoo
adeeg tagaya Suuqa ayaa iibsanaya Badeecadaha isugu
jira,Sonkorta,burka,Saliida,Timirta iyo Boorashka iyadoo
sidoo kale la adeganayo khudaarta noocyadeeda kala duwan ee
tuban suuqyadda waaweyn ee Puntland sitey Site macalin cali
waxay ka mid tahay Ganacsatadda Khudaarta iyo alaabadda
soonka waxayna iiga waramaysaa Isbedelka suuqa xiliga lagu
jiro Bisha barakaysan ee Ramadan"Runtii waa ka duwanyahay
suuqu sidii hore alaabo gooni ah ayay dadku iibsadaan
waxaana dhihi karnaa xooga macashki baa kor u kacay hadda
inta bisha barakaysan ee Ramadanka lagu jiro balse suuqa
ganacsigiisu xawli buu ku socdaa".
Sidoo kale
suuqyadda lagu iibiyo dharka ee Magaaladda Bosaso ayaa laga
dareemaya dhaqdhaqaaq ganacsi maadama dadka ay usoo
beectagaan suuqyada Dharka si ay usii gataan dharka ay
ubadkoodu ku ciid lahaayen Marka la gaaro Ciida bisha
Ramadaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |