C/nuur Geesay oo maanta lagu
xiray Magaaladda Gaalkacyo.
(Gaalkacyo,
August 25, 2009 Ceegaag Online)
C/nuur
maxamuud diiriye (Geesey) waa Gudoomiyihi hore ee Gobolka
Mudug waxaana xilka ka qaaday Madaxweyne Faroole markii lagu
eedeyay inuu qayb ka ahaa dilkii loo gaystay Wasiirki
Warfaafinta
Puntland Alla ha u naxariiste Warsame Cabdi
shirwac balse xalay ayaa lagala soo baxay gurigiisa oo ku
yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo iyadoo maanta Ciidamadda
Amaanka Puntland keneen Xabsiga weyn ee Magaaladda Gaalkacyo.
Warka ku
aadan xiritaanka Gudoomiyihi Hore ee Gobolka Mudug ee
Maamulka Puntland ayaa loo aaneynayaa inuu yimid ka dib
markii wiil uu dhalay uu nin ku dilay Gudaha Magaaladda
Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug halkaasi oo horay
shaqaaqooyin uga aloosnaayen iyadoo sidoo kale ay jirto
tuhun ku aadanaa inuu qayb ka ahaa falki lagu dilay wasiir
ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo si
aan wax uga ogaano qaabki loo xiray G/hore ee Mudug C/nuur
geesey ayaan la xiriirnay Ilo xog ogaal ah oo ku sugan
Magaaladda Gaalkacyo iyagoo noo sheegay in xalay saqdii
dhexe xoog lagu galay Gurigiisa oo ku yaala Gaalkacyo
halkaasi oo tageen ciidamadda Amaanka Puntland oo amar u
qabay inay soo qabtaan C/nuur Geesey lamase oga talabadda
xigi doonta xariga C/nuur geesey.
Warar kale oo
aan ka helayno Laamaha sirdoonka ee Puntland aya sheegaya in
C/nuur geesey su'aalo lagu waydiinayo Saldhiga Gaalkacyo
iyadoo loo saarey Guddi khubaro ah oo natiijo ka keena
arrimaha lagu haysto C/nuur geesey G/hore ee Gobolka Mudug
iyadoo Ciidamadda Amaanka ee Puntland wali ku hawlanyihin
soo qabashadda wiilkiisa oo xalay dil gaystay.
Isku so wadda
duubo arrimahan ka socda Magaaladda Gaalkacyo ee Puntland
ayaa ku soo aadaya xili Magaaladda gaalkacyo ay ku
suganyihin Masuuliyiinta Puntland sida Madaxweyne Faroole
iyo M/kuxigeenka Puntland Mudane C/samad Cali Shire, Guddiga
amniga qaranka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Amniga iyo
Masuuliyiin kale ayna Magaaladu ku jirto Xaalad Bandow ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |