Heshiis laga gaaray
Rabshadihii ka dhacay Dalka Madagascar.
(Antananarivo,
August 11, 2009 Ceegaag Online)
Ka dib shan
berri oo wadaxaajood iyo u kala dabqaadid wadanka ku yaala
Koonfurta Africa ee Madagascar's ayaa waxaa dhinacyada isku
hayay siyaasadda dalkaasi gaareen heshiiskii kama dambaysta
ahaa heshiiskani ay gaareen afarta xisbi ee siyasadda ugu
waaweyn wadanka Madagascar's ayaa dhabaha u xaaraya
isqabqabsi siyaasadeed oo wadankaasi hareeyay bilihi ugu
dambeeyay ka dib inqilaabki Madaxweynihi hore ee wadankaasi
Marc Ravalomanana
Heshiiska
lagu dhexdhexaadinayo Dhinacyadda siyaasadda isku hayay
wadankaasi madagascar ayaa waxaa hormuud ka ahaa
madaxweynihi hore wee wadankaasi Mozambique Joaquim Chissano
iyo Dhexdhexaadiyayaal kale oo caalami ah iyadoo la isku
raacay in la sameeyo dawlad Kumeel gaar ah tartarka
doorashadda Madaxtinimadda sanadka 2010 iyadoo loo
tixraacayo heshiiski ay gaareenafarta nin ee ka dhacay
Magaaladda Maputo ,Marc Ravalomanana,Andry Rajoelina,Didier
Ratsiraka iyo Albert Zafy waxaana afarta siyaasi ee reer
madagaskar khilaafkoodu soo ifbaxay Afgambigi Bishi march
lagu riday Marc Ravalomanana iyadoo uu awooda la wareegay
Andry Rajoelina
Wixii
wakhtigasi ka dambeeyay Ravalomanana ayaa Masaafurin ahana u
joogay Dalka South Africa iyadoo heshiiska ay wadeen
Dhexdhexadiyayaal caalami ah oo ka socday QM iyo
Madaxweynihi hore ee Wadankaasi Mozambique waxaana
heshiiskani ahaa mid jilbaha dhulka la isu dhigay intii uu
socday dooda ayaa waxay u muuqatay mid dhexdhexaanideen
iyadoo wadaxaajoodku ahaa,Dhexdhexaadin iyo ukala dabqaadid.
Tiebile Drame
oo ah dhexdhexaadiye ka socda QM ayaa u sheegay
saxaafadda"Heshiiska laga gaaray Madagascar waxaa uu ku
dhisanyahay Dawlad Kumel gaar ah iyadoo laga gaarayo
dhismaha dawladda in aan ka badnayn 15 bilood tani waxay u
hogaaminaysa Wadanka Madagascar dib u asaasid dimuqradiyad
Degan oo hirgasha".
Isku so wadda duubo dhexdhexaadiyayaasha Xalka ka soo saaray
dhibaatadi haraysay Madagaskar ayaa isugu jira African
Union, United Nations, the International Organisation of the
Francophonie (French-speaking countries) iyo ururka ka
dhisan Koonfurta africa ee Southern African Development
Community (Sadc).
Abdirashid Maxamed
Dahir
Rashid@ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |