Xisbiyadda Mucaaridka
Somaliland oo warsaxafadeed ka soo saaray Qabsoomida
Doorashadda Somaliland.
(Hargeysa,
August 15, 2009 Ceegaag Online)
Warsaxafadeedkani ay soo saareen Xisbiyadda Mucaaridka
Somaliland ayaa waxaa ku saxiixnaa Labadda Gudoomiye ee
Kulmiye & Ucid Axmed siilaanyo& Faisal Cali waraabe ayaa
waxaana lagu sheegay in labadda xisbi si wadajir ah isaga
Kaashadaan uguna hawlgalaan sidii Somaliland ay uga dhici
lahayd Doorasho xor ah taasi oo xisbiyadda saddexda ah ee
kajira Maamulka Somaliland si siman ugu tartami lahaayen
wakhtigi loo qoondeeyay Qabsoomida Doorashadda Somaliland
iyadoo warsaxafadeednkani maanta ay hargeysa ka soo saareen
Xizbiyada Mucaaradku ku sheegen inay samaysteen Guddi gaara
oo isugu jira Kulmiye & Ucid gudigani oo bay sheegeen loogu
magacdaray (Guddiga Istiraatiijiyadda iyo Hogaaminta ee
Isbahaysiga Kulmiye iyo Ucid) iyadoo ay gudoominayaan
Labadda Hogaamiye ee Xisbiyadda.
Guddigani ay maanta Magaaladda Hargeysa ku magacaabeen
Xisbiyadda Mucaaridka maamulka Somaliland ayaa waxay ka
koobanyihiin 14 xubnood oo min 7 xubnood ka ah labadda xisbi
waxaana warsaxafadedkani Labadda xisbi ku cadeeyen inaanay
Aqbalaynin Muddo kordhin kale oo loo sameeyo Xukuumadda
Madaxweyne riyaale oo hadda labba jeer xilka loo kordhiyay
taasi oo buuq badan ka dhalisay Siyaasadda Somaliland.
Warsaxafadeedka Xisbiyadda ayaa lagu sheegay in ay tahay
inay dhacdo Doorashadu wakhtigii loo asteeyay oo ah
27-Sep-2009 iyadoo Mucaaridku sheegay in mabaadi'doodu tahay
in wadahadal iyo wada tashi lagu xaliyo khilaaf kasta oo
yimaada Balse tan maanta ayay sheegen in lagu xalin karo
wadahadalna ku furmi karo markii Madaxweyne riyaale iyo
xukuumadiisu ku soo laabtaan xayndaabki sharciyadeed oo ay
ku xadgudbeen waa sida ay hadalka u dhigeene Gabagabadi
labadda xisbi mucaarid ayaa baaqooda ku sheegay in labadda
xisbi ay doonayaan inay qabtaan Kulamo dadweyne walaw aanay
shaacin wakhtiga iyo Goobta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |