Wasaarada Waxbarashada
Puntland oo Buugaag ugu deeqday Xarumaha Waxbarasho ee
Degmada Ceegaag.
(Ceegaag,
Dec
11, 2009 Ceegaag Online)
Wasaarada
Waxbarashada Puntland ayaa deeq Buugaag ah ugu deeqday
Xarumaha Waxbarashada ee Degmada Ceegaag iyadoo Deeqdaas
lasoo mariyay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cayn
Cabdi Cilmi
Dhoonge waxaana Deeqdaas ka gudoomay Gudoomiyaha Degmada
Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (C/riigle) deeqdaas buugaagta ah
ayaa ka koobneed 12,00 oo buugaag oo isugu jira Noocyada
Maadooyinka
dhamaan iyo
agab kale oo loogu tala galay waxbarashada oo ay kamid
Yihiin sabuuradaha tamaashiiradaha, Buugaagta Qoraalka,
kubado Qalimaan oo kala duwan iyo agab aad u farabadan in
Iskuulada Ceegaag mudo 3 sano ah ay Wax ku bartaan.
Gudoomiyaha
Degmada Ceegaag C/riigle oo ay wehliyaan Ibraahin Yuusuf
Ismaaciil, Maxamed Ismaaciil Siidhi iyo Cabdi Maxamed Xaaji
Cabdi ( Balaag) ayaa deeqdaas ka qaaday Magaalada Buuhoodle
ee Xarunta Gobolka Cayn. Iyagoo Deeqdaas ku Wareejiyay
Maamulada iskuulada Ceegaag, Waalidinta Cuqaasha iyo ururada
bulshada ee Degmada Ceegaag.
Dhinaca kale
qaar kamida ardayda wax ka barata dugsiyada Degmada Ceegaag
iyo waxgaradka Ceegaag ayaa waxay sheegeen inay aad ugu
faraxsan yihiin ayna filayaan inay waxweyn kabadali doonto
tayada aqooneed iyo tan waxbarasho ee deegaanka
Ceegaag.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |