Xarunta Khayraadka Badda ee
Liibiya oo Tababar loogu soo Xiray Kaluumaysato Reer
Puntland ah.
(Tripoli,
December 31, 2009 Ceegaag Online)
Tababarkaan
oo ay gacan ka geystay Dowladda Wadanka Liibiya ayaa waxaa
loo qabtay dad tiradooda lagu sheegay 26 Qof oo ka kala
tagay Guud ahaan Goboladda Puntland,Tababarkaan ayaa wax uu
ka dhacay Xarunta Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Libiya,
Waxaana Casharadda ka Bixinayey Dhakhatiir aad u yaqaan
Xoolaha.
Macallimiinta oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Al Waacir
iyo weliba Dhakhtarka kale Dr. Sansuur oo in badan takhasuus
u haysta dhanka Kheyraadka Badda, kuwaas oo mudo 25 Sanno ah
ka soo shaqeynayey.Tababarkaan ayaa in badan waxaa lagu
qaatay Casharo aad u Muhiim ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen
loo kaluumaysto nooyada kaluunka sida toonada oo kala ah
yalaw fiin boloo fiin, waxay casharo ku soo qaateen warshada
balaaran oo ku taala dalka liibiya oo samaysa kaluunka
toonada.
Warshadaas oo ku taala Magaalada Sabaraata.dhamaan 26 qof oo
qaatay siminaarka ayaa aad ugu riyaaqay casharada ay qaateen
iyo khibrada ay ka faa’iideen casharada ay qaateen sidoo
kale waxaa la soo tusay suuqa ugu wayn ee kaluunka lagu
iibiyo waxay ku soo arkeen muhiimada uu leeyahay kaluunka
iyo qiimaha uu ka joogo dunida caalamka.
Sidoo kale waxay ku soo arkeen suuqaas noocyada ka luunka
iyo libaax iyo wax yaalo badan oo lagu iibinayay suuqa wayn
ee kaluunka dalka liibiya.Dr. Maxamed Al waacir oo ahaa
macalinka bixinayay casharada siminaarka ayaa ugu baaqay 26
qof oo siminaarka ugu xirmay dalka liibiya markay tagaan dal
kooda in ay u faa’iidayeen umada ay matalayaan mirihii ay ka
qaateen siminaarka inta uu soconayay.
26 qof ayaa waxaa soo xulay wasaarada Kaluumaysiga Maamulka
Puntalan waxayn ka kala yimadeen Magaalooyinka
Bosaso,Baargaal,Xaafuun,Bayla,Dur dura,Jariibaan,Eyl,Hurdiya
iyo weliba Degaano xeebeed kale oo ka tirsan Maamulka
Puntland.
Gudoomiyaha NGO Safod C/raxman C/risaq Farax ( Guffure) oo
Hogaaminayey 26 Qof ee Siminaarku ugu Xirmay Dalka Libiya
ayaa wax uu Amaan iyo mahadcelin u jeediyey Dowladda Wadanka
Liibiya, Kaalintii ay ka qaadatay Taageerida Shacabka
Soomaaliyeed.Wax uuna kula dardaarmay dhalinyaradda
Tababarka qaadatay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu
Faa’ideyn lahaayeen dadka kale ee ku maqan Gudaha dalka.
C/waaxid Maxamed Xirsi (joocaar) Agaasimaha Wasaaradda
Kaluumeysiga Maamulka Puntland oo isaga halkaas hadalo ka
jeediyay ayaa wax uu ugu horeyn Mahadcelin u jeediyey
Dowladda Libiya iyo weliba Shacabkeeda sida wanaagsan ay ugu
soo dhawaysay dalkeeda.
Mudane Joocaar wax uu si aad ah uga hadlay kaalinta
Dhallinyaradda Tababarka qaadatay sidii ay ugu Faa’ideyn
lahaayeen dadkooda marka ay dib ugu laabtaan Dalkoodii Hooyo.
Si kastaba ha ahaate Mashruucaan Tababarka ah ee la siiyay
Wasaaradda Kaluumaysiga ee Puntland ayaa waxaa iska
Kaashaday Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland Eng:Maxamed
Faarax iyo Wasaaradda Khayraadka Badda ee Dalka
Liibiya,Inkastoo ay taasi Muuqato hadana wali waxaa loo
baahanyahay Tababaro kale oo Dheeraad ah si loo helo Shaqo
Tayo Wanaagsan leh.
Kaluunka Puntland:-
Qayb ahaan Soomaaliya waa Wadanka ugu Xeebta dheer
Africa waxaana Deegaanadda Puntland marta Badda ugu Dheer ee
soomaaliya sii marta,Badweynta Hindiya iyo Badda cas
labaduba waxay Maraan Deegaanadda Puntland waxaana Xusid
mudan in Dhaqaalaha ugu Badan ee Puntland uu ka soo galo
Kaluunka oo Noqday Khayraad Dabiici ah(Natural Resource)
Sanadkasta waxaa u shaqo taga Xeebaha Badda Cas iyo
Badweynta Hindiya Dhalinyaro Reer Puntland ah oo ka soo
shaqaysta Badda inta ay Maqantahay Dabaysha loo yaqaano(Monsoon
Winds) oo aan ahayn Dabaysha Caadiga ah ee loo yaqaano
Prevailing Windska oo ka dhacda Dhulka Bariga ah.
Bilawga Bisha September waxay Dhalinyaradu isu Diyaariyaan
inay u ambabaxaan Dhankaa iyo Xeebta si ay uga soo
shaqaystaan ilaa laga Gaarayo Bisha May oo ay Bilawdaan
Dabaylaha Monsoon,Khayraadka kala duwan ee Dhalintu ka soo
Jilaabato Badda ayaa isugu jira Aargoosatada Loo yaqaano
Kaambaha,Kaluunka iyo Libaaxa Badda si uga Helaan
Lacagta Adag ee ay ku dabirayaan Nafsadooda,Khayraadka ay
badda ka soo jilaabtaan Kaluumaysatadu waxaa kala wareega
Shirkado Ganacsi oo Ajnabi ah oo Xafiisyo ku leh Deegaanadda
Puntland waxaana Kartoonki Kaambaha ah laga Siiyaa $200
taasoo ah Lacag adag oo Puntland u soo xeroota.
Hadaba Meelaha ah Isha Kaluunka Puntland ayna Dhalinyaradu u
shaqo tagto waxaa ka mid ah
Qundheed,Garmaal,Suuj,Falfalax,Ceeldhidar,Dharinbaar iyo
Kulule walaw ay jiraan Meelo kale oo iyana ah Ilaha
Aargoosatada Ganacsi ahaanta loo Isticmaalo.
Daawo Sawirrada
Sawirqaade:Faadhig
Cali Bacle-Triboli-Liibiya
Edited and
Written:A/rashiid Mohamed
Garowe-Puntland
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |