Madaxweyne Shariif oo
maanta tababar ciidan u fura Kun askari oo ciidanka dowladda
(Muqdisho,
Dec
07, 2009 Ceegaag Online
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maanta
booqday xerada Haama Dhowr ee keydkii shidaalka, ayaa
halkaas tabababar ugu furay ilaa Kun askari oo ka tirsan
ciidanka xooga dalka kuwii hore ee odayaasha ahaa iyo kuwo
cusub oo ay dhowaan xareysay dowladda Soomaaliya.
Booqashada madaxweyne Shariif ayaa qeyb ka aheyd howlo uu
maalmahan ugu kuur galaya xaalada ciidamada, waxaana maanta
uu labisnaa mar kale dareyska ciidamada, taasoo muujineysa
sida uu ciidamada ugu niyad dhisayo.
Madaxweyne Shariif oo u furay tababarka ciidamadaas ayaa
qudbad uu u jeediyay waxaa uu kaga hadlay marxalada uu dalka
marayo iyo sida looga samata bixi karo, isagoo ciidamada
xooga dalka u sheegay in ay saaran tahay mas'uuliyad weyn oo
ku aadan bad baadada shacabka.
"Dalkaan
waa lagu soo duulay, dibad iyo gudaha waxaa jira dad
calooshood u shaqeystayaal ah oo cadawga kaalmeynaya, waxaa
idin sheegayaa inaad u diyaar garowdaan difaaca dalka iyo
dadka"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo hadalo guubaabo iyo
digniin isugu jiray u jeedinayay.
Madaxweyne Shariif ayaa kaga digay ciidamada dowladda in ay
iibsadaan hubka iyo rasaasta, taasoo uu sheegay in ay tahay
dambi weyn oo sida uu yiri lagu kaalmeynayo cadawga.
Waxaa uu
sheegay in dalka ay ka jiraan xaalado ammaan daro, isla
markaana loo baahan yahay in laga gudbo, waxaana uu kula dar
daarmay ciidamada in ay u dhabar adeegaan tababarka.
Madaxweynaha ayaa u balan qaaday ciidamada in ay heli
doonaan xuquuqdooda iyo wixii tasiilaad ah oo ay dowladda
ugu baahan yihiin, isagoo dar daaran culus u jeediyay.
Taliyihii hore ciidamada xooga dalka Jen. Yuusuf dhuumaal oo
ku wehliyay booqashada madaxweynaha ayaa sheegay in ay
jiraan ciidamo dibada ku maqan, isagoo sheegay in cutubyo ka
tirsan ciidamada dibada ku maqan ay dhowaan dalka dib ugu
soo laaban doonaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |