Waqtiga Kalfadhiga
Barlamaanka furmayo oo la shaaciyay & Xarakada Al-Shabaab oo
warsaxaafadeed soo saartay.
(Muqdisho,
Dec
17, 2009 Ceegaag Online)
Gudoonka Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta
shaaciyey xiliga uu furmaya kalfadhuga Baarlamaanka oo in
mud ah hagad ku jiray
Kadib kulan maanta magaalada muqdisho ay ku yeesheen
Guddoomiyaha Golaha Barlanma KMG ee Soomaaliya iyo
Gudiyadiisa Barlamanka ayaa waxaa ay ka hadleen arimo dhor
ah.
Kulanka oo socodey mudo dhowr sacadood ah ayaa waxaa
banaanka ka ahaa Bahda Warfaafinta ee magalaada Muqdisho ku
dhaqan ku waasi oo doonayey in ay wax ka ogaadaan
kulankaasi.
Hase yeeshee Kulankaasi oo ay wada qaateen Afhayeenka
Barlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Gudiyadiisa
Barlamanka ayaa waxaa kulankaasi kadib Saxaafada la hadleyey
afhayeenka Golaha Barlamanka.
Sheekh Aadan Maxamed nuur ayaa waxaa uu u sheegay Bahda
Warfaafinta in isaga iyo Gudiyadiisa Barlamanka ay ka wada
hadleen sidii uu ay dib looga bilaabi lahaa fadhiyadii ay la
haan jireen Xildhibaanada Barlamanka.
Afhayeenka ayaa waxaa intaasi uu ku darey in looga
baahanyahay Xildhibaanada ka maqan gudaha dalka Soomaaliya
in sida uga dhakhsiyaha badan ay uga soo laabtaan dalka gaar
ahaana magaalada Caasimada si laa ambaqaado howlaha shaqo ee
horyaala Barlamanka.
Sikastaba ha ahaatee hadalkani maanta kasoo yeerey Guddoonka
Barlamanka ayaa waxaa uu imaanayaa xili Barlamanka
Soomaaliya mudo ka badan 3-dax bilood aaney yeelan wax
fadhiyo ah.
Warsaxaafeed
ka soo baxay Al Shabaab oo looga mamnuucay ka howlgelida
hey’ada Mine Action gudaha dalka Soomaaliya
Xarakada Al
Shabaab ayaa maanta waxa ay shaaciyeen in Hey'ada Mine
Action ka mamanuuceen in ay ka howgasho gudaha dalka
Soomaaliya ka dib warsaxaafadeed ay soo saareen .
Nuqul ka mid
ah warsaxaafadeedka Shabaab ay kaga mamnuuceen hey'ada Mine
Action in ay ka howgasho gudaha dalka Soomaaliya oo soo
gaartay Xafiiskaa ceegaagonline magaalada Muqdisho ayaa waxa
ay u qorneeyd sidaan.
Bayaan ku aadan Howlaha Hay’ada Mine Action.
Laga bilaabo
taariikhdu marka ay tahay 17-12-2009, Hay’ada hoostagta
qaramada Midoobay ee loo yaqaano Mine Action waa mid xiran.
Tilaabadan
ayaa waxaa qaaday Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha
Ajnabiga ah kadib markii diraasad qoto dheer uu ku sameeyay
dhaqdhaqaaqyada iyo ujeedooyinka ka dambeysa Hay’adan.
Waxaa
cadaatay in ay Mine Action bixiso Mishaaraadka Booliska
xukuumada Riddada ah , waxayna dhanka kale ku kacaysay isku
dayo farabadan oo lagu carqaladeynayo nabada iyo cadaalada
ka jirta Wilaayaat-ka Islaamiga ah iyadoo laaluush ku
harqinaysay madax dhaqameedyada bulshada si ay u abaabulaan
kacdoon ka dhan ah Maamullada Islaamiga ah.
Waxaa intaas
sii dheer inay sahan iyo calaamado tilmaam bixinaya ku
sameyneysay qaybo kamid ah goobaha ugu muhiimsan uguna
xasaasisan dhulka ay ka taliyaan Mujaahidiinta.
Ugu
dambayntiina waxaa baaritaanka lagu xaqiiqsaday in Mine
Action ay si qarsoodi ah u qaban jirtay howlo iyo shaqooyin
ay lahaayeen Hay’ado uu horey u mamnuucay Xafiiska La
socodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah sida Hay’ada UNDP.
Xafiiska
Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah wuxuu sii wadi
doonaa isku duba ridka iyo kormeerida Hay’adaha Ajnabiga ah
ee ka howl gala Soomaaliya wuxuuna Bulshada Muslimka ah ka
difaaci doonaa dhamaan wixii hagardaamo ah oo kasoo horjeeda
Diinteeda, Jiritaankeeda, Badbaadadeeda iyo Caafimaadkeeda.
Allaah ayaa
nagu filan Rabigeena ah.
Xafiiska
Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah.
Xarakada
Mujaahidiinta Al-Shabaab.
webmaster@ceegaag.com |