Qarax sababay dhimashada in
ka badan 6 caruur ah oo ka soo wada jeeda hal qoys ayaa
galabta waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Balanbale ee
gobolka Galgaduud.
(Balanbale,
Dec
14, 2009 Ceegaag Online)
Qaraxa oo haa miino ayaa la shegaya in ay ku qaraxday qoys
reer guura ah oo maanta dagay meel ilaa 7 km u jirta
magaalada Balanbale ka dibna halkaasi ay kula qaraxday miino
dhulka ku aasneyd.
Dad deegaanka ayaa sheegaya in qoyska maanta uu soo dagay
goob horay u ahaan jirtay xero ciidan ka dibna ay ka
sameynteen Dhardhaar ay cuntada ku karsadaan, hasa ahaatee
kulka dabka uu gaaray miino dhulka ku jirtay taasi oo
qasaaro xoogan gaarsiiyey qoyska reer miyiga ah .
Qoysaakaani ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 7 caruur ah
iyo walidiintooda waxaana qaraxa miinda ah ku dhintay 5 wiil
iyo hal gabar , waxa iminka qaraxa haleey qoyska ka
badbaaday gabar yar ,aabihi iyo hooyada oo ku sugnaa meel ka
fog qaraxmiinda ah.
Sidoo kale waxa halkaasi ku baaba.ay hanti kale oo ay la
hayeen qoyska, waxana kamid ahaa Ari iyo dameerkii ay
raranayeen qoyska
Qarax oo ahaa mid laga maqlayey degmada Balanbale iyo
deegaanada ku dhow dhow ayaa waxa gurmad u sameeyey qoyska
masiibada ay ku habsatay dad farabadan ee uu ka mid yahay
gudoomiyaha degmada Balanbale, waxana dadkaasi ay soo
uruuriyeen gacmo,lugo,madaxyo iyo hilbo lakala garan waayey.
Dadka deegaanka iyo maamulka degmada Balanbale ayaa waxa ay
wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku aasaan caruurta
qoyska ka soo wada jeeda ee galabta qaraxamiinadaha ku
dhamaaday.
Magaalada Balanbale ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka
dalka Soomaaliya ee ay ka dheceen dagaalada sukeeye iyo
kuwii ay isaga horyimaadeen dowladdi Soomaliya iyo dowlada
Etoobiya sanadkii 1977 mana jirin waxii markaasi ka danbeey
cid sameeysay baaritaano ku aadan bixinta miinooyinka.
Dhowaan ayey ahayd markii qaraxmiino sidaan oo kale ah
caruur yar yar uu kula qarxay degaanka Xeraale ee gobolka
Galgaduud isalmarkaana ay ku dhinteen ilaa 8 caruur ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |