Beesha Madhibaan ee Gobolada
Waqooyi oo iska diiday in ay noqdaan Yabar Yoonis (Isaaq).
(Buuhoodle,
December 29, 2009 Ceegaag Online)
Suldaan Daakir Xasan
Khaliif
Dhagayso
Magalaada
Goob Wayne oo kamid ah deegaanada hoos yimaada Gobolka Cayn
ayaa waxaa Mudooyinkii ugu Dambeeyey shir kulahaa beesha
Madhibaan Waxaana Shirkaasi Soo agaasimay Suldaanka Guud ee
Beesha madhibaan Suldaan Daakir Xasan Khaliif waxaana
shirkaasi loo hadlaya xaalada Warar Mudooyinkii ugu
dambeeyey laysla dhexmaray oo sheegayy in beesha madhibaan
laga bedelay magacii oo loo bedelay Kuul Caro/Habaryoonis.
Hadaba Suldaanka Beesha Suldaan Daakir Xasan Khaliif,
Cuqaasha, dhalinyarada, ururada haweenka iyo waxgarad
farabadan oo kamid ah beesha ayaa kulan kuyeeshay magaalada Goob oo
deegaanka buuhoodle kamid ah waxaana shirkaasi lagu sheegay
in beesha aan laga bedelin magacii ma dhibaan ayna warkaasi
yahay war laga xumaado oo ay wadaan dad dano gaar ah leh oo
ku dhexjira beesha, waxaana waxgaradka beeshu ugu baaqeen
dhamaan umada Soomaaliyeed iyo waxgaradka deegaanada kaleba
in warkaasi yahay been laguna dilayo sumcada beesha iyo
horumarkeeda.
Hadaba
wariyaha
Shabakada Ceegaag Online ee Mandaqada Hawd
Cali Osmaan
Yuusuf (Cali Dhagjar)
ayaa waraysi khaas ah la yeeshay Suldaanka Beesha
Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo sheegay gabi ahaanba
warkaasi yahay been runta ka fog waxaana Suldaanku ugu
baaqay cidii wada howlahaasi inay si deg deg ah uga baxaan
hadii kale talaabo laga qaadayo.
Cali Osmaan
Yuusuf (Cali Dhagjar)
Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |