Biyo La'aan kataagan
Buuhoodle iyo Qiimaha biyaha oo saray u kacay.
(Buuhoodle,
December 30, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo Xili
Roobaadkii Sanadka uu gabi ahaanba seejiyey magaalada
buuhoodle ayaa waxaa guud ahaan gudaha magaalada buuhoodle
kataagan biyo la,aantii ugu darnayd, biyo la,aantaasi oo
saamayn wayn kuyeelatay nolasha bulshada kunool gudaha
magaalada buuhoodle, Waxaana Markii ugu horaysay inta la
xasuusto Qiimaha foostada biyaha ahi gaadhay magaalada
buuhoodle $3doolar oo u dhiganta 100Shilin Somalia waxayna
taasi sababtay in dad farabadan oo kunool magaalada
gudahaheeda ay uga baxaan deeganada kale halka dadka biyaha
gadan karaana isugu soo hadheen gudaha magaalada.
Qiimaha
booyada gaadiidka ugu wayn ayaa magaalada buuhodle lagu kala
siisanayaa aduun lacageed oo gaadhaya 120$ doolar waxaana
inta badan biyo la,aantani saamayn wayn kuyeelatay guud
ahaan mushtamaca magaalada buuhoodle oo iminka biyo la,aan
qarka usaaran.
Waxaana sidoo
kale biyo la,aantani saamayn wayn kuyeelatay Qaxootiga
kunool magaalada buuhoodle oo ka soo barakacay koonfurta iyo
bartamaha Somalia dadkaasi oo biyo la,aan looga cabsi
Qabo inay u dhintaan. dhinaca kale dadka xoolaha dhaqanata
ah ayaa gabi ahaanba ka guuray gobolka iyagoo beegsanaya
deeganada dhinaca bariga kaga xiga magaalada buuhodle gaar
ahaan dhinaca Sool oo sanadkii dhawaa raxmaadkii dayrtu
maansheeyey.
Cali Osmaan
Yuusuf (Cali Dhagjar)
Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |