Reer Muqdisho oo ku
shibro waaqleeyay Xisbul Islaam(Aways) kadib markii ay
dajiyeen astaanta Soomaaliya
(Muqdisho,
Dec 08,
2009 Ceegaag Online
Banaanabaxyo waaweeyn oo wata rabshado ayaa waxa ay galabta
ka dheceen deeganka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada
Muqdisho kuwaasi oo looga soo horjedo Ururka Xisbul Islaam
ee deegaankaasi Gacanta ku haya oo dejiyey Calanka
Soomaaliya.
Banaanbaxa ayaa la sheegay in uu bilaawdkay ka dib markii
galabta meeshiyo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ay calanka
Soomaaliya ka dajiyeen School ku yaala deegankaasi kadibna
ay ka sareen calanka Madoow.
Qaar ka
mid ah macalimiinta dugsiga wax ka dhigta iyo qaar ka mid ah
aradada ayaa waxa ay ka muranka keenen arintaasi ka dib
ciidamada ururka Xisbul Islaam ay Xabsiga u taxaabay qaar ka
mid ah ardada iyo macalimiinta.
Dad
weeyanaha barakacayaasha ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa
mar qura ah isku soo baxay ka dibna bilabay bananbaxyo ay
kaga soo horjeedaan falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada ururka
Xisbul Islaam, waxaana dadka banaanbaxyada dhigayey oo watay
calanka Soomaaliya ay ku qeeylinayeen hal ku dhigyo ay ka
mid yihiin “doonimeeyno Xisbul Islaam doonimeeyno Calan
Madow”
Dadka
banaanbaxa dhigay oo gaarayey boqolaal ruux oo u badnaa
dhalinyaro, caruur iyo haween ayaaa dhagxaan ku tuurayey
baraha Kontorol ay fadhiyaan ciidamada ururka Xisbul Islaam,
waxa ayna marki danbe banaanbaxayaalka xoog ku soo dayeen
aradadii iyo macalimiintii xabsiga ay dhigeen ciidamada
ururka Xisbul Islaam ee Degaankaasi.
Wararka
qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xisbul Islaam ay rasaas ku
fureen dadka banaanbaxyada sameeynayey islamarkaana qaar ka
mid ah dadka ay dhaawacyo gareen inkastoo aan cadeeyn tirada
dhaawaca ah.
Dadka
ayaa ku dhiirtay banaanbaxa ilaa markii danbe ay dajiyaan
calankii Madoobaa ee ay ururka Xisbul Islaam sareen Schoolka
,waxana daka banaanbaxa dhigayey la sheegay in wadada isku
xirta Afagooye iyo Muqdisho ee dhaxmarta deegaanka Ceelasha
ay dab ku qabadsiiyeen calanka madoow ee ururka Xisbul
Islaam.
Deegaank
ceelasha Biyaha ayaa waxa ka jirta X xiisad u u dhaxeeysa
ururka Xisbul Islaam iyo daka Barakacayaasha ah eek u nool
deegaanka Ceelasha Biyaha.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |