Faarax Macalin Dawaara oo
maanta gaadhay Magaalada Laascaanod.
(Laascaanood,
December 27, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Maanta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
Gaadhay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyey
Kuxigeenka Baarlamaanka Wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin
Dawaara oo Maalmihii ugu danbeeyey Booqasho Ku Joogay
magaalada Hargaysa.
Wafdiga Waxaa Ku soo Dhaweeyey Gudaha magaalada Laascaanood
Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee iyagu kusugan magaalada
Laascaanood wariyaal kusugan magaalada Laascaanood ayaa u
Sheegay Warbaahinta Caalamiga ah ee Ceegaag.com in
safarkiisa ay ku wehelinayeen masuuliyiin katirsan Xukuumada
Somaliland oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyada, arimaha
gudaha iyo Xildhibaano.
Booqashada Gudoomiyaha kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax
Macalin ayaa lagu sheegay inay ka danbaysa inuu ogaado
xaalada gobolada maamulka Somaliland uu gacanta kuhayo
waxaana uu soo maray gobolada somaliland gacanta hay
kuhayso,masuulkani intii uu ku sugnaa magaalada laascaanood
lama kulmi waxgaradka waxaana markiiba uu dib uga laabtay
magaalada laascaanood xili magaalada xalayto ay ka dhaceen
qaraxyo
Dadwaynaha magaalada Laascaanood ayaa ka War helay oo kaliya
inuu magaalada Yimid Faarax Macalin gudoomiye kuxigeenka
baarlamaaka kenya waxaana ay shacabku iswaydiinayaa sabaha
booqashadiisa la Xidhiidha, mana Jirto wax war ah oo ka soo
baxay dhinaca maamulka Puntland oo xidhiidh wanaagsani ka
dhaxeeyo Wadanka Kenya
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |