Fagadhe oo galabta ku
geeriyooday Cisbitaal kuyaala Magaalada Paris ee Dalka
Faransiiska.
(Paris,
December 27, 2009 Ceegaag Online)
Allaha u naxariistee
Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa galabta ku
geeriyooday cisbitaal ku yaala Magaalada Paris ee Xarunta
dalka Faransiiska, Marxuum Fagadhe ayaa horey u ahaan jiray
Wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Gudoomiye
ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
Madaxweyne Riyaale
ayaa tacsi u diray guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar
ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum
Fagadhe. Wuxuuna Ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno
ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa Tacsi
taa la mid ah Gaarsiinaya Qosykii & Qaraabadii uu ka
geeriyooday ALLE ha unaxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur
(Fagadhe)... dhamaan shaqaalaha Shabakada Ceegaag Online waxaan
ALLE uga baryaynaa Marxuum Fagadhe in ilaahay ha ka
waraabiyo Janatul Fardowsa dhamaan qosykii & qaraabadii uu
ka geeriyoodayna samir iyo Iiman inaga wada siiyo. Aamiin.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |