Dhinacyada Maamulka
Puntland iyo DG-Galmudug ayaa maanta heshiiska ku gaareen
magaalada Gaalkacyo gaar ahaana goobihii shalay lagu
dagaalamay, waxaa uu ka koobnaa ilaa sedex qodob oo la isku
waa faqay lana dhaqan galiyay waxayna kala ahaayeen.
Sida uu warbaahinta sheegay duqa
magaalada Galkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxaa
lagu ballamay in labada dhinac mid walba uu kulanka berri
ah u soo dirsado 15 ergay markaasna la guda galo wada
hadal dhab ah.
Kulanka maanta oo ka dhacay dugsiga
Umadda ee ku yaalla bartamaha magaalada ayaa waxaa ka
qaybgalay madaxda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug
iyo bushada rayidka gaar ahaan odayaasha, ganacsatada iyo
urur dhallinyaro oo ka kooban labada qaybood ee magaalada.
Xaaladda guud ee magaalada Galkacyo
waxay ahayd maanta mid aad u deggan mana jirin wax
saansaan colaadeed ah oo halkaas lagu arkay ama dhawaaqa
rasaasta oo la maqlay tan iyo saaka aroortii.
Waxaana Maanta Markii uu dhacayb
Heshiiskaasi Kumeel Gaarka ahi Soo Dhaweeyey dhamaan
shacabka Kunool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka
Mudug oo Iyagu dagaaladaasi Labadii Maalmood ka dhacay
magaalada Gaalkacyo Si Wayn uga Xumaaday iminkan Soo
Dhaweeyey Heshiiska