Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG
oo sheegay in dhalinyaradii dalka dhibaato loogala cararay
dalka haatan dib dhibaatooyin ay ugu soo safriyeen .
(Muqdisho,
Dec
10, 2009 Ceegaag Online
Guddoomiyaha
Baarlamanka Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed
nuur Sheekh Aadan Madoowe oo maanta gudaha magaalada
muqdisho saxaafada kula hadlayey ayaa waxaa uu si kulul uga
Hadley falkii qaraxa ahaa oo dhowaantan ka dhacey Hoteel
Shaamoow ee magalada muqdisho.
Ugu horeentii ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya waxaa
uu sheegey in wiilashii horey loogala cararey dhibaatooyinka
dalka Soomaliya iminka ay bilaabeen in dalkooda ugu soo
noqdeen in ay dhibaateeyeen sida hogaanka sare ee
Baarlamanka hadal u dhigey.
Afhayeenka Barlamanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ka
Hadley marxalada iminka dalka Soomaaliya uu marayo isagoona
sheegey in Dowlada KMG ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo
Sheekh Shariif ay dadaal uga jiraan sidii is badel ay uga
sameyn lahaayeen xaalka dalka uu maro.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Barlamanka Soomaaliya
Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu ka Hadley fadhiyadii
Baarlamanka Soomaaliya oo mudo todobaad ah aan
qabsoomin,isagoona Afhayeenka Sheegey in fadhiga uu ubaaqey
falkii qaraxa ahaa ee dhowaan ka dhacey gudaha magaalada
Muqdisho.
Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka ayaa waxaa
uu sheegey in dhowaan sida uga dhakhsiyaha badan uu u
bilaabanayo fadhiyadii Baarlamanka Soomaaliya ay yeelan
jireen..
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |