Dowlada KMG ah oo
sheegtay in falalka ka dhaca Hotelada Muqdisho ay damaanad
qaadi donaan milkiilayaasha hotelada.
(Muqdisho,
Dec
07, 2009 Ceegaag Online
Dowlada
KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa sheegtay in dhacdadii
haatan ka dib ma dhacdaa hotelada magaalad Muqdisho ay
damaanad qaadi doonaan milkiilayaasha Hotelada magaalada
Muqdisho.
Kadib
shir jaraa'id oo uu maanta Saxaafada ugu qabtay gudaha
magaalada Muqdisho Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta
dowladda KMG Soomaaliya Maxmed Xuseen Saciid ayaa waxa uu ku
sheegay in ay sharaf xumo wayn u tahay Mas'uuliyiinta
Hoteelada ku yaala magaaalda Muqdisho waxyaabaha
hoteeladooda ka dhaca xilliyada qaar.
Wsaiirka
ayaa la dhawaajiyey in falalka ka dhacay hotelada magalada
Muqdisho ay soo noqnoqdeen ,waxa uuna sheegay in dhacdadii
ka dhacdaa hotelada Muqdisho dowlada ay u qabsan doonto
mas,uulka hotelka falka uu ka dhaco.
Maxamed
Xuseen Saciid Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta dowladda
KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday
falkii naxdinta lahaa ee Qamiistii aynu soo dhaafnay ka
dhacay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay
ku nafwaayeen tiro ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya ,
Profisooro, Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Saxafiyiinta
qaar ee magaalada Muqdisho.
Wasiirku
tibaaxay in ay kulamo la qaadan doonaan mas'uuliyiinta
hoteelada waawayn ee magaalada Muqdisho ayna kala hadli
doonaan sidii amaanka hoteelada Muqdisho ay u sugi lahayd
dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu
danbeeyntii wasiirka ayaa waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta
hotelada magalada Muqdisho in ay si buuxda kaga shaqeeyaan
amaanka hoteladooda si looga baaqsado in markale dhacdo xun
ay ka dhacdo hotelada magaalada Muqdisho.
Sikastaba hadalka ka soo baxay dowlada KMG ah ee Soomaaliya
ayaa waxa uu imaanaya xili Khamiistii la soo dhaafay qarax
uu ka dhacay hotel Shaamoow kaasi oo ay ku dhinteen dad
farabadan oo wasiiro ay ka mid ahaayeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |