Ogaysiis la xidhiidha
dhir-baaxadii kululayd ee shalay lagu ku dhuftay Shacabka
Soomaaliyeed gar ahaan Reer Muqdisho
(Muq
Dec
04, 2009 Ceegaag Online)
Ogaysiis CIdii ay
Khusayso: Warbixinta Hoose
shalayto waxaa diyaariyay Xoghayaha xaga maaliyada ee
shabakada Eng. Xuseen.Fiin kadib markii uu saluugay warbixin
katimi wariyaha shabakada ee muqdisho, warbixintaa oo ahayd
suxufinimo balse uu xoghayuhu aad uga muraaro-dilaacay falka
waxashnimada lahaa ee lagu fuliyay reer Muqdisho. Xoghayaha
ayaa doorbiday in dadka warka siduu yahay loogu sheego, si
dadku u dareemaan masiibada ka dhacday Muqdisho.
Kooxaha isqarxiya ayaa saaka ka
fuliyay weerar ismiidaamin ah Hodheelka Shaamow ee magaalada
Muqdisho, Ismiidaamintan ayaa waxaa lagu xasuuqay qaar
kamida maskaxdii shacabka Soomaaliyeed oo isugu jiray
Dhakhaatiir inbadan lagusoo tabcay, Aqoonyahanadii naftooda
hurayaasha ahaa ee ku soo tabcay iyo waxgaradkii u guntaday
Soomaaliya inay dhibka ka saaraan ee masuulkana ka ahaa
Dawlada dhexe ee Soomaaliya.
dad
tiradoodu gaadhasay 14 ruux oo ay kamid ahayeen Provesor
Shiihiid oo ahaa gudoomoyihii jaamacada Banaadir
wasiirka Tacliinta Sare, Prof
Ibraahim Xassan Caddow, Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan iyo
Wasiirka Waxbarashada Axmed Cabdullaah ayaa ku geeriyooday.
Dadka
ku dhaawacmay ismiidaamintan ayaa waxa ay kor u dhaafeen
ilaa 46 qof oo aykamidyihiin Provesor Jideey, Cabdulaahi
Xuseen Bushkileeti, Provesor Tahliil, iyo Provesor Weheliye.
Sidookale waxaa dhaawaca ku jiray Wasiirka dhalinyarada iyo
Isboortiga Saleebaan Colaad halka ay ku geeryoodeen
Sidoo kale
waxaa qarahaa ku dhintay shan dhakhtaroo maanta qalin jabin
lahaa, labo Suxufiyiin ah oo lagu kala magacaabi jiray
Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka tirsanaan jiray Radio
Shabelle iyo Xassan Zubayr oo ahaa Kaameristaha Telefishinka
Carbeed ee Al-Carabiya.
Waxaan tacsi
u diranaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu
joogo anaga oo ugu baaqayna inaan laysku eegan dhibka ee loo
wada guntado sidii wax looga qaban lahaa dhibka haysta
dalkeena oo haatan maraya in si badheedh ah loo laayo dadka
dalka wax ka badali lahaa.
Weerarkan
ayaan ahayn mid sisahal ah isaga yimid balse ah mid
ladoonayo in lagu dhaxal wareejiyo DIIN iyo DALBA shacabka
Soomaaliyeed.
Warbixintii wariyuhu soo
diray waatan ee hoos ka akhriso
Wasiiro, xildhibaano Arday
Wariyaal iyo masuuliynnka kale ayaa maanta waxa ay ku
dhinteen qarax ka dhacay hotelka Shaamoow ee magaalada
Muqdisho.
Inta haatan laga warhaayo in ay qaraxaasi ku dhinteen ayaa
wax ka mid ah Wasiiradda Caafimaadka dowladda KMG Qamar
Aadan Cali,Wasiirka Tacliinta dowladda KMG Pro. Ibraahim
Xasan Cadoow,Wasiirka Waxbarashada C/laahi Waayeel iyo
Wariyihii Shabelle Max’ed Amiin Aadan Cabdule iyo Sawirqaade
ka tirasana TVga Alcarabiya oo lagumagaabo Xasan Zubeeyr iyo
Digtoor Max'ed Aadan Shahiid iyo araday farabo badan oo
halkaasi ku suganaa.
Goobta uu qarax ka dhacay ayaa aad loo adkeyey amankeeda
waxaana soo buux dhiiafiyey ciidamada dowlada KMG ah ee
Soomaliya oo dadweynaha ka celinaya in ay Hotelka galaan.
Wararka aya sheegaya in aan wali la xaqiijin garin tirade
dhabra ah ee qaraxa ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay
waxaasi wali hotel Shaamoow ee uu qaraxa ka dhacay laga dad
ku reeynayaa meydadka iyo dhaawaca
Cusbitaalka Madiina ayaa la dhigay dhaawacyada 40-ruux ruux
oo u badnaa Ardaydii qalin jebinta u fadhiysa, waxaana
xilliga qaraxa dhacay la sheegay in ay socotay qudbad ay
jeedinayeen Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG.
Ilaa iyo hada war rasmi ah kama soo bixin Dowladda KMG,
madaxdeeda sare waxaana haatan socda kulan ay u fadhiyaan
dhamaan Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisheeda dhinaca
Ciidamada oo lagu wado in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
Ma jirto
sidoo kale cid sheegatay qaraxaas ismiidaaminta oo uu
fuliyay qof la sheegay inuu xirnaa waxyaabaha qarxa oo isku
qarxiyay goobtii ay ka socotay xaflada qalin jebinta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |