Weeroradii khalkhal galinta
ahaa ee laga waday Laascaanood oo wali sii socda.
(Laascaanood,
December 26, 2009 Ceegaag Online)
Wararka caawa naga soo
gaadhaya magaalada Laascaanood ee ku soo dhacay warqabadka
Ceegaag online ayaa ku soo waramaya in magaaladaasi uu caawa
ka dhacay qarax xoogan oo siwayn looga maqlayey guud ahaan
magaalada gudaheeda.
Khasaaraha qaraxaasi uu caawa gaystay ayaa la sheegay inay
ku dhaawacmeen ugu yaraan labo wiil oo dhalinyaro ah oo
dhaawacooda la dhigay cusbataalka magaalada
Laascaanoo,waxaana ka hor intii uu qaraxai caawa Laascaanood
ka dhicin maanta la fashiliyey qarax la dhigay wada
dhinaceeda maanta duhurnimadii oo aan cidna wax ku noqon
lama oga ilaa iyo hada cida sida rasmiga ah uga danbaysa
qaraxyani ka dhacay magaalada Laascaanood.
Waxaana qaraxni caawa siwayn uga naxay dadwaynaha magaalada
laascaanood waxaana qaraxyani ku soo beegmayaa xili labo
maalmood ka hor qaraxmiino ku dhinteen labo wiil oo
dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku qaraxday walxaha qarxa.
Arimihan ka soo
cusboonaaday magaalada ayaa waxaa si buuxda uga masuul ah
maamulka Somaliland oo ku guul daraystay inay wax ka qabtaan
sugida amaanka magaalada xarunta ah ee Laascaanood, arintan
oo ku keeni doonta in iyagana laga saaro magaalada sidii
looga saaray maamulkii Puntland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |